Buugaagta la dhegaysto (Podcasts) 

Marka aad tahay  qof aad u daneeya wax akhriska balse waqti uma helo in aan wax akhriyo mashquulkayga oo aad u badan darteed ! Waxaan aad u xiiseeyaa in aan buugaag badan dhameeyo bil kasta, balse waan ka caajisaa in aan buug dhameeyo buug kasta kala bar ayaan ku hakiyaa! Maxaa xal ah? Xalkaaga halkan ayaad ka helaysaa Alle idankiis. Wax Akhrisku wuxuu si weyn u saameeyaa nolosheenna, wuxuu kobciyaa awoodeenna caqliyeed iyo mid luuqadeed, sidoo kale in aad si caqliyeysan uga gudubto mashaakilka ka jira dunida, Wax Akhrisku waxaynu ka baranaa wax aanan horay u aqoon, inta aan ku gudajirno akhrinta buugaagta waxaynu u safarnaa meelo kala duwan, waxaan la kulannaa dad kala duwan,

Wax Akhrisku waa soo koobidda tijaabooyin ay sameeyeen dad horay u soo noolaa si aan uga faa’idaysano khibradahooda. Buug kasta oo aad akhrido noloshaada ayuu wax ku kordhiyaa. Waxaa jira laba qaab oo ay adeegsadaan dadka buugaagta akhriya, waxayna kala yihiin: Akhrinta buug adiga oo gacanta ku haya buugga ama kombiyuutarka aad ka akhrido, waa habka ugu wanaagsan ee laga helo faa’idooyinka buugaagta. Dhegeysiga buug la duubay(Podcast), waxaa loo isticmaalaa in aad dhegaysato buug ama sheeko faneed(Novel). Xilliyada aad saarantahay baska, diyaaradda, iyo gaarigaaga..