Axadkii Jaceylka | Q-6aad Adegto

Ramla wey aamini weysay hadalkiisa oo ku tiri ani inta badan soo ma baxo markee sidee igu aragtay oo aad qalbikaga igu hibeysay manta ka horna ma wada hadlin ciyaarta iga dhaaf? Cumar “waa sax manta ka hor ma wada hadlin, balse waxa jirto inaa kuu jaclehay waliba si xad dhaaf ah.” Ramla “walaal ma soo jedaa mise waa hurdeysaa?” Cumar “Hurdo waxaa igu danbeysay galbtii aan ku argay.” Markaas ayuu u soo diray dhambaal uu ku cabirayo jaceylkiisa markaas ayuu wuxuu yiri :

Jaceyl kala awood weyne kii iilka dhigay Qeys iyo Leyla Ag sexshaa ana igu abuurmee Ogaduu ku fafoo diday inaan adgeysto ii kaa asdeeyo igu kaa eryayee Ogow nafbaa kuu ooman adigee. Imisaa adoo kale ariji ila timidoo ofin maayo aan iri awadaa u joojee wadnahey ololayee, I dhigo abaloo arinteyda meel mari Axdi been ah lama galo wacad lama ilawo, ruxi ku aminaa lagama indho sabtee Afar bilood iyo dheraad arimahaan dhisanaaye aan is iri idlaadeewaa adigii ogow nafbaa kuu ooman adigee

Ramla “Adaaba war ii haayo ay aan ku soo waco qoraal wey ka weyntahay tanee’ Maxa dhacay intaas ka dib? Toloo ma noqon donaa midkii lagu faaido wicitankaas mise dhibaato ayuu u horseedi donaa nolosha cumar? Wicitaan dheer ka dib Ramla wey aamintay markii uu soo bilaabay sheekadii kana soo bilaabay galabtii uu arkay iyo dhibaatooyinkii uu u soo maray iyada darteed balse dhibaatada jirtay oo ay u sheegtay ayaa aheyd in ay waalidkeed yahiin kuwa aan u ogoleyn in ay sameeyso wax xiriir ah.  

buuga: Axaadkii jaceylka 

Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahman