Gabay hal-xidhaale ah.

Cabdi Gahayr iyo Camanje ayaa isu gabyey markaasaa Camanje tirshey gabay hal-xidhaale ah.

Cabdi Gahayr uma jawaabine wuxu yidhi ninku aakharuu ka gabayey oo anigu u gabyi maayo. Ismaaciil Xayd Xirsi oo Berri-Carab ku maqan ayaa loo sheegay oo la yidhi nin Camanje la yidhaahdaa soo baxay. Gabay dheerbuu soo diray oo laga hayo; Wallee kuguma sugo saaxiryohow Seyladdii Herere. Gabaygan waxa lagu khaldaa gabay uu lee yahay Xaaji Cali Geelle. Dad badan baa labada gabay isku dhex qasa oo markaa ka dib marna Afloow siiya marna Xaaji Cali Geelle. Intii tamartayada ah ayaan isku daynay inaan labada gabay kala gurno oo Abwaan walba intiisa goonni ugu xaradhno.

  1. Afar boqol ka badan maansadaan, uurka ku hayaaye
  1. Afarrayda nimanbaa tirshoo, lagu amaanaaye
  2. Isaaq iyo Ogaadeen haddii, laysusoo urursho
  3. Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.
  4. Awr badan waaraabuhu hadduu, waa ajale laayo
  5. Kuma aamusnaadee hadduu, uubatada qaado
  6. Oo aarka wayn ugu yimaad waa afkala qaad.
  7. Hadday ayra geel kuu rintood, waayabadan eegto
  8. Uumiga kaliileeda hadday, aaminey curato
  9. Oo ibiha naasaha la jaro waa af kala qaad.
  10. Cirka oo awaal gudhay hadduu, oogo ka hillaaco
  11. Laga ooli maayee haddii, lagu itaal guuro
  12. Oon idhanka doog loogu tagin waa afkala qaadi
  13. Markabkoo awaalkacay hadduu, shooladda afuufo
  14. England iyo Walaa’ buu tagaa, toban ayaamoode
  15. Aafaadku waa bad’e haddii, dakhalku iimoobo
  16. Kol haddii injiinku u fakado waa afkala qaad.
  17. Nin sixiimad idihii ku guray, iyo alaabtiiba
  18. Iyadoo ayaan maqan kolkay, uura culus keento
  19. Duufaan hadduu kugu afrogo waa afkala qaad.
  20. Culimada abaabiyo fadhida, Adari guudkeeda
  21. Haddaan origa jaad loogu ridin waa afkala qaad.
  22. sheikhii axkaantii bartiyo halkay diintu ku aroorto
  23. Hadii alifle waabka ugu tago waa afkala qaad.
  24. Nin maqaaxi iibsaday haddii, loogu iman waayo
  25. Wuxuu eego eegaba haddii, maqalku uugaamo
  26. Kol haddii albaabada la xidho waa afkala qaad.
  27. Tuuggii Ilaahay ka go’ay, aqal haduu jeexo
  28. Isagoo uluuf lagaca sida, inan haduu jiidho
  29. Ulo kulul kolkii lagu dhuftuu, edeb ku qaataaye
  30. Arbiciin haddii lagu xukumo waa afkala qaad.
  31. Abtin sare shisheeyaha haddii, la isku alalaaso
  32. Irbadiisa goortaan qabto, ololow maadhiinka
  33. Arxan nimaydaan kala eeganayn, waa allaw sahale
  34. Hadduu farasku uub kugula dhaco waa afkala qaad.
  35. Magayaduu Amxaaruhu watee, iimay laga keenay
  36. Sange uubad jeex ahi hadduu, sheedda ka eryoodo
  37. Oo eriga baal loola kaco waa afkala qaad.
  38. Ashahaadadii waan saxnaa, waanad aragtaane
  39. Arji xaal ninkaan iiga qoran, amarka geeraarka
  40. Ninka aniga mooyee gabyaa waa afkala qaad.

Qoraa:  Hoyga Suugaanta ee Doollo