Xaalufka Deegaanka

Hordhac:- 1

Xaalufinka deegaanku waa nabaad guurka dhulka iyo carrada oo nafaqa beesha, taas oo ay sababtay cimilo xumo iyo ficil aadame

waana musiibo nolaleed.

Xaalufinta deegaanka waxaa ka mid ah, ugaadha oo la ugaadhsado, dhirta oo la jaro ama la gubo, biyaha oo laga faa’idaysan waayo IWM.

Ugaadha deegaanka waa mid ka mid ah waxyaabaha quruxda deegaanka, taas oo iskugu jirta, noolayaal kala duwan, sida haadda, dugaagga iyo geesleyda. Ugaadhaas oo door muhiim ah ka ciyaarta camiraada kaymaha, muuqaalkooda, jabaqdooda iyo cidooda kala duwan. Kuwaas oo iyaga dhaxdooda uu u gaadhsi ka dhexeeyo. Qaybta dugaagga, oo ay ka. Mid yihii, Libaaxa, shabeelka, dhurwaaga, dawacada, guduudanaha iyo wixi la mid ah, waxay ugaadhsadaan ugaadha geesleyda ah, sida biciidka, goodirka, garannuugta, cawsha, sagaarada iwm. Sidoo kale noocyada haadda way is ugaadhsadaan, qaybta wax ugaadhsatana waxaa loo yaqaanaa (bah gorgor). b: 1

Dhirta deegaanka sida aan wada ognahayba waxay inoogu fadhidaa door muhiim ah, quruxdeeda, udgoonkeeda, maadheeda, dugsigeeda iyo waliba qadhaabkeeda. Waxayna ka qayb qaadataa neefta iyo naacawda caafimaadka leh ee uu noolaha dhammaantii u baahan yahay iyo dawooyinkeeda kala duwan ee nolasha muhiimka u ah.

Qora: maxamed sheeekh afguun