Heestan waxaa tiriyey abwaan ahmed salaymaan biddeabwaanku waxaa uu ku dhashay hawdka galbeed ee magaalada burco ee togdheer
Sida geed caleen loo ubax guudka qariyeen ooy gooni laamaha ay midiba geesteed hoobaan isgaadhiyo guntin midho ah leedahay oo soo gandoodoo galka faraqa soo daray oo godan barwaaqo ah dur dur aan go,ayn iyo gacan webi kuyaallaa
Oo gu, iyo jiilaal midab guurin baa too gabadh yahay galgacalbaad goortaan ku eegaba qalbigeyga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad igaadhsiin sidaad tahay gamaan faras sange geesi daaqsaday oo haro galduur mirey sodon bil iyo gawdeed
Uu goobay farawgii sararta iyo gaadada oo galan galcoodoo cududuhu gammuurmeen oo galab ba loo raro sida ramad gu,yaal dhalay hadba kaynta geedo leh oon guluf colaad iyo weli socoto dheer gelin
gabadhyahay galgacalbaad goortii aan ku eegaba qalbigeyga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad igaadhsiin Sida gorey haldhaayoo goor hore aroornimo gegi doog leh iyo rays goob wacan ka soo kacay oo gedefka baalkiyo gilgilaaya waaxyaha oo gudub talaabada miyir u gundhiyaayo xarago u gudhaya ama
gacalada eegmada indhaaga goodka ah gabadh yahay kal gacalbaa goortaan ku eegaba qalbigeyga gelisaa
igaadhsiin sida guban ka qaarkii dhul gargoorku siman yahay ama maadh galdhiihdoo guban iyo ku taal hawd oo laba gardhawdoo badhba gees u seexdeen dhabarka iyo gaadada
Waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad igaadhsiin
quruxdaada gaarka ah Ama haro gingimanoo guudka ka xarfanaysoo shimbiruhu ka giigeen galawgiyo u gaadhuna goonyaha ka joogaan gabadhyahay kalgacalbaa goortii aan ku eegaba qalbigeyga gelisaa waxse aanan garanayn ii gunuday caashaqe halka aad igaadhsiin ;
Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan