Xurmo malaha Xaalkaan Arkiye Waa Xadgudub Uune
Xasil Malaha Xaajadu Halkaa Maanta Lagu Xidhaye
Anigana Xagay Say Ka Tahay Xoor aanka Cadeeyo
Maan Garan Xujjadan Aad Wadeed Igu xasaradayni
Maan Garan Xiskayga Iyo Kaagaa Xubiga Kii Xabaalayo
Maan Garan Xadiiskaad Akhrini Xaasid Kuu Keenay
Maan Garan Xaqqiyo Baadilkii Waxa Xag Mida Geeyay
Maan Garan Xugdoon Inatahood Xaali Ii Baadhi
Hasa Yeesho Xaalkaad Gashaa Xagani Uurkayga
Ma Maleeyo Xaalkii Wacnaa Inu Xumaan Doono
Ma Maleeyo Xubbigiyo Jacaylkii Inuu Xaaluf Noqonayo
Ma Maleeyo Samahaan Xawilay Inu Isoo Xidhayo
Ma Maleeyo Xurmo Beena Inay Ruuxdu Kugu Xeerin
Ma Maleeyo Xadhigaan Unkayay Inu yar Xagal Daaci
Ma Ogoli Xabiiboow Qalbigu Inu Ku Xado Maalin
Ma Ogoli Dhamaan Xeerashii Inaan Xabaal Geeyo
Ma Ogoli Xiskaygani Inaan Maalin kaa Xeerto
Ma Ogoli Inaan Xuma Adiga Xaal Mar Kuu Siiyo
Ma Ogoli Xaqqaad Igu Lahayd Inaan Xurmayn waayo
Ma Xurmeeyo Ruuxi Xasdiyo Xulashadeenaaye
Ma Xurmeeyo Ruuxii Xad Gudub Kugu Xambaaraaye
Ma Xiisayso Ruux Kale Naftani Adiga Kuu Xidhane
Ma Xasuusto Shay Kale Qalbigu Oo adaa Xadaye
Ma xusayo Xubbiga Ruux Kalee Kaaga Igu Xeeri
Hana Iga Xan Qaadane Halkii Xaalku ha Ahaado
Hana Igu Xumaynine Xushmee Barashadeeniidhe
Hana Iga Xanaaqine Qalbiga Xaadir Ku Ahaw Dhe
Hana xiiqin Cadhaduna Inay Kaaba Xoog Badine
Xakamee Naftaado Qudhiyo Maanka Igu Xeeri
Xasbunallahu Baan Odhanayaa Xaalku Waa Halise
Xadhigii Allana Waan Qabsaday Waan Xajinaaye
Xakiimoow Allahayoow Adaa Xaafidoo Jira ,e
Xigsashaan Ku Bidayaa Wakhtigu Iguba Soo Xoonye
Xubbigana Allaw Sahal Kayeel La Igu Xayndaabay
Qoraa: Kaarto Abu Ikhlaas