Axadkii Jaceylka | Q-5aad Adegto

Cumar mudo markii ka fikiraaye qabkii uu
ula xariiri lahaa Ramla waayo waa mid
xishood badan balse markii danbe ayuu
qorshe cajiib ah la imaaday taas oo ah inuu
ku darsado ciwankeeda iyo numberkeeda
WHATSAPP oo na sugo inta ay warbixin
soo dhigeyso barteeda Facebook iyo
WHATSAPP barteeda STATUSKA.
Waxaa uu sugaba malin ayee STATUSKA
ku soo qortay qoraal cajiib ah kaaso oo ah:

HA SAMEYNIN JACEYL HADII
AADAN DIYAAR U AHEYN IN AAD U
DHIMATO JACEYLKAAS DARTIIS.
Cumar waxa uu sugaaye fursadaan oo kale
inta uu go’aan qatay ayee ku celin ku
sameyay fariinteeda iska oo yiri 


HADII AAN HELAAYABA WAXAAN
DIYAAR U AHAY IN AAN U DHINTO
JACEYLKAAS DARTIIS.
Ramla ayaa ugu soo jawabtay oo ku tiri
“Hada diyaar ma u tahay in aad u dhimato
jaceyl dartiis?”
Cumar “Haa, maxaa yelay hadaba gabar
ayaa jacelaaday walina ma helin hadana
waxaa diyaar u ahay inta ay nafta igu jirto
in aan sugo.”
Ramla “Waxaa tahay wiil cajiib ah, marka
waxaa kuu rajeynaa in aad hesho qoftaas
waayo wey nasiib badan tahay iyada oo la
aqoon ayaa qalbi loo hadi yadeeyay.

Cumar “Wad ku mahadsantahay sida aad
qalbikeyga u dajisay, sidaan is leeyahay
qoftaas halkaan kama fogo.”
Ramla “Runtii, soo qabo aan u
hambalyeeyee.”
Cumar inta uu darenkiisa celin waaye
ayuu is dhahay intaas oo rafaad ayaa u soo
martay marka manta waa fursadii aad ku
guleysan laheyd ama aad ku guul
dareysanlaheyd marka waa in aad u
shegataa jaceylkaga.
Cumar “Waa adiga Ramla qofka aan
anigoo aqoon u hibeeyay qalbikeyga.”
Ramla wey aamini weysay hadalkiisa oo
ku tiri ani inta badan soo ma baxo markee
sidee igu aragtay oo aad qalbikaga igu

Buuga: Axaadkii jaceylka
Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahman