Naftan Baahi Reentee
Kuna Baafinaysaa
Samir Beegsan Waydee
Boqoradi Jacaylkaay
Barbarkeeda soo Noqo
Baahida Kalgacalkana
Baashaada Ka Adka
Aragsaneey Idileey Ayaan
Ulashadii Qalbigiyo Wadnaha
Aayihii Noloshiyo Hammiga
Ubixi Oogada Iyo Hankaay
Eegmadaada Markaa Jalleeco
Dhaayahaa Ololoo Inniqi
Adaa Halbawlaha Aayar Dagay
Naftan Abaal Waxay Kaaga Hayn
Inaad Ogaatood Ka Agdhawaato
ooy Ku Eegtay Kaa Ahaan
Aragsaneey Umuleey Ilwaad
Iinta Feedhaha Iyo Qalbiga
Aayarbuu Caashaqu U Dagay
Axdi Inaan Dhiganaan Rabaa
Aqal Inaan Taagnaan Rabaa
Ubad inaan Korinaan Rabaa
Aaye Dambaan Kaa Eegayaa
Cishqi Abaadaan Diidayaa
Oo Aroos Dumay baan Jeclayn
Aragtidaada Anaa Rabee
Miyaad Agtayda Imaan Karayn
Indhahanbaan Kaa Leexanayn
Afkanibaa Eraygii Ku Dhagay
Aamuskiina Anaa Dhibsaday
Qalbigibaa Ololoo Adimay
Balse Naftaydanibaa Inkiri
Ooy Cabsidu Ka Intaal Badnaatay
Taan U Uur Samaheen Rabaay
Aragtidaan Kugu Jecelehee
Miyaan Agtaada Imaan Karaa
Afku Miyuu Eray Dhiibayaa
Qalbigu Muu Olol Joojiyaa
Naftuna May Ashkatada Dhigtaa
Ay Ku Oogi Dareenka Ugan
Qoraa: Kaarto Abu Ikhlaas