Wehel Jacayl| Q-1 aad Adegto

LAMMAFILAAN
Wiil iyo gabadh wax wada barta, duruustana meel ka
wada daalacda, ayaa isla bilaabay jacayl biyo-kama-dhibcaan ah. Waxa uu degay beerka, wadnaha iyo meel kasta 0o loo nisbeeyo in u jacaylku masallaha dhigto.
Inta uu ku dhex bulaalay ayaa uu ku laba qarxay. Dareen kalgacal xambaarsan ayaa ay isugu baaqayeen hadh iyo habeen. Farimaha cishqiga sida ayaa u ahaa soor ay quutaan.
Berigaas aaladaha castiga ah ee lagu wada xidhiidhaa ma jirin, sidaa darteen layn gurga ugu rakibnaa ayaa codka u kala lalin jiray. Dhawaaga tilifoonka ayaa mar kasta agalka ka dhex yeedhi jiray; haasaawahooda an kala joogsiga lahayd ayaa hakad geliyay dadkii guriga kula noolaa; jaaniska ay markooda dhegta gabsan lahaayeen ayaa ay laf dhuun gashay ku nogdeen.
Tilifoon kasta oo soo dhacaa waxa uu wadaa dalabaad jacayl: “Axmed ma joogaa”, iyo “Deeqi ma joogtaa.

ayaa magalkii dadka ku batay. Warkoodii ayaa ku fiday labadi reer ee ay ka soo kala jeedeen.Markii u jacaylkoodii soo shaacbaxay, xamxamtiina badatay, gofkii ugu horreeyay ee giraanta socota so dhex galaa waxa u noqday Axmed aabbihii. Talo waayeelnimo ayaa u u soo jeediyay inankiisii. Haasaawaha in uu so gabagabeeyo guurna u diyaargaroobo, ayaa uu ku guubaaabiyey. Isaguna hadal kama soo celin ee ‘hawraar san’ baa uu yidhi.
Gacalisadiisii ayaa uu markiiba wacay, waxa uu ku wargeliyey in u u soo geedfadhiisanayo. Markii ay intaa maqashay ayey farad iskala garan wayday. Midho ay in badan sugaysay ayaa wakhtigi ay soo go’i lahaayeen jooga.


Warkii muusoodka yo bushaarada xambaarsanaa aye ku taabatay aabbaheed, balse sidi ay filaysay wax uma dhicin. Halkii uu ka soo dhawayn lahaa, wajigabax ayey kala kulantay. Arrinkii ay wadday indho fayow laguma firin ee didmo ayaa uu odaygu ka muujiyey. Waxa u ku xujeeyay in ay waxbarshada dhammayso ilaa heer jaamaceed. Shan sanno o dambe ayey ku gaadanaysaa in ay soo gabagabaysaa, sidaas darteed uma cuntamin go’aankaasi.
Axmed 0o war ka sugayey ayey la hadashay, in ay xeedho io fandhaal kala dhaceen, arrintoodiina Bariga Dhexe marayso, ayey u sheegtay.Waa wax aanu filayn 00 fajaciso ku ridaye, waxa u talo ula noqday aabbihii.

Markii ay rogrogeen xaajada, in odayga lala xididayo toos loo waco ayaa la isla gartay. Judhii loo soo bandhigay in inantiisa loo soo geedfadhiisanayoba qaylo ayaa u afka
furtay, markaas baa uu erayadan kala hor yimi: “Ma inanta yar ee waxbaraynaysa ayaad rabaan in aad mustaqbalkeeda seejisaan Ma dhacayso, arrintaana diyaar uma hi ee sidaa ku abshira”
Axmed, warkii la is yidhi loo sheeg. Dhegiba jaan leekaatay oo arrimuhu ku cakirme. Dareenkii jacaylka 0o cishoonayaa ayaa ku labakacleeyay; markaas buu joog iyo fadhiba diday, hadalna ay kaga dhegtay: “Haddi aan inantaa la ii doonin, taloba talo ima aha”


Sheekadii waa ay sii murugtay, xaalkiisu qiro jacayl iyo garracan buu marayaa. Aabbihina geed gaaban iyo mid dheerba waxa uu u koray sidii uu ugu soo xerogelin lahaa mudantii u dumarba ka doortay. Odayga Deega dhalay ayaa se ku noqday darbi adag 00 aan la mari karin.
Deega 0o sida Axmed jacayl darani ku oogan yahay waxa ay u tafaxaydatay sidi ay gacaliyaheeda u dejin lahayd, iyada oo ku waaninaysa in uu samir guddoonsado.
Sida ay ugu nascexaynayso ayaa u mar mar is yidhaahdaa:


“Malaha dabkan kugu shidani iyada shiddaba kuma hayo!” Kolkaas bay heestan ugu laabqaboojisaa:
“Inan yahow adduunyadu
Ayaan keliya maahee
Ibtiladan ku haysaa
Amba way a taallaayoo
Eridhaban sidiisaan
Kuu olalayaayeee;
Ma illoobi karayoo
Axdigi dhexdeenna
Waan adkaynayaa
Arladaba dhammaanteed
La’aantaa iftinow
Waa urugadaydee
Ha is odhannin keligaa
Yaa olol jacayl gaba
Amba kula mid baanee”

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda