Godob jaceyl | Q-12aad Adegto Dhamadka Sheekada

yarayd yimadeen. Dadkii ehelka u ahaa iyo dhalinyaradii ay saaxiibada ahaayeen baa gurigii ku soo xoomay. Damaashaad iyo dabbaaldeg baa aqalkii ka bilaabmay. Dhawr neef ayaa farxaddii birta laga aslay. Siciid oo ka faa’iidaysanaya farxada dhacaysa bas Daahir farax cartan oo ay isku dhawaayeen ku yidhi..

Dhumay orodoo wadaad iga soo kaxee gabadha ii maheriya” Markiiba qalqaalo baa la galay, iyadoo loo diyaar garowbayo arooska; laguna faraxsan yahay. Siciid aabbihii oo ahaa nabadoonka beelaha ayuu kala dardaarmay Daahir inuu san wax ogaysiin. Mar kale waxa uu doortay Siciid, mixiis iyo mixisad isaga oo ka dhigay: Cabdirashiid iyo Sahra oo ah walaashii. Waxaa la cunay qadadii, tii sheekha wax mehrinaya iyo daahirna intii loo daboolay baa meel gooniya loo dhigay. Duhur dabadii mar ay tahay, afartoodiina aqalka ku wada jiraa buu Siciid Sahra diray Waxaa isku soo hadhay Siciid.

Saafi iyo Cabdirashiid oo dhinacyada ka fadhiya. Siciid wuxuu yiri Saafiyeey imisa ayeynu is jeclayn Maxaad ka wadaa” haddii ay ugu halcelisay,  Sow ma badnayn ayuu ku  yidhi Haa, ayey ku tidhi. Waxa uu ku yidhi, wixii aan jacayl kuu soo bandhigayey habeen kuguma seexan maalinna kuguma hadhsan. Qalbigii bukay ee aan kaaga sheekaynayay ma ahayn ka aniga igu jira ee, wuxuu ahaa qalbiga cabdirashiid ee iga gudoon. Saafi oo degdeg wajigeedii u baddelmay sagaal midabna yeelatay baa ku tidhi.

 Kaa guddoomay ee mid ayaan codsanayaa ee yaan la i mehrinin caawo” Saafi oo dhako faarsan baa go’aan degdega ku gaadhay inay berri aroortii nabaddoonka u tagto. Arrintan amakaagga ku dhalisay bay rabtay inay usoo bandhigto. Waxay ogayd inay ka gar helayso, haddii ay la gar dhigato. Laakin, codsigii Saafi waa uu u cuntami waayey, Siciid. Dabadeed, waa iska soo taagay codsigeeddii, wuuna ka diiday. Iyaga oo murmaya oo is af garan la’, buu u soo galay Daahir oo wadaadkii wada. Waxa uu ku yidhi  Waakan sheekhii bannaanka taagan e, ma soo xareeyaa   Siciid oo degdeg inay wax ku dhacaan rabay baa yidhi, Soo gal dhe, sheekha.  Muran badan iyo dood dheer kaddib, Saafi way ogolaatay inuu guursado,    Cabdirashiid. Cabdirashiid oo la yaabban sida ay wax usocdaan, jacaylkii Saafina la bohoyawsan baa loo mehriyey, Saafi. Jacaylkii sirta ahaa ee uu Siciid ku soo khayaamay Saafi Ciid Bulaale, Waxaa uu noqday mid lagu guulaystay. Saafi waxay u dhashay Siciid 11 wiil iyo 6 gabdhood. Kaddib, Cabdirashiid wuu dhintay, Saafi Ciid Bulaale oo nool na waxay guryo waa wayn ku leedahay magaallada Heego, iyada oo gabowday, da’na ah. Sheekadan oo ah mid dhab ah, xaqiiqana ku salaysan, aniga ayaa ka qoray.

 Yaxye.Y.Xasan

Waa dhiirigaliye tababare nololeed, qoraa wax ka qoro arrimaha bulshada gaarahaan horumarinta aadmaha.Sheeko faneedyada, taariikhda iyo suugaanta af soomaaliga , waa qoraha buugga baadigoobka guusha buuggaas oo aha buugga ugu samaynta badnaa wakhtiguu soo baxay, qoruhu waxaa kaloo ka mid ah teamkii qoray buugga googa abwaankow, diwaan sugaaneedka abwaan siiciid maxamed jamac (abwaan siciid biid). wuxuu ururiya ama kayd ahaan u hayaa buuggag badan oo afsoomaali ku qoran, qoruhu waa arday ku xeraysan jamacad jijiga waxdeeda xanaanada xoolaha sanadkii shanaad, wuxuu kamid yahay golaha fullinta naadiga horumarinta dhaqanka iyo afsoomaaliga ee jaamacada jijiga waana gudoomiyaah sugaanta iyo qoraal. waana aasaasaha ahna xog hayaha naadiga kobcinta akhriska, qoraalka,iyo dhaqanka ee curis.

Buuga: Godob Jaceyl

Qoraa:  Yahye Y. Xasan