Axadkii Jaceylka | Q-7aad Adegto

Balse Ramla ayaa u balan qaatay in ay meel cidlo ah ugu tagi doonin jaceylkiisa inta ay nafta ku jirto. Sidaasna waxaa ku bilowday jaceylka Cumar iyo Ramla waxeyna axdi kuwa dhigteyn in ay nolosha wadagaan oo dhib iyo dheef wada qeybsadaan. Mar hadii waalidka Ramla ay u ogoleyn in ay xiriir jaceyl sameyso, Cumarna yahay arday hada Dugsiga sare dhameyn rabo side ayuu axdigaas ku fuli doonaa? Inta badan Ramla iyo Cumar waxa ay waqtikooda kuwada qaadan jireyn in ay ku shegeystaa Baraha Bulshada waliba waqtiyo badan iyagoo is dhafsan jiray

dhambaalo jaceyl oo midba midka u diraayo. Wixii la haasaba oo ay Ramla ka qariso Walidkeed xariirkeeda iyado oo ka baqeyso in ay u diidaan wiilka ay ifka ka dortay iyadana ay ku qanacday waxaa lo ogaaday malin malmaha ka mid ah. Ramla inta badan ma aheyn qof ku soo daahdo goobteeda shaqada iyo magaaladaba balse malin ayaa waxaa dhacday Ramla oo ka imatay shaqadeeda oo ay gurikeeda toos u soo aaday, markii ay guriga imatay waxa ay toos u aday qolkeeda ka dibna waxa ay bilowday in ay nasato oo ay xogaa indhaha is galiso waayo wey dalneed balse marka ay soo 

tostay waxa ay la soo tostay xaladedii xalad ka duwan oo qabsatay, Markii ay cabaar hurudaysay ayaa talefankeeda soo dhacay balse ma aysan maqlin lakiin waxaa maqlay Hooyadeed oo qolka agmareysay ayaa ku tiri “Ramla talefanka qabo.” Balse ma ogo in ay hurdeyso gabadheyda. isla markii hadana telefanka ayaa mar kale la soo wacay balse waxaa markaa talefanka qabatay Hooyadeed. Balse Hooyada waxa dhagaheyda ku dhacay ma aheyn wax ay fileysay oo islaheyd wad maqlee. 

Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahman