Rajada sani waxaa weeyaan waxaa ku tusayo mustaqbalka waxaad noqon lahayd qofkasta oo guul inuu gaadho rabo waxaa laga rabaa waxaa uu doonayo inuu guul ka gaadho inuu dhinaca fiican ka eego rajaystana wax fiican oo uusan ka eegin dhanka taban ama xun maxaa yeelay hadii waxaa aad rabto inaad ku guulaysato aad ka eegto dhanka xun waxaay noqonaysaa baasaysi. baasaysiguna waxa uu ka midka yahay asbaabaha ugu waawayn ee kuu diidan inaad noloshaada ka gaadho guul aad ku faraxdo.Waanad kartaa rajadaada inaad rumayso kaliya waxaad la kaalaydaa dadaal iyo dulqaad iskana ilaali baasaysiga . ‘rajadu waa awoodda lagu arko inuu jiro iftiin aanu sameyn dhamman gudcurku.’ _desmond tutu Rajadu raasaamaalka nolosha weeyi Rabitaanka nafta riyadeeda weeyi Rukunka raaxada lagu rarto weeui Rafaad baa ku raran wax aad ragaatidba runtii marbaad Raaxadeeda rarataa roobaanteeda naftu raali ku noqotaa Rabi ruuxda haduu daayo
Buuga: Baadigoobka Guusha
Qoraa: Yahye Y. xasan