Marka aad cabsida iskadaysid waxa aad dareemi wanaag. 

lonely man loosing the way on a foggy day.

Haw waxa uu xaqiiqsaday in cabsida badan ay maxbuus ka dhigtay U dhaqaaqidda jiho cusubna in ay xor ka dhigtay. Hadda waxa uu dareemay neecawda qabaw ee ka dhacaysa qayb ka mid ah xerada luuq-luuqa leh, waxa ay ahayd laydhsi. Waxa uu qaatay neef kaddibna waxa uu ka dareemay awoodda dhaqaaqista. Mar Alliyo marka uu soo xasuusto cabsidiisi hore waxa uu u baddali jiray raaxo taasi oo dhaanta sida uu markii hore aaminsanaa. Haw ma marin waddadan waqti dheer. Isagu ku dhawaad wuu iloobay in ay madaddaalo ahayd ku socodkeedu.

Si uu uga dhigo shayga mid wanaagsan xitaa Haw wuxuu bilaabay inuu maskaxdiisa ku sawiro sawirro mar kale. Haw waxa uu naftiisa ku arkayay isaga oo ku dhex jira qayb burcad ah oo weyn, oo dhex fadhiyana rasooyin dhammaan burcadka uu jeclaa ah. Iaga soo billaabo burcadka adag illaa burcadka jilicsan. Haw waxa uu arkayay naftiisa oo cunaysa burcad badan oo uu jeclaa, wuu ku raaxaysanayay waxa uu isagu sawiranayo. Dabadeed waxa uu sawirtay intee in le’eg buu isagu ku raaxaysan lahaa dhammaan dhadhankooda wanaagsan. Waxaa la tusay (la horkeenay) Inta badan si saafi ah u arko sawirka naftiisa oo ku raaxaysanaysa burcadka cusub, waa inta badan ay noqonayso dhab iyo inuu rumaysto, waxa uu dareemayay inuu u socdo si uu u helo burcad. Isagu waxa uu darbiga ku qoray,

 Buuga: yaa qaatay burcadkeygii

Qoraa:  . Yahye  y. Xasan