Axadkii Jaceylka | Q-11aad Adegto

Cumar sawabo darteed taas oo ah in aysan hadli Karin anan siin Karin farxada uu rabo markaas ayee u qortay warqad oo ay ku tiri “ Intaan ka badna kuma sii dhibi karo waayo waxaa u bahantahay qof markaa wax weydiiso kuu jawaabi karo markaa guriga wada jogtiin ana taas ma awood ay qof kale iska guurso waana codsi waayo waxaa rabaa inaa argo ubadka aad dhasho ay ii samey hadii aad ii farxadeda rabti.
Cumar arintii wal wal ayee ku bertay iyo murugo waxa uu ku sii dadaalay in uu si fican u baran lahaa Body language .

Waxa uuna u shegay in uu ka aqbalay codsikeeda uuna qof kale iska radsan doono iska oo niyada u dhisaayo.
Waxa uu waqtika socdoba Cumar waxa uu dib ugu soo noqday Magaaladii balse Ramla maba joogto magaalada, waxa uuna u soo noqday in uu guursado waayo waxbarashadiisa waa uu soo dhamystay waa uuna soo shaqeystay ?
Tolow wa tuma qoka uu Guursanyo ma qof kalaa mise Ramla?
Waxaa meel walbo ka raadiyo magaladiina isbadashay waxa uu ku soo biyo shubay inuu soo aado saxibkiis walashiis markaas ayuu weydiiyay Ramla halkii ay ku danbeysay,

Gabadhii ayaa u shegtay in magaalo kale la geyay si ay nasiino u soo hesho.
Intaas ka dib Cumar wax uu bilabay in uu la xariiro Ramla walidkeeda iska oo ka duwan sida uu shalay ahaa walikeedna u bahnayeen garab caawiyo gabadhooda iyga oo darensanaa in ay gabadhood uu farxad siin karo ayee ka aqbaleyn in lagu daro oo la siiyo.
Balse arinta yabka leh ayaa ahey markii Cumar saxibkiis walashiis u soo dhiibay iifitada arooska una shegay in ay Ramla u geyso si ay ugu soo qeyb gasho gurkiisa. Balse Ramla arinta waxey ku noqtay yaab markii saxibteed u imatay laguna war galiyay in uu Cumar aroosi rabo uuna ka


codsaday in ay ka soo qeyb gasho arooskiisa.
Ramlaa inta ay jeesatay ayee iska ilmeysay saxibteena waxey u dhiibtay ifitadii arooska waxeyna ku tir waa taas farintaa kuu waday.
Ramla iyado oo cabsaneysa ayee furtay balse waxa ay ka dhax aragtay magaceedo oo meesha ku qoran oo iyada ayaaba ah arooda nasiibk au yeelatay Cumar.
Isla galbakii Cumar waxa uu soo aday magaladii ay jogtay si uu u soo wado balse arinta Ramla cajibka ku noqotay ayaa aheyd in uu isticmaalaye Body language ama calaamadaha tilmamaka jirka laga bixinayo taas oo farxad ay ka sii qaday.

DHIBAATO WALBO WAXA AY LEEDAHAY XAL.
MARNA QOF NIYADA HAKA JABINI AXDINA HA GALIN HADAN FULIN KARIN.  

MAHADSANID SIDA WANAGSAN AN NOLA WADAGTEY BUUGA 

MAHADCELIN 

QORAAGA.  FEYSAL MOHAMED ABDIRAHMAAN 

BUUGA. AXAADKII JACEYLKA