Maanta oo Arbaca ah, qormadeenu, waa qayb ka mid ah gabaygii dheeraa ee uu Saahid qamaan xaaskiisi ku waaninayay, waana gabay la talinaya gabadh kastaa oo soomaali laga guursado illaa maanta.
• Anoo maqan islaan idin martiyey, niman i aanaystay
• Ha ku odhan Ilaah baa jiree, aabahood ma hayo
• Arli durugsan yey iigu iman, inaad asbaaxowday
• Anigoon ogayn yeyn anfaco, igaga eed sheegan
• Naagaa Ugaaslehe dadkiyo, ururi waayeelka
• Ayaan noolba tii qaylisaa, waa iblays falane
• Irdha qaado aashaana soco, aayar hadalkaaga
• Is ogow afkaagana yasiro, edebi waa doore
• Ul haddii aan kula dhaco adoo, meelo ka ilduufay
• Hana ooyin aaboow ha odhan, hana ugaadhoobin
• Ayaan iyo ayaan naag xun baan, umalka daynayne
• Adoo uubatayn reero kale, yaanay ku ogaanin
• Intaasaan afeef kuu dhigoo, waana kuu idhiye
• Haddii Eebaheey kugu anfici, waa kitaab idile
• Haddii aadan aqbalin waanadaa, lagu ogaysiiyey
• Midkaloo Ilaah kuu idmaba, kalaba eedoownay.