Gabaaygii Abwaan maxamed kaahin feedhoole maxamed

Gabaygan waxaa curiyey abwaan maxamed kaahin feedhoole maxamed waxaa uu ku dhashay hawdka burco sanadkii 1928kii Tixda gabay beryahan maxamedaw waanigaan tirine in dhawaydba waa taan ka tegey ta, iyo woowgeede ma tilmaamin maansoonyinkaan teeb garayn jiraye xaluun baan tawalay goor dhaxay tahay allaylkiiye markii uumiyuhu wada turqaday tamani laykeenye tu, alifka oo dhacay hurdada taw ka soo idhiye waxaan tebayo mooyee qalbigu taami noqon waaye tusaalaha aduun iyo walaac laygu soo tuurye togyar iyo banan iyo annoo tuba ka baaqaaya Talloolayaal iyo anoo taagi siraw jooga toomaha walwaaleed anigoo torog ku maalaaya anigoo tusmada reerkayaga talada goynaaya taajkiyo garoomaha annoo la igu wada tiirshay ayuun baa la iitumay durbaan taarna ii yimiye dabadeed talaabo iyo orod taw ku soo idhiye temmuunkii ku immi meel jinaan lays tamaninayne tawaahida waxaan lahaa fuluus tuulan baad heliye tabtan aan ku arkay iyo caynkanay tahay ma moodayne waxaa tuban kun tamar laawe aan tacaba eegeyne Talaatiin gu, qaar joogeybaan toobba u xaasiline tana xoogsi kama soo taraan taana laga waaye taf la jiido iyo bay hayaan tookha dabadeede tays ma laha taalooga iyo timo la xiiraaye aniguna tabtoodii hadaan tacalimaayaaye mar hadaanan teeb iyo waraaq taybal dhiganaynin turjumaan afkiisii hadaanan uga turaabaynin mar hadaanan faaltu tegiyo turugsi raacaynin kol hadaanan telifoonka iyo taarka ku hadlaynin marse haduu tabtaa yahay raggii tedhi seben joogey way tala xumo xoogsigaan tan uga jeedaaye tacliin aabahay wuxuu I baray tooyad soo godole tiska ooda iyo baan iqiin tirade xoolaha e , inta aan tuldaha jaan wadaa rag iga tooreeyey waxba gabaygu yuu ila tafine waxaan ku taaleeyey mugga waan tagaayaa hadaan taabo nooliga e, taban taabo gacal baan rabaa tallow ha lay dhaafsho   

Qoraa: Casayr Aadan Salleebaan