Maanso Jaceyl

Naftaydii Raaxo Diiday
Ruclaha Kugu Raadinaysay
Hankeedii Rucubta Keenay
Adiga Rajo Kaa Filaayay
Markaad Raran Kaga Dhaqaaqday
Markaad Riciraha Ka Jabisay
Rafaadkii Uu Mutaystay
Haweenkaba Uu Ka Rooray

Xiskaygii Adu Ku Raacay
Runtaada Markuu Ogaaday
Inaad Raja beel U Hayso
Inaad Maankaba Ka Riiqday
Samirbuu Raartuu Adkaystay

Ruuxdii Adi Kuu Riyaaqday
Enay Reer Dhisto Jeclaatay
Rug Iyo Rays Raadinaysay
Markaad Rajadii Xumays
Kalsoonida Way Rigaaxday

Qof Aan Reer Kula Dhisaynin
Qof Aan Rajo Kula sugaynin
Ruuxdada Qof Aan Cizaynin
Runtaada Qof Aan Aqoonin
Hankaaga Marnaba Ha Raacin

Rafiiq Qofka Aad Bidayso
Ruuxdaada Ku Aaminayso
Naftaadana Raacinayso
Runtiisa Hadaad Aqoonin
Qalbiga Rahan Ha Uga Yeelin

Danteena Anaa U Taagan
daryeelna Adaan Kusiiyay
Anaa Damqashada Ka Dhawra
Dabiibna Adaa U Jooga

Jacaylka Anaa Dillaacsha
Dareena Adaa Ku Kaaba
Dun Fiican Anaa Kayeela
Adaa Darajeeya Baybi

Anaa Dusha Nacab Ka Eega
Adaa Gudahana Dabbaala
Anaa Darsi Caashaq qaada
Dawooy Adigaa Nakhtiima

Hir doogle Anaa Ku beera
Dabadeedna adaa waraabsha
Anaa Shumiciisa Daara
Adaa Daawado Iftiinka

Dadaalkiyo Baratankeena
Daryeelka Is Dhiirinteena
Duruusta Jacayladeena
Dunida Hadyad Ha Uga Yeelno

Danteena Anaa U Taagan
daryeelna Adaan Kusiiyay
Anaa Damqashada Ka Dhawra
Dabiibna Adaa U Jooga

Jacaylka Anaa Dillaacsha
Dareena Adaa Ku Kaaba
Dun Fiican Anaa Kayeela
Adaa Darajeeya Baybi

Anaa Dusha Nacab Ka Eega
Adaa Gudahana Dabbaala
Anaa Darsi Caashaq qaada
Dawooy Adigaa Nakhtiima

Hir doogle Anaa Ku beera
Dabadeedna adaa waraabsha
Anaa Shumiciisa Daara
Adaa Daawado Iftiinka

Dadaalkiyo Baratankeena
Daryeelka Is Dhiirinteena
Duruusta Jacayladeena
Dunida Hadyad Ha Uga Yeelno.

Qoraa: Kaarto Abu Ikhlaas