Cabdullahi Suldaan Tima-cadde
gabay dugsi ma leh qabyaaladi Waxay Dumiso Mooye
Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede
Inkastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaan waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiray
Waxaan gabayga deelkiyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliyey dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waayo
Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix dhagaxeede
Anuunbaa danqanayee dhaguhu uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane
Bal inay dafoof tahay caqliga dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaay
Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheed
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiis
Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene
Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede
Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa dadaye
Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Ninka duday distoorkiyo waxyiga diinta ka carrowy
Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Hadaynaan xumaantiyo dilkiyo daynin kala qaadka
Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe
Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede
Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane
Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey
Dabac-yaa lahaayay intaynu isu dooxayno
Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna
Kollaba doogsan maysaan intaad dunida joogtaane
Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Qoraa: Hoyga Suugaanta ee Doollo