Waa duni (Gabay Sayid maxamed)

Maanta oo Arbaca ah waxaan qaybta suugaanta ku soo qaadanaynaa, tudacyo ka mid ah gabay dheer oo uu sayid maxamed lahaa.

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

Waa dunida uu kala sunsumi, salowlaheediiye
Waa dunida subaxii beryaba, saro timaaddaaye
Waa duni samaan iyo xumaan, sooran ay tahaye
 
Waa duni sir iyo tuugo iyo, saanji loo kiciye
Waa dunida saami ugu dhacay, saabir iyo cayre
Waa dunida siirkeedu yahay, siifad iyo hooge
 
Waa duni ninkaad sahashataa, seedda kaa jariye
Waa dunida uu kugu sabbixi, seedigaa dhabehe
Waa duni aan saxariir cadow, laga siqoonayne
 
Waa dunida sowraca kufriga, la isku saaweyne
Waa duni siqiirkii lahaa, laga sabaayaaye
Waa duni sagaal Tolomogge ah, samanka taageene
 
Waa dunida gaal lagu salliday, sanac la’aaneede
Waa duni sarwaan lagaga guri, sedo ammaaneede
Waa duni sabaan aakhiroo, silic ka joogaaye
 
Waa duni ninkii sadar bartaa, sababi diintiiye
Waa duni siyaarada la siin, xaaf sarkaaliye
Waa duni sarkaalkiyo ardadu, wada sinjiidhaane
 
Waa dunida Soomaalidii, laga santaagaaye
Waa dunida sareedada la qubi, suluxa caanoode
Waa dunida saaq lagu gataa, salaba guud dheere
 
Waa dunida loo suudalaa, sakhara naareede
Waa dunida soon laga tegiyo, sadaqo iideede
Waa duni safkii laga baxoo, gaal la saacidiye
 
Waa duni simaadhii jannada, suus aan ku lahayne
Waa dunida saab ferenji iyo, Saaxil loo kiciye
Waa duni la saacidi kufriga, saaxir kuu colehe
 
Waa duni aan lagu soorahayn, seera kuu timide
Waa duni sokeeyiyo xidid, kala sawaaleene
Waa duni abaal laga samroo, samo la diidaaye
 
Waa duni subeydaarradii, lagu salaamaaye
Waa duni subbeyhiyiiintu tahay, saadadoo kale e
Waa duni sifaalaha la fali, laga sujuudaaye
 
Waa duni ninkaaad boqol sidka ah, seeri uga yeesho
Waa duni inuu kuu sallimo, laga sugaaleyne
Waa duni sun loo shubi ninkii, kuu saddiiq noqone
 
Waa duni sunbulaheeda dhici, laga suruuraaye
Waa duni sirgaxanoo iblays, saababkaw rogaye
Allahayow subxaan qaadirow, naga salaamayso…
 

Xigasho/ Doollo.com