Gabay Haye

 Maxamud Saleebaan Xirsi

Ogow xeerba xeerkii horaa lagu xidhiidhshaaye
Gefkii Xaashi lagu toogteybuu xigey Ismaaciile


Wuxu Maxamuud ku bilaabay;
 

Xikmad gabay xalaybaan Diiriyoow xaajadii galaye
Xaydaanka laabtiyo qalbiga laygu xarakeeye
Xoodaamadii baan ku kacay xadantadiisiiye
Xilashada warkaygiyo naxwaha waw xiddigiyaaye
Xifaalaha qabiil iyo hadduu xubin rageed dhaafo
Oo xamasta maatada galiyo xaasaskiyo qoyska
Xashiish qaadis mooyee murtida xiiso laga waaye
Bal xafida kan geeraarka waa la xarrageeyaaye

Abaar xaratay xaabli’i dhacdoo laysku xaradhaanshey
Oo xaadda cawskiyo Dayada xaaluf laga yeelay
Xagidii Hayiyo Qaydarjeex, ximidhka Daahyaale
Xaska Qararro waatii la dhigay xulashadiinniiye
Xabaal li’i raggii looga tegey cidi ma xaalayne
Imikaa lafii oo xargegan xuunsho fadhataaye

Ma xusuusnid xuurtii cuntiyo xiidmihii go’aye
Ma xasuusnid xiirmada hubkay kugu xasuuuqeene
Ma xasuusnid Xagarkii maryaha kaa xayuubsadaye
Xuslad niman lahaynbuu tashigu xuurta geliyaaye
Xagtimaha ku yaal reer tolkaa xuubku kaa gedefye
Xargagoo kala lagu dhuftiyo xanafti waallayde
Xanuunkii la badaybuu wadnuu xiimayaa weliye
Xaruntaadan joogine Riyaad kama xin-qooqdeene
Xuuraamisbaa kuu ekaa xaalku suu yahaye
Xogmoogaa tahee wiilyohow hays xabeebadine
Bal xisaabtan weli maad xafidin xoonta kaa maqanne

Xunkunkaa marooriyo annagoo xumaha diidayna
Kolkaad qalabka soo xaabsatee nagu xaqiiroowdey
Xeegada shishaan moodayiyo hiil xigaalnimo’e
Xaqiiq noqotay maandhoow inaad xidid ahaydeene
Xaggayagaba waa soo jireen Xaawo iyo luule
Xabiib iyo ilaahbaa ka dhigay dumar xalaaleede
Xansharkii ku qaadiyo go’ay kugu xanbaaraysey
Miyaan xeebashada geestayada lagu xushmaynaynin
Bal maxaa xubbiga ina siyaad kugu xaraareeyey

Ninkase aad sidii Xaram la gubay xeelad hibanayso
Haddii xaali loo meheriyoo dadabta loo xoodey
Oo uu xariirtiyo maryaha ku xashiraadaayey
Xaqdarraba haddii loogu dilay xoladka baaruudda
Ogow xeerba xeerkii horaa lagu xidhiidhshaaye
Gefkii Xaashi lagu toogteybuu xigey Ismaaciile
Xanna maaha ee godobteyda reer Xiirey baa qabey’e
Kolkaan Xayska guga wiilkayaga soo xaskuladeeyey
Een qaalmo wada xooshcad iyo xamar ka soo soocay
Een labada kii ku xasladaba kuu xorriyad siiyey
Goortuu xannaaniyo wanaag kaa xasili waayey
Xigga inan ka jaro wiilka waad nagu xaduurteene

Xirribtii shabeelkiyo haddii xeelad lala dheelo
Xiniinyaha Libaaxay Isaaq kugula xaalaane
Xaamxaamashiyo kuma didaan boola-xooftada’e
Mar haddii xasarad loogu tago lagu xajiimooye

Xulka Arab xijiga Ciidagale, xoogga habar yoonis
Nimankii Ugaadeen ku xidhay xodayga hoostiisa
Xarshin iyo Bullaaliyo kuwii Siraw ka xaaraanshey
Ee adiga xawliga dagaal kugu xanbaareeyey
Xakamaha Subeer kugu dhuftaad xanaf wareerteene
Xawaaraha Ayuub baan ridada kuula xiiq-tiranne
Xaraartaan ku tiirsaday kun jeer waw xamdiyayaaye
Xabadka iyo beerkayga way ku xardhanaayeene
ilaahbaa xigaal iiga dhigay Baha xabuusheede
Nin xadiid huwadey baan dhengedo lagu xarriiqayne

Xafashkiyo intaad boonta Gedo soo xodxodanayso
Idinkoon dhirbaaxo xejinbaa nabaddi xoorteene
Xamail waranka weligiinba waa xagal ka daacdaane

 Qoraa:  Hoyga Suugaanta ee Doollo