Siciid oo is xanaajinayo ayaa kacay oo yiri:
Soomaali dumarkooda waad ugu saraysaaye Sarajooga goortaad kacdaa samay la moodaye Socodkaaga iyo laafyahaa lala sarkhaamaye Inaad soo kacaysiyo wallaal samir inaan qaato Si wanaagsan baa loo hadlaa waan ku sugayaainta kacday bay tiri.
gabay lagaa karimaaye waxaad yeeshaa waa xili danbe, haddii aynu baxno subaxba waa la ina tabi oo waa la inaga daba iman karaaye, haddaba, kayntaa madow ee galoolka badan subax soo gal. Gudun baan soo qadanayaa anigoo ku marmarsiyoonaya iyo maydhax baan soo diranayaa ee sidaa iga yeel, subuxaba waynu baxaynaaa si aan habeen danbaba Ramaas ugu dhaadhacno e.” Siciid wuu ka yeelay isagoo ugu maahmaahaya waayahay “kaadi badane waa loo gogal badayaye.” Si qurux badan ayaa la isku nabad galiyay
Wuxuu soo baxa cadceeda tiigsada ba, waxaa u baryey waagii. Go’aanku siduu ahaa isaga oo madaxa ku haya buu horay u toosay. Hal dhashay oo ay nirigteedu ag taagan tahay buu
gaawaha la hoos galay. Degdeg intuu u maalay buu horay caanihii ka sii qaatay. Waxa uu soo ambabaxay xidhkii ay ku tidhi igu sii sug. Waa uu yimid kayntii jiqda ahayd. Isaga oo kolba qoor diinlaynaya ayuu reerka eeggaa. Xoolihii oo wada kala dareeray iyo dadkii oo wada kala shaqa tagay buu arkay. Waa la gaadhay xili barqo kulul ah. Hase yeeshe, weli ishiisu ma qaban Saafi Ciid, goor cadceedii sii kululaatay oo ay barqo dheertahay, wataas saafi oo bila gudin ah socoto. Balse, wax bay xambarsantahay. kaynta meeshay kaga soo beegnayd buu u sii galay. la isu yimid. Indho jacayl la isku eeg. Salaam kaddib, waxay ila tahay inaan waxba kaa danbayn oo aad soo diyaar garoowday, ayuu ku yidhi. Maya, maya awrtaa xidhxidhan inaan anigu seeteyo oo, aan maqasha adhiga ee edagta ku jirtana inaan banaanka u sii daayo baa la iga rabaa, ee waxaan isi idhi u soo sheeg.
Siciid wuu cadhooday isaga oo u arka inay waxay sheegaysay oo dhan ay been yihiin, oo ay doonayso siday Cabdirashiid u gashay inay u gasho buu ku yidhi:
Guurtidaanu nahay golola dhool waadan garanayne Waxaanu nahay raggaan guur u dayayn gaashka naagahe Gola joogga laafyahay midii gacanta saydhaysa Ee gaari loohubo hablaha waanu gadanaaye Geeli iyo waxaan siisanaa googo lacageede Galabtaa dambeetaa aroos laga gigsiiyaaye Gool baa halkaa lagu qalaa gananaanjiraye Goonyaha waxaa laga ridaa gumuc rasaaseede Gowdaa ciyaar lagu hayaa gaadh habeenimoe Gayaanku adiga amahoo gayiga gabadhi waa buuxe Gow iga sii hadal cadbaa lala gedoomaaye Iyadoo leh gabay lagaa karimaayo mise waad xanaaqday, adigaan kugu eegayee. Waxaan xambaarsanahay waa dharkaygiiye ina mari. Saciid oo neef wayni ka soo booday,
Buuga: Godob Jaceyl
Qoraa: Yahye Y. Xasan