Axadkii Jaceylka | Q-2aad Adegto

Markii ay sheekada halkaas u mareysay ayaa mar qura mid ka mid ah gabdha uu iskulka wada dhigtaan oo ay asxaab yihii ku tiri haye cade  Markii ay dhagahiisa ku dhaceyn kalmadahaas ayuu inta uu farxad la booday ayuu cod dheer ku yiri Ugu danbeyntii waan helay Gacalisadeydii”. Inta ay gabadhii yabta ayee tiri 

Maxaa ku dhacay, ma caafimaad qabta Cumar.”

Cumar inta uu geysihiisa fiiriyay oo argay gabadhaan oo dushiisa taagan ayuu yiri Gormaa imatay halkan maxaasa ma qashay. Gabadhii Kaliya waxaa maqlay adiga oo qeylinayo markaa ku dhahay Haye cade  ay maxaa jiro

 Cumar inta uu yabay oo afka qabsaday ayuu yiri  Nolol kale ayaa ku jiray waxaan jogay meel qurux badan aniga iyo Gacalisadeyda marka suaal ayaa weydiiyay jawab ayee I siisay wana marka ugu horeysay aan maqlo codkeeda waliba iyada oo I siineyso jawab iga farxiso.

Gabadhii “Waaw malaha sarqanka jaceylka ayaa ku garay kana rali noqo hadaa kaa qasay riyadii quruxda badneed oo aan kaa qasaya, mida kle ma itusi kartaa iyada sawirkeeda gabadhaan sidaa kuu washay?” Cumar “Wan ka xumahay aniga xitaa walikee ma arkin mana la gulmin waayo ma aqaano balse hal galab ayaa argay ilaa hada iyada ma ahee dumar kale ma arko.” Gabadhii “Ani xitaa iima jeediyee miyee iga qurux badan tahay aniga? Cumar “Ma jiro ruux u dhigmo quruxdeda xitaa hadii la raadiyo dunindaan lagama helaayo.” 

Gabadhii inta ay qososhey ayee ku tiri “Waligaa mala xarirtay? Cumar “Maxaa la xariiraa ma anaa aqaan meel la gala xariiro xitaa hadaa aqaan lahaa oo aan socon Karin gar guurasho ayaa ku adi laha si aan u soo helo. Gabadhii “Waxaa tahay inan wanagsan marka nasiib wacan ayaa kuu rajeynaa hadana xilika xiisada ayaa la gaaray soo baxo aan xiisada qadanee. Cumar “Xogaa ka dib ayaa soo xaronaa.” Tolow sidee ayuu kula kulmi donaa Cumar inanta uu jaceylka u qaaday? Cumar waxa uu sabraba oo kali ahaado balse markii danbe ayuu aqbaar gabadha ku sabsan ka helay meel uu san filaneenin.    

 Buuga: Axaadkii jaceylka 

Qoraa: Feisal Mohamed Abdirahman