Waxa aynu sii wadi doonaa maqaalkeenii inoo sii socday ee ahaa “wax ka baro astaamaha guusha keena iskuna day inaad ku dhaqantid” waxaan aad ugu mahadnaqayaa cidkasta oo la socotay maqaalkii hore
Waxa aynu hore u soo qaadanaya dhawr qodob oo ka hadlaya astaamaha guusha lagu gaadho bal hadaba aynu sii wadno qodobadii kale .
Dulqaad ka (patient)
Dulqaadku wuxuu ka mid yahay aasaaska guusha nolosha maxaa yeelay qofkastaaba siduu u dulqaad badan yahay unbuu guusha u gaadhaa, samirku waa wadadii lagu gaadhayay guusha waxaana jira carqabado badan (many constrain) oo noloshaada ka hor imanaya intaad nooshay kuwaasna waxa looga badbaadi karaa waa dulqaadka oo la badiyo iyadoo markasta loo mahadnaqayo ALLAH laguna mahadnaqayo natiijo kasta oo aad la kulantid.
Dadaalka (effort)
Dadaalku waa mid ka mida furayaasha guusha kaas oo loo baahan yahay in la sameeyo shaqo kasta ama hawlkasta oo la qabanayo in loo dadaalo sida ugu fiican uguna macquulsan. Tusaale ahaan inaad ku dadaashid sidaad u gaadhi lahayd qof kaa sareeya waxaana wanaagsan marka qofkastaa rabo inuu horumar gaadho waa inuu meel hiigsadaa ama uu jiraa qof uu is leeyahay gaadh.
Aqoonta (knowledge)
Runtii sida aynu wada ognahay aqoontu qofka waxay geysaa meel sare sidaa daraadeed waxkasta oo aad is leedahay ku guulayso waa inaad aqoonteeda leedahay hadaanad lahayna waa inaad waayo aragnimadeeda leedahay,haday kugu cusub tahayna waa in aad raadsataa aqoonteeda iyo waayo aragnimadeeda adoo la tashanaya dadka aqoonta u leh hawshaa aad qabanayso.
Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan