Magaca Najaashi waa naanays loo bixin jiray, ciddii boqor ka noqota dawladii Xabashida, sida Fircoonba loogu yeedhi jiray, cidii boqor ka noqota dalka Masar. Wuxuu Boqor Najaashi noolaa xilligii nabigeena Muxamed (SCW), waxaana magaciisa la dhihi jiray, Asxama ibnu Al-abjar. Najaashi aabbihii ayaa ahaa boqor ka taliya dhulka Xabashida, kadibna wasiiradii iyo la taliyayaashii boqorka ayaa dhagar maleegay, oo waxay isku dhaheen; “Boqorku wuxuu leeyahay hal wiil oo kaliya, wiilkaasina waa madi, markaa waa inaan dilnaa boqorka oo aanu isaga badalkiisa boqor ka dhiganaa, walaalkii oo lahaa laba iyo toban wiil”. Dabcan la taliyayaashii boqorka, sidii ayey kaga dhabeeyeen waxayna dileen boqorkii, badalkiisiina waxa yimid walaalkii.
Najaashi xilligaas waxa soo dhoweeyey adeerkii oo xukunka wax badan gacanta u galiyey, kadibna ragii aabihii dilay ayaa cadhooday oo iskuna dhahay haduu boqorku dhinto wuxuu xilka u magacaabayaa wiilkan markaana wuu inaga aar goosanayaa oo wuxuu inoo dilayaa dhiigii aabbihii. Dabadeedna la taliyayaashii ayaa u tagay boqorki kuna dhahay; “Boqorow waa inaad dishaa wiilkan”! Wuxuu yidhi: “Ma intaad aabbihii disheen shalay, ayaad maantana isaga dilaysaan”? Waxay dhaheen: “Haddaad diiday inaad dishid waddanka ka mastaafuri”. Nimankii dilay najaashi aabbihii, ayaa wiilkiina qabtay oo ka iibiyey nin ganacsade ahaa, waxayna siisteen 400 oo dirham, ninkii baana najaashi kaxaystay oo ka yeeshay adoon.
Haddaba ninkii boqorka ka ahaa dhulka xabashida, ayaa mar uu roob da’ayay aqalka dibadda uga baxay, si uu isugu dhigo dhibcaha roobka, kadibna danab (Jac, Ubax) ka yimid xaga cirka ayaa asiibay, sidaas buuna ku dhintay.
Markuu boqorkii dhintay ayaa wasiiradii iyo la taliyayaashii boqorku dooneen inay madax ka dhigaan mid kamid ah laba iyo tobankii wiil ee uu dhalay boqorku, mise laba iyo tobankuba waa doqomo aan hanan karayn xukunka dhulka xabashida.
Dabadeedna ragii taladu ka go’aysay ayaa shiray, waxayna go’aansadeen inay dib u soo celiyaan ninkii najaashi ahaa ee ay adoon ahaan u iibiyeen, wayna soo celiyeen oo waxay ku fadhiisiyeen kursigii boqorka ayagoo madaxana taajkii boqorka u saaray. Ninkii iibsaday najaashi ayaa u yimid boqorkii oo ku dhahay: Boqoroow, waxa niman wasiiradaadu iga iibiyeen wiil adoon ahaa, ayagoo iga qaatay lacag, kadibna wiilkii ayey igala noqdeen, ee lacagtaydii ha i siiyaan ama wiilkii aan iibsaday. Boqorkii Najaashi wuxuu dhahay: “Ninkan haloo celiyo lacagtiisii ama wiilkiisi, maxaa yeelay markuu Ilaahay aniga mulkigaygii ii soo celinayey igamuu qaadanin wax laaluush ah”! La taliyaashii boqorka ayaa bixiyey lacagtii laga qaaday ninkii ganacsadaha ahaa.
Arrintaasi waxay ahayd wixii ugu horeeyey ee ina tusaya cadaaladiisii iyo inaan dadka agtiisa lagu dulmi jirin, dabcana arrintaas waxa uga markhaati kacay Rasuulka (SCW) oo dhahay: “Boqorka Xabashida agtiisa laydinkuma dulminayo”.
Xigasho. Hawraar.net
Taariikhdii Boqorkii Najaashi (RC).
