Axadkii Jaceylka | Q-8aad Adegto

Maxey maqashay maxeysa ugu jawabtay Durba markii ay dhagta sartay waxa laga horkeenay Gacaliso Ramla maxaa kugu dhacay oo talefanka intaan iga qaban weysay ma ogid miyaa hadii adan ku maqlin in aanan waxba qaban Karin ay ii waran Gacaliso. Hooyadii ayaa inta ay yabtay ku tiri “ Waxaa filaa in uu nambarka kaa qaldan yahay ay iska sax. Waxaa loo gu jawabay Qalbi Jaceyl haayo ma qaldaamayo ay waxaa filaa inaa tahay Jaaliyadii guriga ka shaqeyneysay ay Ramal away. Hooyadii inta ay yabtay ayee telka ku damisay ciil dartiisna  

Waxey Hooyadii dhax waregto guriga daaradiisa ciil dartiis ayee wacday Xaajigeeda oo ay ku tiri “Imow talo fara wey ka baxdee.” Xaajikii ayaa imaday waxa ay u shegtay wax walba sida ay u jiraan, intaas ka dib waxaa la sugay inta ay Ramla hurdada ka soo tooseyso si loo weydiiyo su’aalo ku sabsan qofka uu ahaa iyo waxa kala dhaxeyo. Mudo toban daqiiqo ka dib Ramla ayaa soo toostay ka dib markii ay suulida ka soo dhamatay oo ay soo meeratay ayee soo aaday daarada guriga si ay meesha xogaa ugu casriyeeso.

Balse xaalada weyka duwantahay casri iyo nasiino oo waxa ay aragtay Hooyadeed iyo Aabbaheyd oo meesha wada fadhiyo markaas ayee ku tiri “Aabbe manta xili hore ayaa imatay wax dhib ah maa jiro”. Aabbihii ayaa u yeeray oo yiri Waa kuma qofkaan ku soo wacaayo oo Gacaliso ku haayo Hooyadaan aflagaadeyay? Ramla inta ay naxday ayee tiri “Itus aan arkee numberka, hadii ay fiirisaba waa Cumar, Inta ay garan weyso waxa ay sameyso ayee markii danbe u shegtay waxa uu yahay iyo waxa kala dhaxeeyo.” Markii danbe ayaa lagu yiri “Bari inoo keen wiilkaas waan argeynaa haduu kuu qalmo iyo hadii kale.   

Qoraa: Feysal Mohamed Abdirahman

Buuga: Axaadkii jaceylka