Wehel Jacayl| Q-2aad Adegto

Dareenka in ay la gabto waxa u dheeraa culays kaga imanayay xagga goyskeeda. Tilifoonkii ayaa laga jaray; xidhiidhkii tooska ahaa ee gacaliyaheeda kala dhexeeyay ayaa weerarka lagu ekeeyay; gaadh gorsoon yo mid muugdaba waa la dul dhigay; balse Jacaylkii jidgooyada loo galay ma joogsan ee oodda ayuu soo jebshay. In u ku siyaado mooyee horjoogsigi waxba kama uu dhimin.
Waxa ay gaylodhaan u dirsatay asaxaabteeda si ay ugu kala dabgadaan iyada yo gacaliyaheeda. Wararka Axmed in aanay ka kala go’in ayey u hawlgashay. Dif kastaa ha ka gaadhee, mar kasta waxa ay u heellanayd si aan dabku uga baqtiyin.

Jacaylkoodu magaalaadi buu gees kasta u dhex gaaday.
Sheekadoodii waxa ay nogotay taxane ay dad badani ku xidhan yihin. Hadba wixii ka soo cuboonaada ayaa loo dhegtaagi jiray.
Wakhtiga dheeraaday ee soo afmeermi la’ ayuu Axmed u noqday dhibbane. Waa bukaansocod tallaabadi in uu gabo wax yar u jira. Iskuulkii wuu ka saahiday 00 beryahaaba ma fooldhigin. Maamulka io ardayduba way ka wargabaan. Muddo ayey arrintisu soo jutamaysay ilaa uu markii dambe xakamaha goostay, waxbarshadiina ka soo ag wareegi waayey.
Xubbigi wuu ku si xumaaday ilaa uu noqday magane jooga. Goor io ayaan waxa uu ku alaledaa magaceeda, iyada ayaa hor joogta oo aan galbigisa ka faaruqin sikin keliya.

Reerkoodii talo ayaa ku caddaatay, si alla iyo si ay sameeyaan ayey garan la yihiin. Dib bay isugu nogdeen si ay xal midhodhal ah uga soo saaraan xaalka zan ka soo raynta lahayn ee inankooda, yo xabsigan adag ee jacaylku ku albaabay. Waxa loo soo jeediyay in u jawiga beddesho oo un baadiyaha u baxo, waa uu se ka gawsqabsaday. Ma rabo in uu Deega ka fogaado. Magaalo in ay wada joogaan ayaa u ah naxaris oo nabdigu ugu degayaa.
Horwayntii geela ahayd iyo haleeladi dhashay ee loogu baagay in uu dhex tago oo caano ka soo dhamo, waxa uu ka doorbiday in u bandarka ku negaado. Inti uu ku naaloon lahaa neecow macaan oo gacalisadiisu ka magan tahay, waxa uu is tusay in uu is moogaysiiyo gu’gaa curtay ee daadku mulucyeeyay. Masalooyin kale ayaa iyana la isku dayey in lagaga mashquuliyo Deega iyo jacaylkeeda, waa se lagu hungoobay. Qalbiga Axmed ma ahayn mid si dhayal ah ku illaabaya jacaylka.
Gufaacooyinka cishqigu kicinayo ayaa gees walba saga yeedhay. Daad aad mooddo in u jacaylku danabeeyay ayaa labadoodaba isu maray. Sida heestan u Cabdi-Qays curiyey sheegayso ayey jihadi ka luntay:

“Webiga i sitee
I walwaalayaa
Xaggee igu wadaa;
Waydiiya 00
Wed waa loo dhashee
Wax ka daran miyuu li werinayaa!”
Axmed reerkoodu waxa ay maal iyo murugba u hureen sidi ay inankooda ula tacaali lahaayeen. Aabbihi 00 jacayl iyo waayihisa aan magal Cilmi-Boodhari dabadii, ayey ka bilaabantay gondihisa. Gabankii u dhalay ayaa la galdhebaya utuntii jacaylka. Dawada keliya ee lagu badbaadin karayaa waa Dega oo ay derin ku wada jifsadaan.
Hees ayaa ahayd:
“Dedan maahe daalacan
Dagaal maahe waa nabad
Dawadisa caashaqu
Waa dadkii is doortee”.

Qoraa: Cabdisamad Sumcadda