Waa kuma Cabdi Xafiid Maxamed?

Cabdixafiid waa 16 jir ku dhashay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.Waxbarashadiisa aasaasiga ah waxa uu ku qaatay isla Kismaayo, halkaas ayuuna ksoo billaabay xirfaddiisa ciyaaraha, sida uu u sheegay Anigoo aad u yar ayaan Kismaayo kasoo billaabay ciyaaraha. Waxaan kasoo billaabay heer xaafadeed macallinkeyga ayaa igu dhiirrigeliyay inaan ka ciyaari karo ilaa heer qaran haddana waan gaaray heerkaas, ayuu yiri Waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda mustaqbalka fiican hiigsaneysa ee ka tirsan kooxda Elman ee ka dhisan magaalada Muqdisho Cabdixafiid waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay ciyaaryahan xirfad sare leh oo tababareyaashu ay aad u jecel yihiin Ciyaaryahankan da’da yar ayaa sheegay in marka laga soo tago tababarka uu macallinkiisa siiyo uu isaga laftiisa sameeyo dadaal u gaar ah oo uu ku hormariyo xirfaddiisa ciyaareed, taasoo ah dabeecad ay wadaagaan xiddigaha ugu waaweyn ee kubadda cagta adduunka.