Jacaylkii Barni Seed

Jumca kariim
Maanta waa maalintii barnaamijka jacaylka aan soo qaadan lahayn. Waana sheeko inoo socon doonta oo aad u qiirabadan.
Barni Seed Warfaa aqalkoodu waa ka tuulada oo dhan ugu sumcad xun. Waxaa jirta sumcadxumo la galabsado, tanise waa mid lagu heshiiyey. Waxaa lagu heshiiyey aqalkaas iyo qoyska ku nool in lagu tilmaamo kuwo sumcad xun. Waxaa la yidhaahdaa: “Waxaa ka soo ura saamo iyo subag gorayo”. Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Waxay cunaan oon aan aadamiga kale cunin”. Waxaa kale oo la yidhaahdaa: “Aqalkaas haddii la baadho waxaa laga helayaa ceebo aan caqligu rumaysan karin”.

Waa mutul yara weyn oo saddex qol u kala xidhan. Daaradda ciidda ah waxaa ku wareegsan ood badankeedu baxday oo dhir noqotay. Farasmagaalaha tuulada ayuu bari kaga soo jeedaa, haddii albaabku furan yahayna waxaa la arkaa ilaa docda.

Isaga oo ah aqalka tuulada ugu sumcad liita haddana goor iyo ayaan ragga oo dhami xaggiisa ayey wada eegaan. Waa la isla og yahay maalin walba meelo kadinka ku qumman in ogaan loo fadhiisto, laakiin danta halkaa loo fadhiisto la islama qiro. Qoyska deggan qof aan ahayn oo weligii aqalkaas foodda geliyey lama sheegin, haddana eegmada lagama daayo.

Waa tuulo yar oo gabbalku mar u wada dhaco waaguna mar u wada beryo. Qof waliba waxa uu ku seexdo iyo wax uu ku soo tooso waa laga wada war hayaa. Waa dad yar oo iswada yaqaan, laakiin qoyska Seed Warfaa waa ka keliya ee aan la ogayn waxa uu ku seexdo kuna soo tooso. Waa qoyska keliya ee aan la malayn karin waxa calooshiisa ku jira.

Barni Seed Warfaa maanta waa siddeed iyo toban jir. Nafle la qurux ah gabay waa lagu sheegay laakiin dunida laguma arag lagumana maqal. Iyada oo aad u yar ayaa xaqiiqadaas la wada qiray. Sagaal jir bay ahayd maalintii ay gole rag waaweyni fadhiyaan hor martay, dabadeed nin raggii ka mid ah afkiisa laga maqlay: “Furuq ku dil, maxay qurux la soo kacaysaa!” Waa la wada qoslay, waayo hadalku kama duwanayn mid lagu yidhi ceesaan ama sabeen. Ma aha ammaan loo quudho qoyska sumcadda xun. Quruxda iyo wanaagga kale ee Barni Seed waxaa loo arkaa wax ku khasaaroobay meel qaldan, sida roob beer looga baahnaa oo bad ku da’ay. Hayeeshee weedhaas habaarka iyo ammaanta isugu dhafan ayaa noqotay halhays muuqa Barni Seed ku lammaan. “Furuq ku dil, qurux badanaa!”

Ragga inta ay halkaa yuurursadaan sidii xoolo horan xagga mutulka indhaha u wada jeediya, waxaa ku jira Warsame Geeddi oo ah sagaal iyo toban jir isaga iyo qoyskoodaba la qaddariyo. Jacaylka ay isaga iyo Barni Seed isu qabaan cidna kama qarsoona, waxaase loo arkaa jacayl xaaraan ah oo aan bannaanayn ama habboonayn. Haddii uu jacaylku yahay wax Ilaahay dadka qalbiga ugu rido, ka Barni Seed dadka ugama duwana cudur sheydaan qalbi miskiin ku tuuray. Haddii ay quruxda iyo wanaaggu ka mid yihiin shuruudaha jacaylku ka beermo, iyada teeda isla marka la qirsan yahay ayaa la inkirsan yahay. Waxaa loo arkaa qurux iyo wanaag aan la mid ahayn ka dabiiciga ah ee dadka lagu jeclaado, sida ka lagu tilmaamo noolaha kale iyo walxaha aan noolayn.

Warsame Geeddi iyo Barni Seed waxay garaadsadeen iyaga oo isjecel. Midkoodna ma garan karo dareenka wanaagsan ee uu ka kale u hayaa goortii iyo sidii uu ugu bilawday. Laakiin maraggaa soo-jireenka ahi markii ay weynaadeen garta waxba ugama tarin. Haddii awel jacaylkooda la moodayey carruurnimo, maanta waa lala xisaabtamayaa oo waxaa laga sugayaa in ay dhawraan xeerarka adag ee dhaqanka. Warsame markii uu ku baraarugay qosolka quudhsiga leh ee qayrkii ayuu ku qancay ceebta iyo magacxumadu in ay u jiraan inta ay Barni Seed u jirto. Haddiise uu ku guulaystey in uu jidhkiisa iyo keeda kala fogeeyo, weligii kuma guulaysan in uu naftiisa ka fogeeyo. Run ahaantii naftiisu teeda ayeyba ka mid tahay.

Barni aabbeed Seed Warfaa waa shan iyo afartan jir laf iyo xoog loo dhammeeyey. Wuxuu caan ku yahay, oo muddo dheer degmada oo dhan u haystey, legdanka, orodka iyo toogashada. Taa ka sokow keligii ayaa tuulada u qaabbilsan xirfadda kabotolista. Waa nin furfuran oo bulshay ah.

Dadka cayda iyo cadaadiska badan la kulma qaarkood waa ay jabaan oo waxaa ku dhaca cuqdad iyo daciifnimo nafsadeed, gunnimada ayeyna qaayibaan. Qaarkoodna waa ay ku dhismaan oo waxay ka qaadaan adayg. Seed Warfaa wuxuu ahaa noocan dambe. Subaxdii uu tallaabo qaaday ilaa maanta naftiisa waxaa lala dhacayey nabarro aan tudhid lahayn oo qof jilicsani ku daadduumi lahaa, isagase waxay ka dhigtay birlab aan wax karayaa jirin. Ninka erey qalloocan ku yidhaahda toban erey oo qallooca kala daran ayuu ku gaggabiyaa, ninka mar hoos u eegana toban jeer ayuu hoos u eegaa. Nin waliba isaga oo og in aanu Seed Warfaa si kale u liicin karin ayuu haybtiisa iin uga dhigaa. Intaas ayaa lagu mintidaa oo la iskaga celiyaa.

Goor walba dadka uu u shaqaynayo iyo qaar kale oo u soo sheeko iyo xifaale toontay ayaa agtiisa dhooban. Waqtigana mar walaba weerar iyo weerarcelis laguma dilo ee in badan waxaa laga dhegaystaa sheekooyin waayo’aragnimada ka soo burqada. Wuxuu jecel yahay in uu ka sheekeeyo xasuuso farxad iyo xanuunba leh oo ugaadhsi ku saabsan. Tusaale ahaan afkiisa lagama jeesto marka uu ka sheekaynayo “Guuldarradii labada goodir”. Mar iyo laba in ka badan ayuu taas ka sheekeeyey waayo naftiisa ayuu ugu tacsiyeeyaa. Wuxuu u bilaabaa sidan:

“Afadu waa fool, afar toddoba jirku ugu weyn yahayna way ag yaxoobaan. Waa abaar ba’an, wax afka la geliyana lama hayo. Wax beerkiisa bahal calaaliyo waxaa ii daaqa qaalin weyd ah oo aan ilmaha xamaamada ugu qaado. Ma isaga ayaad u qashaa? Maya ee caawa qadoodi ku seexi, berrina qoriga xun ee Ustarka ah ee ay xabbada keli ahi ku hadhay kaynta kula jarmaad. Haa, waxaa ku hadhay xabbad aan ku ilaalinayo, waayo bundukh aan rasaas lahayni dogob xaabo ah kama duwana oo dhenged baa lagaaga furan karaa. Dhulku ma ugaadh badna dadaalkase laguma qado.

Salaaddii hore intii aan nin iyo geed la kala garan ayaan qaalinkii heeryo fudud iyo laba yeelood garbaha u saaray lana dhaqaaqay. Laantii ay dabayli ruxdaba waxaan dhaayaha la raaco, dhawaaqii baxaba dhegta u dhigo, dhulkana raadba ka uu ka dambeeyo dul joogsado, goor ay tahay maalinweyn waa kuwan laba goodir oo geed wada daaqayaa. Rag waa damaaciye, waxaan qoondaystay labadaba in aan xabbadda ku wada dilo. Way dhacdaa oo horeba laba saryan baan toogasho keliya ku wada diley. Weliba goodirku sida biciidka uma feejigna. Sidii baan yeelay oo inta aan u dhowaadey suryo ay isku beegan yihiin ka wada shiishay. Baw! Mise wallaahay labadiiba way isaga baxday!

Markiiba kii soke inta uu qalabarogtey ayuu geesaha barkaday. Kii kalese inta uu wareeray oo marba dhan isu qaaday ayuu markii uu i arkay dhanka kale u booday. Degdeg ayaan kii dhulka yaalley gawrac ugu jiidey oo kii kale ka daba orday. Meeshu waa xas jiq ah. Markii aan bidhaantiisa waayeyna raadkii ayaan cagta saaray. Shaki kama qabo xabbaddu in ay saableyda ka ruubatay. Cawska iyo laamaha uu jiidhayo dhiig ayuu ku duugayaa. Ma foga; ma foga goorta aad isaga oo itaal u run sheegay oo hortaada yaal arki doontaa, ayaan ku niyadsamahay.

Wax aan ordo oo raadka eryadaba, guushii aan gacanta la tiigsanayey mar keliya ayey guuldarro noqotay. Gelin dhan baa ordayaa, qorraxdii galab ayey u hoobatay, dabadeed harraad iyo daal ayaan la dirgan waayey. Dani waxay tidhi dib isaga noqo oo kii kuu dillaa habeenka ka gaadh. Gabbaldhac baan aniga oo geeri iyo nolol u dhexeeya bartii uu goodirku ii yaalley ku soo baxay. Mise meeshuba meeshii ma aha! Siigada duulaysa iyo dagaalka ka socda waxaad mooddaa goob lama qabiilo oo doqommo ahi isku galeen. Dhirta geed walba waxaa saaran tobannaan gorgor oo qaarkood bilaabay in ay dheelmadaan. Halkii aan goodirka kaga tegey waxaa filiqsan lafo habaas leh oo ay dhawr tuke sii feenanayaan. Waar illayn ciil iyo caloolxumo uma dhimatid!…”
Seed Warfaa isaga oo afar iyo labaatan jir ah markii uu guurdoon noqday hablaha degaanka oo dhan saddex keliya ayuu kala doorasho u lahaa. Boqollaalka kale iyo isagu waxay kala ahaayeen sida geela iyo idaha. Ha yeeshee doorashadii saddexda ku koobnayd ayuu Alle u barakeeyey. Wuxuu calfaday Dhudi oo uu ku badhaadhay, taas oo maanta u haysa lix carruur ah oo caafimaadkoodu taam yahay…