Sideen waqtigeena uga faa’ideysanaa 

Maalinka waxuu ka koobanyahay 24 saac . celceliska hurdada waa 8 saac, inta hartay waa 16 saac, waqtigaas sideed uga faa’ideysan kartaa? Ma tahay qof mashquulkiisa badan yahay oo ka sheegta cudurka waqti la’aan Dhibaatada ma xagga waqtigaa mise waa adiga, arinta waxay ku xiran tahay inaad u kala hor mariso howlahaada sida ay u kala muhimsan yihiin isla  markaana aad kala xadidid adigoo beegsanaayo sida ay u kala horeeyaan, qaar badan oo inaga mid ah waxay ku dadaalaan sidey u gaari lahayeen guul aad u balaaran waqti kooban, lakin waxay la kulmaan ciriiri, culeys & walwal. Waa maxay xalka?. Hadii aad rabtid inaad ku noolaatid nolol buuq la’aan ah, maal badanna aad heshid waa inaad maareysaa waqtigaada. Cilmi barista cusub waxay sugtay ahmiyadda ay leedahay maareynta waqtiga & saameynta wanaagsan ay ku leedahay nolosha qofka bini aadamka ah.

Waxaad raacdaa talooyinkaan soo socda:

1: Nidaami waqtigaada: Ku qor kulamadaada & balamahaaga buug yar oo ku qaab ah kuwa xasuus qor ka , mar kastana gacantaada ha ku jiro. 

2:Jadwalee howlahaada:Meel ku qor dhamaan waxa aad rabto inaad qabatid waqtiga dhaw & midka fogba, kadibna u kala habeey sida ay u kala muhimsan yihiin. 

3:Ilaali waqtigaada:Waqtiga waa lacag adag sidaa darteed naftaada fursad ha u siinin iney lumiso, iska ilaali in waqtigaada badankiisa aad siiso baraha xiririirka dadweynaha sida facebooka, ku waas oo dilaya waqtigaada muhiimka ah. mobilkaada iska saar silent marka aad ku jirtid howl culus si maskaxdaada u noqto mid saafi ah diyaarna u ah iney wax qabato. 

4:ku raaxeyso waqtigaada:Ha sugin raaxada fasaxyada, ku raaxeyso waqtigaada xiliga shaqada. Si talaabooyinkaas wax ku oolka aad uga gun gaartid Waa inaad isku daydaa inaad si dhab ah u badahso caadooyinkaadii hore adigoo sameenaya  isbadal badan.

Buuga: Maareynta Wakhtiga
Qore: Maxamed Sheekh Axmed Khaliif