Xishoodka Hablaha iyo Xanuunka Jacaylka Sheekaddan waxaa Qalinka u Qaatay Qoraa: Cabdiraxmaan Maxamed Guun, Waxaana Tafaftiray Khadar Jamac Dirir

Qaybtii 1-aad
Waa kee jacaylka dhabtii, yaa sheegi kara macnaha jacayl,maku haleelay caashaqu mase aragtay ciduu heeryada dulsaartoo intuu halista ka degay ku hab yidhi dushiisoo la heedadaabayoo badan Hadaba hadaad hore in badan u maqashay Qays iyo Layla, ceebla iyo Cantar, Cilmi iyo Hodan kuwaas oo dhamaantood ahaa qarniyo hore tolow miyaan dabadood lays jeclaan”?.Qisada buugan cusub ee la magac baxaday (Xishooodka hablaha iyo xanuunka jacaylka) waxay lamaanaysay laba qof oo aad nolosha ugu kala fogaaday.
Qisadan waxay la mid tahay ama ay meelo badan uga eg tahay kuwa dhaca maalin walba balse aan da’yartu in badan u dhug-yeelan.
Waxaa iswaydiinleh marka hore waa maxay sababta marar badan keenta in qof lahayste u ahaado midkale oon abtirsiimo ka dhaxayn, kana awood waynayn imisaad aragteen wiil ama gabadh waqtigu ka hiiliyey oo hoos jooga mid uu nasiibku la jiro iyadooy sidaa tahay wa meerto duniduyoo waxaa la yidhi:

 Aduunyooy waalaley
Aduunyooy waayo badan
 Maxaad waagii baryaba
Wacdaro gaara leedahood 
U wanaagsan tay wiil
Midkalena waabay suniyo
U walaaqaysaa dhunkaal .

Hadaba jaceylka ayaa sidiisaba lagu tilmaamaa ilma aragtay u gudba unugyada dhiiga iyo xubnaha kale ee jidhka wuxuu u fidaa sida ay u fidaan laamaha geedaha cagaaran marka ay helaan biyo iyo qorax ku filan.

Wuxuu ka abqaalmaa ilmada ka timaada mataanka marka hore uu haleelo hadiiba aanu labadoodaba asiibin, geedkan jaceyl ayaa noqda mid qaadha oo laamihiisa dib ula noqda haddii ay lamaanuhu isu hayn waayaan niyad saafiya ama ay wada hanan kari waayaan halganka adag ee nolosha.

Cidda keliya ee ka badbaada khasaaraha iyo dhibaatada murugada badan waa kuwa garta qiimaha jaceylka iyo sida loo xannaaneeyo, waxa lamaanahaas lagu tilmaamaa in ay ka gudbeen ama u talaabeen geesta kale nolosha, kuwaas oo ah kuwa kaliya ee bulshada dhexdeeda ugu karaamada badan. Haddaba qiimayn iyo daraasad lagu sameeyey tirada ku guulaysata ama ka adkaata waayaha adag ee soo waajaha ayaa noqotay mid aad uga yar tirada lamaanaha aan u soo gudbin wareega labaad ee noloshooda, kuwaas oo loogu yeedho ama noqda qaar aad dushooda ka garato sida ba’an ee ay uga siibteen salaanka nolosha,  sidaas oo ay tahay qoladan laftidoodu waxay u qaybsamaan laba oo kala ah: shaqsigii keenay kala hadhka iyo dhalandhoolka ay hadeer ku sugan yihiin iyo mid laga yaabo inuu helo waxa inta badan bulshadu u taqaanno nabsi-baxa oo isagu in yar ka muuqaal roon ka jabiyay wacadkii dhex-yiil Oo inta badan isagu isku maaweeliya heesaha jacaylka ah ee ka hadla nabsiga sida:

Gacaladaydaay hadaad igayso
Gami mayo wiil kale
Hadaad garabka saartee
 Bal gudoon geeridayda gabadh yahay

Hadaba sida uu qabo caalim sarre oo ka faalooda jaceylka wuxuu yidhi:
“Mar waxa uu jaceylku ku bilaabmaa aragtida mar qudha sidii uu abwaankuba u lahaa
(Ballan maaha jacaylku
Bandhig laysugu baaqee
Waa ishaa biligteeda
Wax bogaaga ku beerma).

Marna wuxuuba ka dhex dhashaa laba qof oo is -ag joogay muddo aad u dheer oo xitaa laga yaabo in mid waliba ka kale ogaa, arrimihiisa ama hel ahaa oon loo filayn inuu ka dhex dhasho jacaylku Tusaale:

 Hibooy inaabti
Hadduu hilibkaygu kugu yaal
Ama uu habeen qudha kaa galay
Hunguri haka aamusine
Nafta-baas la hadaloo
Haasaawi galab qudha“.

Caalimku isagoo hadalkiisa sii wada, wuxuu yidhi “jaceylku wuxu u baahan yahay marriin ama arrad-bax. In badan baa markaa is-weydiisay, oo jaceyl arrad-baxa sidee buu odhanayaa, miyuu xidhanayaa oo waa qof, balse tolow ma arki kartaan jaceyl arrad-baxay?
Su’aashan isagoo sii faahfaahniya ayaa wuxu yidhi: “Ha moodin arrad-baxa jacaylku inuu yahay dhar la xidho, ee waxaa jira dadka is jecel ee waliba muddo meel wada degganaa waxay mar mar u baahdaan inay isun soo xiisoodaan tiiyoo aanu xiisahaasi ahayn mid marka hore cadho lagu kala tagayo, balse uu yahay sida xagaagii oo kale oo loo dalxiis tago meel aan ahayn halkaad deggenayd soo noqodkiina waxaad la soo guryo noqonaysaa buu yidhi, idinkoo sita jaceylkiinii hore mid ka cusub oo aad moodo in uu hadda bilow yahay.

Haddaba marka aynu intaa ku dhaafno sida iyo qaabka  ay jacayladu u kala baxaan waxaa iyana meesha ku jirta oo u baahan in la yara dul-istaagno oo aynu in yar iftiimino  faa’ iidada jacaylka amase qiimaha ugu roon ee laga helayo shaygan isaga ah uma baahna bay ila tahay inaad muddo ka sii fakarto jawaabta su’aashan oo ah midhaha jacaylku waa (Ubad) waxa kale oon daah inaga saarnaynayn in badan oo dhalinyaro ahi ogtahay maanta sida uu yahay waxa uu yahay iyo waliba qaabka  ama habka looga bogsoodo  marka hore, marka xiga iyo ugu dambayntaba taasoo sida laysku raacay dawadiisu tahay Lammaanaha oo is hela, waxaad moodaa in aynu ku dheeraanay sharraxa iyo macnaha ballaadhan ee uu xambaarsan yahay jacalku.
Hadaba, bal aynu u soo noqono Qisadeenii ahayd (xishoodka hablaha iyo xanuunka jacaylka).

Qisadan sida uu magaceedu muujinayo waa dareen ka dhashay laba qof oo is jecel midkood kii kalena la qaatay, balse waayuhu kala fogeeyeen, waqtiguna kala kaxeeyey, is waayey in badan walbahaar jaceyl iyo welwel ku noolaa. Waa qiso ka turjumaysa sida waalidku aanu marmarka qaar ama inta badan aanu u tixgelin jaceylka iyo rabitaanka ubadkiisa gaar ahaan gabdhaha oon la waydiin waxa ay rabaan cidda ay calmadeen, balse qoorta looga galiyo nimaanay waligood is arag isku da’ahayn is dooran. Waa qiso in badan ka hadlaysa sida ugu haboon ee aad ku gaadhi karto guul marka aad rabto in aad jaceylkaagu noqdo mid waara oon wiiqmin.
 
Waa qiso xambaarsan inta aad ka tabayso jaceyl iyo waxa uu ka kooban yahay waxaad kala kulmi doontaa runtii meelo badan oo aan hubo in aad is odhan doonto malaa waa adiga qofkani.

Waa qiso muddo dheer laga shaqaynayey, waxayna ka mid tahay buugaagta faro ku tiriska ah ee lagu daabacay dalkeena, inkastoo jaceylku uu yahay waxa sababay in la qoro buuggan, haddana waxaad odhan kartaa ama u qaadan kartaa, sidii cashar oo kale. Waayo naftaa u baahan in wax badan ay ka ogaato macnaha erayga jaceyl. Anigoon rabin in aan wax badan idiin hordhaco haddana qisadani waxay kaga duwan tahay kuwa kale oo badan iyadoo ah mid la jaan qaadaysa waqtiga aynu joogno iyo da’yarta hadeer.
Waxay ku billaabmatay qisadan la magac baxday “Xanuunka jacaylka iyo xishoodka hablahu” Sidan:

Subeer waa wiil madi ah oo reerkooda ugu weyn, waxayna walaalo yihiin laba gabdhood oo hoos uga yar. Subeer waxa uu had iyo goor dhegaystaa heesaha ka sheekeeya arrimaha caashaqa, wuxuuse si gaara u xiisayn jiray heeso ay ka mid yihiin “Baalgoray” oo ka mid ahayd heesaha jaceylka ah ee uu qaadi jiray Alla ha u naxariistee Fannaankii caanka ahaa Axmed Mooge Liibaan.

Subeer waa wiil gaaban, midabkiisuna waa madow dhalaal widh-widhaya, waana nin aftahan ah oo ka mid ah dadka balaaqada hadalka hodanka ku ah, wuxuuna ka shaqayn jiray meherad weyn oo ganacsi ah, meheradaas oo uu Aabbihii leeyahay waxa uu ahaa xisaabiye.

Subeer ma ahayn dhalinyarada ay balwada jaadku labo diblaysay, sidaa darteed, maalmaha aanay shaqo u oollin waxa uu raacaa dhalinyaraddas asxaabtiisa ah.

Subeer da’diisu waa dhawr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday bulshada uu la nool yahay, gaar ahaan da’diisu nin si weyn ula falgalay.

Subeer, wuxu muddo keli nool ahaadaba, maalintii dambe ayuu isha ku dhuftay gabadh ku nool guri ka mid ah guryaha udhow meherada uu ka shaqeeyo.

Gabadhaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Salma, waxayna wax ka barataa Xarun laga barto maamulka iyo maarayanta. Salma waa gabadh dhinaca quruxda aad loo majeertay oo uu midabkeedu yahay casaan dahabiya.

Salma ninka ama qofka quruxdeeda dheehda wuxu xusuusanayaa gabadhu uu ninka Abwaanka ahi ku sifeeyey heesta la magac baxday (Indho-deeralay) oo ay midhaheeda ka mid ahaayeen.

 Dumar ugu filrooneey,
Dayax shan iyo tobanaay,
Dahab lagu masaalaay,
Da’da tii toddoba iyo toban
Gu’ga loogu darayeey,
Indho deeralayeey.

Salma waxay ahayd gabadh midabkeeda casaanka ahi, sida tiriigga u widhwidhayo, dhinaca ooga haddii aad kor u milicsato waxay ahayd gabadh dheer oo aad qotonkeeda moodo laan hareeri ah oo qummaati u baxday.

Waxay ahayd gabadh dhismaha jidhkeedu kala baxsan yahay oo ay xubin kasta oo jidhkeeda ka mid ahi ay sideeda kuu cajabinayso, haddii ay tahay dhexda dhuuban ee taako qabatayga ah, haddii ay tahay gacmaha jalaqsan ee xaadda leh, haddii ay tahay adimada qotoma ee kubku buuxo, haddii ay sanqoorka dheer ee cawaandiga ah tahay, haddii ay tahay suniyaha isku jooga, haddii ay tahay indhaha balacsan oo aad cadcaddaankooda ku indho daraandarayso timaha jileec iyo madow dhaafay oo labada garab ka kala dhacayaba, waxa ay ahayd mid xubnaha jidhkeeda qurux lagu manaystay.

Salma Aabbaheed, waxa la odhan jiray Abtidoon, hooyadeedna waxa la odhan jiray Ruun, isla markaana Abtidoon wax ubad ah, wuxuu leeyahay Salma oo keliya. Hooyo Ruun markii ay Salma dhashay waxay ahayd 17 jir. Hase-yeeshee hooyo Ruun, waxa jeer dambe heshay taws xun, ka dib markii uu dhinaca bidix kaga dhuftay xannuunka faaliga loo yaqaan, waxayna noqotay bukaan jiif guriga lagu daweeyo. Hooyo Ruun Sacad oo goob dawo ama dakhtar la gaynayo mooyee, inta badan waxay jiiftaa aqalka oo waa dhul yaal.

Sidoo kale Salma Aabbaheed Xaaji Abtidoon, waxa aad u culaysiyey Xannuunka Islaantiisa oo ahayd Marwo uu jecel yahay. Sidaa awgeed Xaaji Abtidoon, waxa mashquuliyey la tacaalidda xaaladda Caafimaad ee ooridiisa Ruun iyo korinta gabadhiisa  curad ee Salma, taas oo keentay inuu Xaaji Abtidoon marna ka shaqeeyo daawaynta iyo duljooga marwadiisa, marna ka shaqeeyo nolosha qoyskiisa.

Salma waxay ahayd gabadh aan mar qudha lagu qaban ama lagu arag meelo joog joog iyo dibed wareeg, waayo marka hore waxay ahayd gabadh akhlaaq wanaag iyo dhawrsanaan shakhsi ah Eebbe ku manaystay, mar labaadkana waxa isu barkaday hawsheeda waxbarasho iyo dhibaatada gurigooda dhextaal.

Salma ma ahayn gabadh dhalanteed ku nool sida gabdho badan caado u ah ee waxay ahayd gabadh si fiican u dareensan dhibta iyo rafaadka qoyskooda  haysta.  Sidaa darteed, marka laga yimaado hawsha guriga ee mar walba badyaal u ah.

Waxaa sugtaa qaybo kale…