Abwaan Maxamad . M. Yaasiin / Dhirbaaxo jin
- Miinka gabay murtida xooggaliyo maayado is jiidha
- In dhaweydba moorada sunta leh moorka kama goyne
- Mar haddaan Madaafiic rakibo mur iyo waabay leh
- Midha-yariyo beyd-gaabku waa inay maleegataane
- Bal an mariyo maansadan tirshaa madhaxgal weeyaane
- Duqsi mawdki galaybaa ku dhaca bayl mishiin guba’e
- Nin maroodi daandaansaday oo maanla’ baad tahaye
- Masalooyinkaygii haddaan kugu dul miisaamo
- Miridh bay naftuba kaaga bixi magac xumaaloowe
- Waxad moodi inuu Moodhi-kaar guudka kaa maray’e
- Waranse meel xun laga ridey dibbuu kuu makalayaaye
- Wallee murugo eebbaa u deyey maxay-saleebaane
- Adigay nin miinkaba yaqaan kugu mataaleene
- Way kuu mashxaradeen markaad soo macaaac tidhiye
- Hudheellada waxay marinayeen timi mijiibtiiye
- Dukaamada Mullaaxa gaday orod ku miiseene
- Malaayiin cajaladood ayay soo malmaliyeene
- Markii aan madaafiic ku ridey mur iyo waabay leh
- Iminkay madluun ooyayaan maalin iyo leyle
- Adduunyadan minkeedii lumii sii mushkiladowdey
- Adduunyadan malay dabatadii magaca doonayso
- Adduunyadan nimaan muuqan jirin faan la mari waayey
- Adduunyada minjaha loo rogee maduxu hooseeyo
- Addunyadan majeerteen Isaaq gabay ku maagaayo
- waa maan-barrey iyo maan-Bilaal mahadhadoodiiye
- Raggiise aan la maansoon lahaa aakharo u meerye
- Raagihii mudnaa iyo Qamaan mawdki baa helay’e
- Seyidkii murtida sheegi jirey meel fog buu tegaye
- masalooyin Cali-Dhuux lahaa iima soo marine
- ismaaciil Miriyo Cumar Dagaanan kaga masuugeene
- Adigana inaan kula murmaa way macno la’aane
- Mujiibtuba khasaaray ku tahay badaw Majeerteene
- Mindise lagugu gawraco adaa miiska soo dhigaye
- Adaa soo macaa yidhi sidii maalintii hore’e
- Haddaad tahay muriid aad ahoo miinka ka hingaadsha
- Murtidii Gahaydh iyo haddaad Qaasin muhanayso
- Maarshaalladaa sare haddaad tahay mataalkooda
- Muska maanad jiidheen sidii neef muwaashiyahe
- Kamaad soo mujiibteen runtaan miiska kuu dhigaye
- Waxa jira mashruuc aan la gelin lagana maansoonne
- Dibnahaa maroorsama ninkii mawqifkaa gala’e
- Ma macaasho kii ceeb hablaha ugu miciinaaye
- Majeerteen kuwuu dhalay xabaal kuma madoobayne
- Maanshaa-Allee dumarku waa ma-hurtadeenniiye
- Waa midho inoo wada dhexoon cidi ka maarmeyne
- Midda aad qabtiyo hooyadaa laga mataalaaye
- Maxaa cayda mooskaaga taal magane kuu geeyey
- macdantii xishoodkiyo maxaa sharafti kaa maydhay
- Waase meheraddiinii inaad naago murantaanne
- Mid kaloo ka sii daran maxaad miinka uga qaadday
- Wanka macasha weynliyo maxaad fuud u magawday
- Madaxa iyo calooshiyo maxaa maydhaqyada keenay
- maroongiga maxaa kugu xaqsaday inad ka maahmaahdo
- Mulac iyo mas dabin kuu galoo magac kalluumeed leh
- Idinkuba Malaygii qudhmaad madhax ku sheegtaane
- Waase lagama maarmaan cuntadu maalin iyo leyle
- Masalooyinkaagii maxaa dheri ku meermeershey
- Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
- Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
- Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
- Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
- Inaan nahay malyuumaad kun oo meel kastaba jooga
- Inaan nahay dad wada muuminoo badi mashaa’iikh ah
- Inaan nahay dad magac weyn lehoo midhana loo yeelay
- inaan nahay makhluuq aan lahayn meelo laga caayo
- Ma og tahay markhaataad furtoo uunku kaa maqalye
- Micna yare midhkii kaa ku xigey seegtay marinkiiye
- Malaa’iigta Eebbiyo(SW) inaan Maxamed(CSW)caayayno
- Inaan nahay maroongiga dad cuna maalin iyo leylaba
- Inaan nahay macnaha dawladeed dad an muraadeynin
- Inaannaan masuul qaban karayn maamulada guudka
- Ma og tahay markhaatood furtoo uunku kaa maqalye
- labadaba aduunbaa marshoon mid u dhaxaysiine
- Micnahaad u jeedana dadkii maandhow garan waaye
- maskax-yare, malay hadhig ku dabe murammo naagoodle
- Macaan iyo qadhaadh aan is geyin meel isugu geeye
- Masalooyinkiisii shalay maanta garan waaye
- Masayrkii tolkii lagu naciyo gabay majeerteenle
- mabda’ iyo ujeedadu lahaa muujin garan waaye
- Maqalkiyo miskiinyohow indhaha laga madoobeeyey
- dad aan kula martabad jooginbaad maag is leedahaye
- Magaadiyo xabuushaad is tidhi meel u kala qaade
- Maangado abaariyo dirri baad maax ka qodaysaaye
- Geel baad maqaarka u sidaa midhi ka dhiiqayne
- Afartaa micneeyaye waxaan midig ka raacsiiyey
- Taariikh la soo maray haddaan dibuga maansoodo
- Muqdishiyo Hargeisaan ahayn waa midkaad tidhiye
- Maalintuu gumeystuhu ka kacay labada meeloodba
- Mulki aan lahaa iyo inaan dawladnimo muujey
- Mirtii dhexe inaan calan mutuxay qiratay maandhowe
- Haddaad mooddey maandeeq in xoog lagu muquunaystay
- Waad maqashay mooyee adaan joogin madashaase
- Way ku mala-habowsheen kuwii maabka kuu qoraye
- Macnihiyo ujeedadan lahaa waa wax kaa maqanne
- Waxan nahay masayr dad an u dhalan sida majeerteene
- Calankoo midoobaan rabiyo dawlad magac weyne
- Shantii kala maqnaa baan lahaa meel isugu keen’e
- Nebi Muuse tii soo marteed adu ka maahmaahday
- Miskiinyohow midhaa tidhi adaa taagan marinkiiye
- Doqonbaan abaalkiisa marin ka u miciin fala’e
- maxamuud saleebaan markuu deyrka kugu meershey
- Markuu mahurtadiiniyo ninkii magac leh laynaayey
- Lixdan wada maqaaqula markuu joogey madaxiinna
- Magta Cali Saleebaan kuwiii muujiyaan nahaye
- Wabeeneeye miidhi u qabay guday markiisiiye
- Ina kaarshe wuxu maagganaa maanta wuu helaya
- Mabda’ iyo ujeedadu lahaa iyo malihi suurowye
- Miinshaar afdaran buu la helay maxay-saleebaane
- masaal derejo weeyaan hadday midha ku dhaameene
- Iminkay mashxarad iyo xarrago suuqa marayaane
- Afartaa sidii mayay onkodey mayska daba miisay
- Miinkaan kaga bilaabiyo miyaan marinki weydaarshey
- Ma mutuxiyey beyd-gaabku waa kala maroorshaaye
- Miinka kalena waa aniga iyo mihindiskaygiiye
- Abtirsiin mudhaa toosan oo meel san laga uumay
- Oo muuminiintii hore iyo maxamed(CSW) gaadhaysa
- Haddaad midhah aw Jeberti iyo miidha tahay Haashim
- Mingistiyo umaydnaan gasheen gaala madowdaase
- Maatidiinna gawraca Amxaar kuma marsiiyeene
- Keligiin kamaydnaan mudheen midhah soomaale
- Minka faalka Moorada cirka iyo giganahaa muuqda
- masaloba markay kuu baxdaa laga macaashaaye
- Marag maleh minhaajkana la waa meelad kaga taalle
- Hartigaad is mooddiyo ma tihid midhaha Daaroode
- Asalkiinu meeshuu ahaa waydinkaa maraye
- ………
Qoraa: Hoyga Suugaanta ee Doollo