Gabaygaan waxaa tiriyay, Alaha u naxariistee abwaan Cabdiqaadir Xirsi yamyam, waxaa abwaanku aad ugu fogaaday oo tilmaan fiican ka bixinayaa hiddaha iyo dhaqanka soomaaalida iyo asalka qowmiyadeed halka ay ka soo jeedaan. Wuxuu abwaanka aad u cabiray in dadka soomaaliyeed ay yihiin dad uu ilaahay ku manaystay hiddo iyo dhaqan aad u qurux badan.
Waxaa dad fara badan ay isweydiiyaan, su’aasha ah soomaalidu asalkooda halka ay ka soo jeedaan? Hase yeeshee abwaan yam-yam wuxuu gabaygiisa ku xusayaa, In soomaalidu ay tahay bulshada dunida ugu facweyn.
Wuxuuna ku bilaabay sidatan:-
Dadka waw gu’weynahay
Guun soo jiraan ahay
Nuux iyo gadaashii
Duufaan ka guurkii
Baddii jiidhay gabiyada
Dhulkii giigsanaan jiray
Meeshuu ku kala go,ay
Gardafey ha noqotee
Weli goobti baan naal
Caddaankiyo guduudkaba
Waan kala gurracannahay
Muuqaalka guud iyo
Dhaqamada is geli kara
Canfartaan gudboonahay
Isku gibilna waan nahay
Oramadiyo gaallaha
Ayaan gacalwadaagnaa;
Mahad aan go,ay iyo
Gallad eebahaa lehe
Giddigood Rasuuladi
Uu geyiga usoo diray
Ninba diin u gooniya
Hala gola yimaadee
Isu soo gurkoodii
Tii geba-gebaysiyo
Gudhiggii kitaabada
Markii la isu geeyiyo
Guddoonshihii Ambiyadiyo
Waxaan haysanaa gacan
Geesigay ku taalla
Guusha magacyadeedyo
Yahay furaha lagu galo
Albaabada Janada guud
Oo aan nin garab maray
Gadan Karin muftaax kale
Muslim baanu nahay garo
U gudbiya walaalaha
Gudashada wanaaggoo
Guud ahaanna uga diga
Fal xumaato geli kara
Geerida iyo dhimashada
Yaasiinkaan qofkii go,a
Ku gunaanadnaayoo
Ikhlaas lagu guneeyaa
Godka lagula hooyaa;
Marka qaranba goonidi
Afrikada lakala guro
Bulshada geeska bari xiga
Ku gadaaman baa nahay;
Qaran iyo gob baanahay
Lixdankii gumeysiga
Gacantiisa kala baxay
Calan midab u gaariyo
Sumadda lagu gartaa tahay
Xiddigtaa shan geeska ah
Geysh noo ilaashiyo
Geesi uu gu dhaartoo
Gabbashada ka caagiyo
Gabyaa baanu leenahay
Markay goob dagaal tahay
Guubaabada ku caanoo
Geeraarkiisa fulayada
Dhex galaan cadaawaha
Gaadiid baanu leenahay
Gurgurshaanu raranaa
Hadba waanu guurnaa
Deyrtiyo gugii baan
Hadba meeshi geeda leh
Cosobkooda guranaa
Gadaal looma sahanshee
Galbeed baan u soconaa
Goobaha barwaaqaa
Lo,da geeska weyn iyo
Ari nooga goohaa
Dhitadiyo garoorkaan
Gocayada ku shubanaa
Ningixaa la giijaa
Gaaridu ku heestaa
Burcadkaa ka soo go,a
Digsaa lagu guraayoo
Galabtii la shiilaa
Caanooyada ma gaarnee
Sixinkaanu gadanaa
Ama keyd la geliyaa
Goosaar ka dhigannaa
Geelbaanu dhaqannaa
Gaawaan u culannaa
Gaaxdaan ka maalnaa
Marna dhinaca guurkaan
Gabadhii jacayl mudan
Yarad loogu geeyaa
Gaafkiyo arooskana
Ciyaarbaan gingimannaa
Gabladaannu tumannaa
Dudadoodhan geesbaa
Aqal loogu gooyaa;
Guri baannu leenahay
U eg maabka guudoo
Aan dunida laga garan
Marka rarada laga guro
Xarragada gammaankiyo
Geenyaanu fuulnaa
Warmahaan gingimannaa
Garawshaha xishoodkaan
Baal dahaba gelinnaa
Martida gaajo haysoo
Gasiin kale an loo hayn
Ayaa waajib gudashada
Hasha geela ka irmaan
Loo gowracaayoo
Gole loo dugsiiyaa
Hilbaha loogu geeyaa
Odayada gaboobiyo
Intii garasho dheer iyo
Guud ahaanba culimada
Gaarbaa loo xurmeeyaa.
Go, cad baannu xirannaa
Gammuun baannu qorannaa
Gabooyaha la geliyaa
Golxab baannu tummannaa
Gaashaan baan yagleellaa
Kabo feygamuuraan
Gocandhada ka sidannaa
Geed baa la waabaa
Gogol baa la fidiyaa
Guurti lagu casuumaa
Gar kastoo adayg badan
Way tala gorfeeyaan
Go’aankoodu waa xeer
Dhibta soo gunaanada
Marka dhiig la kala galo!
Daqar iyo qur gooyana
Culimada garsoorkiyo
Diintay u gudubtaa
Xaqaa lagu guddoonshaa !
Mirahaannu gurannaa
Gocasaannu qodannaa
Hangoolka iyo gudintaan
Geedaha ku jarannaa
Sisintiyo geleydiyo
Geedkastoo khudaaraan
Midba gees ku beeraa
Xiliyada la goostaa
Ceel kastoo gundheerbaa
Biyihiisa gaarnaa
Abaarta uga gudubnaa
Dembi geleddii Qaabiil
Bankii geeriyaadoo
Haabiil markuu go,ay
Dhirta qodaxda guratiyo
Taariikh ma garatooy
Godkii ugu horreeyee
Ina aadan galaybaan
Geesihiisa weli naal!
Tilmaanyeydu waa gaar
Gobolkeygu waa caan
Nin ahraamta galeybaa
Garta raadka dadkeygee
Faraaciinadii gudubtiyo
Masar jiilashii galay
Inaan goobta oga haray
Goggaa yaqaaanoow
Gabar timaha dabatiyo
Gudniinkii la toli jiray
Waa dhaxal aan guurine
Weli geeska yaaloo
Bulshadaan u gaaree
Diiwaanka noo geli!!!.