Xaaji jamaal baynaax qadiid Isagoo roobdoonaya Rabbina uga dacwoonaya abaar baahday oo ku habsatay degaanka Soomaaliyeed oo dhan ayuu abwaanku tiriyey gabaygan: Wuxuu yidhi:
Guga da’aya iyo roobabkaa, galabta soo hooray
Onkod gow leh hanqadh soo gurxamay, reen gariir bixiyey
Guulaamada nasoo fuushay iyo mayayga, soo gaadhan
Saxansaxo gufaacootay iyo udug, nasoo gaadhay
Xareed galalaclayn iyo hillaac, geestaba muuqda
Waa gallad Macbuudku uu baxshiyo, guul wanaag badane
Ganka iyo jidhkaygaa farxiyo, guudka oogada e
Xamdi aan go’ayn baan nafaran, goor iyo ayaane
Gobolada warkii nooga yimid, ama nasoo gaadhay
Inkastooy abaaruhu gubeen, godanka ciideena
Inkastoo kullayl gaar ah iyo, gaajo lagu sheegay
Ooy giiryartii madhatay iyo, gaabanow adhigu
Geeliina halis yahay siddii, goobtan laga sheegay
Inuu gaaga hadhay caymiyaan, Guulle barinaaye
Gobol kasta markii laga waramay, dhibabka soo gaadhay
Dhawr usbuuc galgalad baan ahaa, diiday gama’iiye
Murugadii qalbiga iga gasheen, gobol madoobaaday
Gacmahaan sare u taagay oon, galay khalaaweyne
Muddo gibin ah inkastoo Rabbigay, roobkii naga gooyey
Gurmad buu haddana soo qahriyo gaalo saad bixine
Geyigaba caddaan aan aqoon, yaa Godey tagaye
Gedduu Eebahay yidhi qofkii, garan qur’aankiisa
Raxmad goor kasta ah iyo fadlibuu, nagu gargaaraaye
Ganaaxiyo abaaraha dhiciyo go’ayda yeedhaysa
Rabbiyoow waxaan geysanaad, naga gudaysaaye
Gardaro qoomna kuma maagtid aan, godob samaynayne
Caasiyaal gef falay baan nahoo, galay dunuub weyne
Xaqa haddaan la garab marin dhibkani, namuusan gaadheene
Dadka qaarki geerida heshiyo, xoolahaa go’aya
Waxaan galabsaneen dhaaftay baa, taa ka gudaweyne
Adduunkaba haddaadan nagu geddiyin, mahadi kuu gaare
Adigaa gargaar bixin karoo, aad u gacan weyne
Gu hagaaga geyigana camima, oo beero lagu goosto
Ood shacabkan gaajada ku jira, dhereg ku gaadhsiiso
Oon gadaafo iyo cudur lahayn, gebi nusqaan oo dhan
Oon gofone iyo shillin-cas iyo, wadan gammaareeyda
Inaad barako gaariyo nimcada, ciidda noo galiso
Geyiga roob barwaaqeeya oo, gaanka wada buuxsha
Malaa’igo smada noo godla’ oo gurmada soo dir
Deetana cirkoon gaagaxayn, goorkasta ha hooro
Ummaddana garaadka u sifee, nabad ha gaadheene
Qoraa: Zakariye abdi