Qaybtii 5aad.

01AKP7EK; girl of lugh ferrandi, somalia, africa 1920 1930

Dhugdhugleydeyda (mootadayda) yar ee aan ku shaqo tago baan kaxaysanaynaa ee saaxiibkayow i raac oo ii wehelyeel, caawa go’aankaygu waa inaan Cali-sabiix ku waaberiisto meel itaal i dhigaba. Geeddi oo taladaasi ku cuslaatay ayaa xoogaa intuu aamusay si caga jiida ugu raacay. Xilligu wuu ordayaa, durba saacaddu waa kow iyo tobankii habeennimo.
Tabaabushe iyo diyaargarow baa la galay. Dhugdhuglaydu waa mid soo duugoobaysa, waa nooca loo yaqaan (Honda) oo berigaa caan ka ahayd Jabuuti. Shiidaal badan ma qaaddo waayo socdaal dheer looguma tala gelin. Markay buuxsadeen shiidaalkii ayey shan litirna kayd u sii qaateen. Jabuuti iyo Cali-sabiix masafada  u dhaxaysaa waa 97km, baabuurtu hal saac bay u socdaan. Kow iyo tobankii iyo badhkii ayey dhaqaajiyeen. Waxay sii gigleysaba tuulada.
Weeca oo 50km u jirta Jabuuti ayey gaadheen iyadoo shiidaalku gabaabsi ku yahay. Kaalin goobtaa ku taal bay ka si dhaansadeen mootadii iyo caagaddii shanta litir ahayd. Durba way dhaqaajiyeen intay dhegaha laabteen. Qiyaastii 20km hadday u jiraan Cali-sabiix ayaa mootadii cilladi gashay. Waa cillad dhinaca mashiinka ah. Goorsheegtu waa saddexdii aroornimo. Geeddi oo awal horeba cagajiid ahaa ayaa daal bestii noqday. Buux isaga haba yaraatee daal ka muuqdaa ma jiro waayo Cambaro ayaa 20km u jirta. Geeddi ayaa talo keenay, waar Buuxow kol hadday mootadii cilladi gashay aan goobtan seexanno aroortana gaadhiga u horreeya aan raacno haddii Alla yidhaa. Buux, isagoo Cali-sabiix ku waaberiista mooyee talo kale uma dhadhamayso. Geeddiyow waan arkaa inaad daallan tahay, mootada fuul anaa riixi taniyo magaaladii, waxaan sidaa u leeyahay intaanay qorraxdu soo bixin baan rabaa inaan Cali-sabiix galno, haddaan sidaa yeeli weyno waa la inna arki. Haddii la inna arko qorshahaygii oo dhan baa fashilmaya. Dhawr goor haddii taladii la isla eegay hadal waxa uu ku iba beelay taladii Buux. Geeddi mootadii buu fuulay Buuxna gadaal buu ka riixay. Jacaylkii Cambaro ayaa xoog geliyey isla markaana ka duuliyey daal iyo wahsi oo dhan. Waa nin ay meeli u caddahay, waa yaab. Isagoo riixaya kii kalena mootada saaran yahay bay lixdii aroornimo soo galeen magaaladii.
Wiil bare ah (Macallin) oo magaciisa la yidhaa Iidle oo asxaabta ka mida guri uu degganaa bay abbaareen. Si degdeg ah oo kala go’lahayn bay u garaaceen kidinkii. Iidle oo ah wiilkii aqalkan lahaa oo markaas toosay baa ka yaabay cidda xilligan gurigiisa garaacaysa! Waa kuma? Cod daallan oo hiinfaadhaya ayaa hadlay, waa annaga ee ooddda naga rog. Si dhakhso ah buu u furay, muxuu Arkaa…Waa asxaabtii, waa Buux oo aad mooddo in foosto biyo ah lagu shubay dhidid dartii iyo Geeddi oo nafta uuni ku jirto. Naxdin baa u timid Iidle, waar maxaa dhacay oo milaygan idin wada? Balaayo ma jirto saaxiib warna waa innoo hadhaw ayuu Buux yidhi. Iidle waa doob oo weli ma guursan gabadh baa guriga uga shaqaysa.Toddobadii markuu shaqo tegeyey, inantii oo ay kidinka isku weydaarteen ayuu ku ballamiyey inay martida u diyaariso qureec iyo hadhimo wanaagsan.
Geeddi wuu getaatidhacay oo hurdo dheer buu galay. Buux, cunto iyo hurdo way kala carraabeen, tan iyo hadhimadii intii la gaadhayey maskaxdiisu tabtii iyo xeeladdii uu Cambaro kaga saari lahaa magaalada ayey ku hawlanayd.Tobankii barqanimo ayuu toosiyey Geeddi oo weli hurdo dheer ku jira, saaxiib ma hurdaad ii soo raacday mise inaad wehel iiga noqotid nacabka? Hadallada Buux wahsigii iyo hurdadii bay ka duuliyeen Geeddi. Intuu dhakhso u toosay buu soo maydhay dabadeed qureecii baa loo soo dhigay. Intii ay qureecanayeen ayuu Buux hadlay, wuxu yidhi, Geeddiyow fadhi nooma yaal arrimaheenuna waa sir iyo dhuumasho, imika markaan qureecda afka ka qaadno waad socon, war dhanna waad ii keeni, waayo anigu haddaan magaalada u baxo sirtaydu waa fashil. Ugu horrayn Cali baad xafiiska ugu tegi waad u warrami, gurigan markaad u sheegaysid hareerahaaga day, cid islaam ahi yaanay ku maqlin.     
Geeddi sidii buu yeelay oo Cali buu u tegey, waa la is bariidiyey, dabadeed Geeddi baa gacanta soo qabsaday Cali oo dibadda ula soo Baxay, warkii oo dhan buu farta ka saaray.Cali intuu xafiiskii ku noqday ayuu maamulihii ka soo rukhsad qaatay.Cali iyo Geeddi waxay u soo dhaqaaqeen gurigii iidle,way garaaceen kidinkii, Buux oo dhegaha taagayey ayaa markiiba balaw ka siiyey irriddii. Waa la is gacan qaaday oo xabadka la isa saaray, halkaa iyo qolkii fadhigaa loo dhaqaaqay. Intaan badhida dhulka la saarin ayuu Buux ku celceliyey.
Cambaro iiga warran, Cambaro iiga warran! Aad iyo aad bay u wacan tahay hasa yeeshee qolodii baas baa sida haadka noogu dul meeraysa, Cali baa sii waday oo yidhi, inaad joogtid Cambaro waan gaadhsiin adigana waxaan kugula dardaarmayaa dibad baad sheegiye irridda ha is taagin.Hadhimada ka dib baan qaadka soo qaadanaynaa oo aan halkan ku malaysan doonnaa haddii Alla yidhaa. Ma goohno baa lawada yidhi!
Iidle ayaa soo rawaxay 12kii duhurnimo, kidinkii kolkuu soo dhaafay intaanu qolka gelinba Buux oo ardaaga fadhiya ayuu barjin soo garab dhigtay, war baa u gaajo kulule ii taataabo oo warka isii Buuxow. Arrinta xalay ku soo guurisay ee weliba dhugdhugley ku soo saartay waa mid laga sheekayn doonee ii warran saaxiib.
Buux iyo Iidle waa saaxiibbo waayuhu kala fogeeyeen, niman sirta isku qarsada bay weligoodba ahaayeen. Buux oo maanta talo iyo gacan u baahan ayaa gun iyo baar iyo xaal halka uu marayo taako taako ugu dhiibay saaxiibkii. Kol hadday Cambaro gacanteenna ku jirto waan guulaysanaynaaye marna ha welwelin, ayuu Iidle qalbiga ugu dhisay saaxiibkii. Iidle, gabadhii adeegeysay oo ku hawlan qadadii ayuu ka cosaday hadhimada kadib inay qolka fadhiga gogosho. Markay qadeeyeen ayuu Iidle suuqa u baxay, jaad ku filan isaga iyo martida ayuu keenay. Qolkii qayilaadda ayey u wareegeen oo ay fadhiisteen. Cali iyo Qummane ayaa ku soo biiray, waa la is bariidiyey, markii si fiican loo wada fadhiistay ayuu Buux is baray Iidle, Cali iyo Qummane oo aan aqoon hore isku lahayn, kaftan iyo sheeko ayaa la galay. Buux oo xilligu ku dheeraaday ayaa yidhi, hadalka joojiya oo ii taliya fadhi iima yaallee. Sidii uu xeerku ahaa casar ka dib baan hadalka furaynaa, sidaa Cali baa ku taliyey. Buux hadduu helayo in Cambaro looga sheekeeyo ayuu jeclaan lahaa hasayeeshee kaftankii baa la sii watay.  
Salaaddii casar markii laga baxay ayaa taladii la guda galay, ugu horrayn waxa hadalka bilaabay. Cali oo ah qofka ugu xog ogaalsan waa ninka Cambaro gurigiisa joogtee, wuxu yidhi, waa marka horee Cambaro aad iyo aad bay u fiican tahay warkaaga oo dhanna waan siiyey waanay ku faraxday, waanay ku soo salaamaysay. Middaan ka yaabay waa qaraabadii Cambaro ee halkan degganayd oo dhammaan baadi goob ku jira. Tareenkii baxayaba way hoos taagan yihiin, baskii baxaya oo idilna gaadh bay ka hayaan, xitaa bartii koontaroolka baabuurta qaar baa taagan. Hadday ogaadaan in Cambaro ila joogto, inay i soo weeraraan baan ka baqayaa, waar taliya oo gabadhu way noo hiilisee caawadaa magaalada halaga kexeeyo. Raggii goobta fadhiyey mid walba mar buu hadlay oo uu talo keenay. Hasayeeshee talo walba oo la gaadho, kol haddii gaadiidkii la saari lahaa oo dhan gaadh xoogle laga hayo waa bar-kuma-taal. Shantii nin waxay xaajadii gorfeeyaanba, waxay kolba shiilaan, waxay gees walba ka joogsadaanba goor ay daaleen oo madax wareer ku dhacay ayaa Iidle keenay talo loo wada bogay oo ah xeeladdii Cambaro iyo Buux si nabada ugaga bixi lahaayeen magaalada. Iidle ayaa talada faahfaahiyey oo yidhi, gaadhiga qashinka gura 6da aroonimo ayuu hawsha bilaabaa, wadaha gaadhigu waa qof wanaagsan aqoon guudna way naga dhaxaysaa. Gaadhigaa baan Cambaro iyo Buux ku daraynaa si uu u geeyo Humbuqto oo magaalada ka yara baxsan. Baska u horreeya ee aroorta baxayaan wuu kiraynayaa laba kursi waanan u sheegaynaa inuu laba ruux ka raaci doonaan Humbuqto.Taladii Iidle waa loo wada bogay Cali baase laba qodob ku daray. Iidlow wadaha gaadhiga intaan gabbalku dhicin ka soo dhammee ta kale ee baska laba kursi oo madhan kirayn mayno waayo shaki baa iman, Qummane iyo Geeddi ha sii raacaan basku Humbuqto markuu joogo ha ka degaan oo Cambaro iyo Buux ha beddelaan iyaguna ha soo noqdaan, sidaa iyo duco ayaa lagu soo af jaray.
Salaaddii maqrib kadib Iidle iyo qummane ayaa wadajir ugu tegey wadihii gaadhiga qashinka. Kiiyoo markaa qaad ka soo kacay oo gurigiisa hortiisa fadhiya oo cadayanaya ayey la kulmeen. Asalaamu calaykum, waa la idinka qaaday. Cabbaar haddii lawada sheekaystay, Iidle ayaa ninkii si sahlan ugu sheegay. Caawa walaalkayow waxaan kaa rabaa inaad berri aroorta intaanad hawsha bilaabin laba ruux ii gaysid Humbuqto[5]. Wadihii baabuurka guddaafaddu shiddo la’aan buu ku yidhi, anaa qaadiye igu daa. Waa magan Alla.
Dabadeed Qummane ayaa tegay gurigii Cali oo ku war geliyey in gaadhigii aroorta diyaar yahay, Calina Cambaro ayuu warkii ugun bishaareeyey si ay u diyaargarowdo. Iidle isagu Buux buu u bishaareeyey wax walba inay sidii ay qoorsheeyeen u dhacay.
Sidii ballanku ahaa aroortii baa lawada toosay, Iidle gaadhigii oo sugaya ayuu durba soo raacay, aqalkii ayuu isa soo hortaagey, wuu ka degey, Cambaro oo ciddiyaha ku taagan ayaa degdeg u fuushay gaadhigii, waa la dhaqaaqay oo gurigii Iidle ayaa la joogsaday. Buux oo irridda taagan baa orod ku soo fuulay. Duco iyo salaan bay ku kala tageen Iidle.
Gaadhiga oo shirka ah bay saaran yihiin. Wadihii baabuurka oo aan ogeyn labada ruux ee raacaya in midi haaween tahay ayaa aad u eegay isagoo ka yaabay sababta isku dartay dhallinyaradan weydiinse umuu gelin. Barti kaantaroolka markay soo gaadheen hoos ayey u foorarsadeen si aan wajiyadooda loo arag. Maadaama ay xuduud ahayn goobtan aad looma ilaaliyo baadhisteeduna way fududdahay. Laba boolis waddaniya oo keliya baa joogay, wadihii baa gacanta u taagey iyaguna soco soco ayey ugu jawaabeen. Gaadhigan qashinka gura cidi ma baadho, ku darsoo weliba urtiisaa dhakhso la isku dhaafiyaa.
Markay Humbuqto soo gaadheen ayuu gaadhigii is taagey, way ka degeen, meeshu waa cidla ciirsi la’ oo buuraleya, reero meelahaa ka muuqdaa ma  jiraan. Waxay eegteen meel ay fadhiistaan kana bidhaansadaan baska ay raaci doonaan. Geed aan sidaa u weyneyn oo waddada u jira xoogaa kana xiga dhinaca midig ayuu Buux xaadhxaadhay oo uu Cambaro fadhiisiyey. Waa aroore caday buu soo gooyey, mid Cambaro ayuu u dhiibay midna isagaa ku cadayday.
Dhinaca kale, Qummane iyo Geeddi lixdii aroornimay ku soo xaadireen goobtii basaska laga raacayey. Sidii ballanku ahaa laba kursi bay kiraysteen.Toddobadii oo gaw ah ayuu baskii baxay. Qummane dhinaca midigtuu fadhiistay si uu sheedda uga arko labada is jecel, Geeddina bidixduu fadhiistay.
Markay Humbuqto ku soo baxeen ayuu Qummane foojignaan galay, durba bidhaan dad buu arkay, waa Buux oo dhinaca waddada u soo cararaya gacmahana kor u taagaya. Mar qudha ayaa jooji, jooji laga dhex yidhi baska gudihiisa, waa la joojiyey. Intay Qummane iyo Geeddi soo degayeen Cambarona tallaabaday soo qaadaysay iyadoo wax yar dirica xaydanaysa. Intii la isa salaamadinayey ayuu wadihii basku kirishboyga u dhawaaqay, waar maxay ahaayeen dadkani? Waa dad loo sii qabtay kuraasta ayuu yidhi kii kalena. Shaw markay istaankii joogeen ayuu Qummane dhegta ugu qabtay kirishboyga oo beri hore Yaacayda wada ahaayeen. Cambaro iyo Buux markay sidaa u fuuleen baabuurka,
dadkii oo dhan baa soo wada eegay wiilka iyo gabadha. Rakaabka qaar ka tirsan oo rag iyo dumarba leh ayaa reer  Hadhagaala noqday, waa kuwo ab iyo isir u garanaya tan iyo carruunimadoodii, isla markaana warkooda oo dhan ka dheragsan. Buux iyo Cambaro iyagoo xishood la fooraray fadhiisteen. Dhib oo dhan wixii ay soo mareen kuwan ay godka ugu soo galeen baa kaga daran! Dadkan baska la socda, ruux dumara oo magaceeda la yidhaa Afyar Hoorri baa ka mida, waa islaan caan ka ah Hadhagaala oo moofo aad iyo aad u macaan samayn jirtay, xitaa Cambaro iyo Buux berigay carruurta ahaayeen way ka iibsan jireen moofada. Cambaro ayaa Buux hoos u weydiisay. Maad garatay islaanta xagga dambe fadhida? Waan gartay, waa islaantii odaygii Mire Dhancadde ee qaylada badnayd, maxaa nagu soo beegay?
Cabbaar haddii jidkii la sii socday islaantii Afyar[6] baa hadal bilawday iyadoo si qaab daran u dhawaaqday, waxay tidhi. Naayaa Cambaro, shalay markaad soo baxsatay haddaad ogtahay aabbahaa iyo hooyadaa dhibta gaadhay waad muraaradillaaci lahayd. Aabbahaa fadhi uu diiday hooyadaana way oohin dhammaysatay. Ma markay ku koriyeen ee weliba ay buurtaa kaa dhigeen eed quruxaysatay baad ninkan yar ee berri cidla ku dhigi doona isku dhiibtay. Markay intaa oo hadal ah is daba dhigtay ayaa rakaabkii oo dhan is wada eegay! Intaa kumay joogine waxay tidhi, waa labadaa dhexda naga soo raacday baan sheegayaa.
Markaasaa indhihii dadkii baska la socday oo dhammi Cambaro iyo Buux ku jeesteen. Iyagoo marka horeba fooraray, weji-gabax baa ugu biiray.
Afyar intaa kumay joogine way sii wadday hadalkii qaabka darraa. Dadkan yaryar ee magaalooyinka ku dhashay dhaqankii suubbanaa bay dileen, bal eega gabadhan iyadoo aabbeheed bixin wiilkan iska soo raacday. Marka miyiga la joogo hadday gabadhi nin iska raacdo oo sidaa lagu guursado, dumarku ma qaddariyaan oo markay xamanayaan bay yidhaahdiin, naa waatan tii sida xoolaha la soo qaaday. Mudac baa u yaroo hadday jaarkeeda weydiisato lama siiyo. Gabadha loo geed fadhiistay baa boqolkiiba boqol ka sharaf badan. Miyaanad maqal guuxii Ina Xareed Faayici ee ahaa,
Gabadh la qaataa qaafi ma leh
Quud-darray naaguhu badaan
Qoys kalaa laga moolisaa
Reer qabya ah qulubaygu dilay
Qoriga aabbow ii tammadi
Dood ku saabsan guurka iyo miyi iyo magaalo ayaa rakaabkii dhex martay. Gabadh dhexda fadhiday iyo wiil xagga dambe fadhiyey ayaa ka dhiidhiyey oo u hiiliyey jacaylka la weeraray. Wiilka iyo gabadhu   waxay ku doodeen in jacaylka miyigu qarsan jireen, laakiin dhallinta magaaladu caddaysato.
Wiilkii baa yidhi, waa arrin jirta oo aan indhaha la iska qaban karin. Labadii is jecel waa inay sheegtaan halka laabtoodu rabto.Weli hableheennu jacaylka inay afkooda soo mariyaan way ka xishoodaan, hasayeeshee, waa inay caddaystaan waalidkuna u oggolaado. Haddii loo diido jacaylkeeda waa inay u badheedhaa oo ay raacdo sida gabadhani yeeshay. Gabadhan hambalyo baan leeyahay, jacaylku ha waaro oo ha jiro.