Salma waxay inta badan mashquul ku noqotay xanaanaynta iyo rog-rogida hooyadeed. Sidoo kale Salma waxay ahayd gabadh mar walba u heellan ixtiraamka iyo raali gelinta aabbeheed.
Salma ma ahayn qof asxaab badan, inta badana waxay ahayd qof gooni socod ah, balse taa macnaheedu maaha inay Salma ahayd qof dabeecad xumo iyo qalafsanaan shakhsi ah looga cararay ee waxay ahayd shakhsiyad Illaahay ku manaystay dabeecad wanaagsan oo aadminimo iyo dareen naxariistu dibadda ka joogto.
Hase-yeeshee, marka hore salma duruufta ayaa ka dhigtay gooni socod, marka labaadna xishood iyo dhawrsanaan ay kaga durkayso macaamilka qaarkii iyo waxyaalaha ay dhalinyaro badani xadaaradda u yaqaaniin ayaa gooni socod ka dhigay, laakiin taasi kama xaaraantinimaynayso in asxaabteeda ay u aragto inaanay qalin daarin habdhaqankeeda nololeed iyo sumcadeeda shakhsiga ah.
Inkasta oo ay hooyo ruun tawsi dhul dhigtay, hadalkuna dirqi kaga soo baxayey, haddana waxa dareenkeeda ka soo neefayey kalgacaylkii waalidnimo iyo danayntii hooyanimo, sidaa darteed, markasta oo hadal ka soo baxo, waxay isku deyeysay inay gabadh dhawrsoon oo is ilaalisa ay ahaato.
Subeer, wuxuu ahaa wiil lagu indhokuusho oo ay qoyskoodu aad u daneeyaan, sidaa darteed marka laga yimaado danaynta waalidkii uu u hayo, Subeer wuxuu ahaa wiil ay laba hablood oo walaalihiis ahi keligii ku dhaataan, ka dibna ay ka shaqeeyaan dhar maydhkiisa iyo baahiyihiisa kale, wuxu ahaa wiil loo koolkooliyo si aan la arrag iyadoo badanaaba uu la wadaago xannaanaynta wiil madiya oo reerkoodu keligii leeyihiin. Sidoo kalena, Subeer aabihii iyo hooyadii markii ay isku dhaleen saddexdaa ubada wax dambe isuma ay yeelan, carruurtooduna wakhtigan waxa ay noqdeen qaar aan uga baahnayn koriinsho oo mid waliba geestiisa ayuu masuul u yahay waxaanay dhameeyeen dugsiga sare, goortan waxay diyaar u yihiin haddii ay helaan in ay waxbarasho dibadeed galaan, waxaana inta badan ku fekerta hanna oo ah gabadha ku xigta Subeer oo iyadu ah dadka aad u jecel waxbarashada halka Subeer uu aabihii uga yahay gacan yare hawlihiisa ganacsiga, waxaanay inta badan waalidkii Subeer ku guubaanin jireen in uu guursado si raasku u noqdo mid balaadhan iyaguna u arkaan ilmo uu dhalay inankoodu.
Haddaba, maalin maalmaha kamida ayaa waxa kulmay Subeer iyo aabihii Dhamal, waxaana dhex martay sheekadan:
Dhamal: aabo Subeer, waxan u malaynayaa in aad gaadhay wakhtigii aad reerkan ku soo kordhin lahayd reer labaad waayo waad ogtahay waxaynu nahay raas iska dad yar mana rabo in ay tafiirteenu noqoto mid kooban, Ilaahay baa hayee isla markaa aabo waxan ku tashaday in aad sida ugu dhakhsaha badan ugu geed fadhiisato gabadh gayaankaaga ah haddana waxa ila noqon wayday inaan kaliday talada goosto, waxaanan doorbiday in aan kaala tashado, haddaba bal ka waran arrintan.
Subeer: “Aabo waa talo wanaagsan, aniguna waan aqbalay, balse sidaad adiguba sheegtay wakhtiga aynu marayno iyo waayaha maanta jira aad ayay u adag tahay in la isku keeno wiil iyo gabadh aan hore isu arag waxaanay inta badan keentaa arrintaasi in reerkaasi noqdo mid si dhib yar ku burbura, markaa aabbo haddii taladii xagiina ka soo dhammaatay aniguna aan u ahaa diyaar walow aanay wakhtigan jirin gabadh ii diyaar ahi haddana kuma rajo xumi in aan heli doono middii dookhayga noqon lahayd.
Dhamal waa oday aad u furfuran oo ka mida waalidada fara ku tiriska ah ee ubadkooda la saaxiibka ah, run ahaantiina jecel in ay noqdaan kuwo dhigood iyo ku xigoodaba dhaafa uma arag hadalka inankiisa mid deelqaaf ku ah ama ka hor imanaya balse wuxu u qaatay in uu yahay mid isagu marka horeba uu ka filayay, maadaama aan wakhtigan da’yarta la isku keenin waxaanu ku yidhi: ‘Aabo waan ogahay oo way fiican tahay, aadna way u qurux badan tahay in aad soo xulato middii nolosha kula qaybsan lahayd, sababtoo ah waxaynu nahay dad talo wadaag leh ee ha moodin in arrinkaygu yahay mid bir lagu gooyay waxase i dhibaysa in aad i sii agjoogto adiga oon oori lahayn, kuma necbi oo ifka adaan kuu jeclahay haddana hadu (Geeridu) waa mid ina garab taagan goor ay imana Allaa og arrintanina waa mid aniga masuuliyadeedu si gaara ii saaran tahay ee aabo waxan kaa codsanayaa in aad sida ugu dhakhsaha badan iigu soo war celiso.
Intaa dabadeed Subeer iyo aabbihii waxay ku kala imanayaan ballan adag.
Haddaba bal aynu eegno sida uu uga soo baxo Subeer ballantii uu la galay aabbihii iyo waxa uu hayo, illeen waa inan raggee show beryahaaba waxa uu dusha ka eeganayay oo aanu marnaba daymadeeda dhaafin gabadh ay jaar yihiin oo soo marta halka uu ku yaalo dukaanka ay leeyihiin Subeeriyo.
Sidaa darteed, waxa Subeer caado u noqotay inuu saacadaha ay ku soo beegan tahay jidka uu u diyaar garoobo, taas oo uu isa soo taagi jiray goob uu si fiican uga daalacan karo araggeeda.
Intaa waxa u dheeraatay taladii waalidkii ee ahayd in uu guursado waxaana xaalkiisu noqday “meel aan rabay roob ma igu eryay”, wakhtigana wiilka Subeer wuxu diyaar u yahay ama uu isku diyaariyaa sidii uu gabadhaasi ugu sheegan lahaa xaladiisa mustaqbal oo markaas isagu uu ka rabo in ay u noqoto oori.
Haddaba, Subeer ma aha wiil aad ugu dhow dhow xaga dumarka waxaanu ka mid yahay dhalinyarada looga faro dhuudhuubanyahay la sheekaysiga hablaha, hadda ma aha wiil dabeecad xun ama dad la dhaqankiisu uu hooseeyo, balse wuxu inta badan ku hawlan yahay hawlaha ganacsi ee reerkooda oo waabay yar tahay inta uu firaaqo yeeshaa. Laakiin haddeer la isku soo korodh, xaalku maaha sidii hore, wakhtiguna waa is beddelay waxaana gashay hawo guur oo weliba laga dhur sugayo in uu si dhakhso ah u soo xero geliyo gabadhii uu la dhisi lahaa guriga cusub iyadoo ay sidaa tahay haddana meesha kama maqna in uu waxoogaa baqdin ahi ku jirto Subeer waayo way ku adag tahay badiyaaba dhalinyarada Subeer oo kale ah in ay si dhib yar ugu dhiibaan ama ugu gudbiyaan doonitaankooda gabadha ay wakhtigaasi la wadaagayaan sheekada, haddana waxa hore loo yidhi ”dani waa seeto” oo wuu ku khasban yahay in uu u sheego si kastaba ha ugu sheegtee waxa ku soo kordhay muddadan dambe.
Subeer, marwalba wuxuu ku fekeri jiray ama naftiisa ku guubaabin jiray in uu u sheegto Salma jaceylkiisa. balse yaa siinaya wadnaha uu kula dhacayo!
Subeer, wuxuu gaaf wareego oo uu hadba geed iyo koone isa soo taagaba ku dhici waa iska daa jaceyl uu uga waramo’e, xataa wuxuu kari waayaye inuu yidhaahdo “nabad ma sheegtay”.
Runtii, marka aad aragto suuradda iyo sansaanka dhaqan ee Salma nin kastaaba waa ka maagi lahaa la hadalkeeda, waayo waxay ahayd gabadh boqol lagala baxo, isla markaana goorta la arkaba gooni socod ah, afkeeduna xidhan yahay, inta badan oo aan hadal badani ka soo baxin. Sidaa darteed, nin waliba wuxuu is odhanayaa “waar malaha tani waa mid kibirtay oo uu inan ragba ka waashay oo loo geli waayey ee lafahaaga ha u dhiman”.
Ninkii Subeer feker iyo culays adduun baa ku sii batay, wuxuuna noqday nin talo ku cadaatay, waayo habeen walba siduu u gal galanayo ee isu leeyahay Salma waa inaad aroorta u sheegto arrintaada ayaa waagu ku baryaa, haddana markuu arageedu u muuqdo ayay xiniinyuhu rooraan oo uu waxba kula dhici waayaa. Sidoo kalena reerkooda waxa ka haysta culays badan, waayo waxa laga sugayaa talo ilayn waa tii uu yidhi iga war suga’e, dabadeed, ninkii Subeer oo ay talo adduun ku cadahay oo is leh talow maxaad yeeshaa, ayaa maalintii dambe goor galab ah, waxa dukaankii ugu soo gashay gabadhii Salma oo alaab doonaysa, xiligaasi waxa uu ahaa xili ay sanqadha iyo cagta dadku aad u yar tahay waayo roob baa da’ay welina sii tiixaya, isla markaana badhtamaha iyo hareeraha wadooyinka waxa maraya biyo daad ah oo roobkii da’ay ka kacay.
Ta kale Subeer dukaanka keligii buu joogay markaa, sidaa darteed goortaasi waxay ahayd, waqtigii uu ugu firaaqo iyo fursad badnaa ee ay meel cidlo ah, isugu soo galaan isaga iyo Salma.
Subeer, isaga oo aad u dhoola cadaynaya, sina wadnuhu u ruxmayo, ayuu si macaan u yidhi: “Salma waa ku salaamay bal iska waran”.
Salma intay si kooban u tidhi: “waa lagaa qaaday”, ayey waydiisay wixii ay dukaanka uga baahnayd, hase yeeshee Subeer mar hore ayuu hawada ka baxay waxayna maskaxdiisa ku maqan tahay sidii uu Salma ula hadli lahaa, dabadeedna markuu alaabtii ay dukaanka uga baahnayd miiska u soo saaray ayuu isaga oo naxsan oo wadnuhu gariirayo ku tiraabay “walaal, waan kuu baahnaa ee iga raali ahaw, iina ogolaw inaad waxyar I dhegaysato”.
Salma waqtigaa diyaar uma ahayn sheeko iyo hadal midna, waqtiguna wuu ku yaraa oo way deg-degsanayd, balse waxay ahayd gabadh deggan, dareenkeeduna naxariis la tiicayo, sidaa awgeed, inkasta oo ay soo qadintay inaanay waqti haysan, haddana kama diidin hadalka Subeer ee uu sida edebta leh u yidhi, waxayna tidhi “Walaal maxaad iiga baahan tahay”.
Subeer, inta ay neefi ka soo booday ayuu si boobsiis ah u yidhi: “walaal, ma rabo inaan hadda halkan wax kasta oon u baahnahay kuugu sheego, laakiin waxaan kaaga baahanahay inaad i siiso waqti kale oo aan si wanaagsan kuugu sharaxo wax kasta oo jira, adoo raalli ah”.
Salma inta uu Subeer hadlayo waxay eegaysaa dareenkiisa iyo naxwaha ay xanbaarsan yihiin weedhaha ka soo burqanayaa ka dibna markuu hadalkii ka baxay ayey gabadhii Salma si kooban u tidhi: “berri mooyeen saadambe marka aan iskuulka ka imaado ayaan ku soo marayaa, insha Allah”, intaa ka dibna way ka baxday dukaankii, iyadoo aanay hadal dambe isdhaafsan.
Subeer, galabtaa waxa dareenkiisa biyo dhigay farxad iyo raynrayn, wuxuuna naftiisa u sheegay inuu guul weyn gaadhay, taas oo uu isku qanciyey inuu yahay nin soo taabtay himiladii uu hiigsanayey ee ahayd helista iyo hanashada Salma, laakiin sheekadu ma aha sida uu Subeer, naftiisa u sheegay waayo waxa meesha ka dhacay waxay ahaayeen labo weedhood oo si kooban la isu dhaafsaday natiijaduna waxay ahayd ballan oo keliya balse kuma koobnayn fekerka Subeer oo keliya ee wuxu ahaa mid dhinaca kale ku mudan Salma lafteeda waayo waxa ay qaaday ballan taasoo ay u sheegtay in ay u iman doonto maalin kadib wiil aanay hore isku arag walow ay dhalinyarada dhaqan u tahay ballanta iyo isku imaatinka, haddana Salma waxay u ahayd wakhtigii u horeeyay ee ay la ballanto wiil dhigeeda ah, taasi iyo iyada oo og ballantu waxay tahay ayaa aad uga wareeriyay maskaxdeeda run ahaantiina gurigooda oo ay markaa ku sugnayd hooyadeed waxa aad moodaysay Salma in ay ku soo kordheen wax aad u wayn.
Waxay laba boglayso oo ay hadba dhinac isku rogto habeenimadii waxa ay baadho oo ay ka fekerto waxa ay kula ballantay wiilkan waxay qaadatay go’aan ah in ay kollay tahay gabadh filaysana in waxyaalo farabadani ay kaga yimaadaan dhinaca wiilka balse waxaanay meesha soo dhigan Salmi waxa ay ahayd waxa uu dareemayo Subeer oo ah jaceyl waxayse ka fekertay oo in badan ay rog-rogtay iyada oo aan dhinacyo badan ka eegin, in aan xaalka Subeer dhaafsiisnayn barasho guud maadaama ay ahaayeen dad in badan jiiraana balse aan dul ahaan mooye si kale isu aqoon.
Waxa xaalku sidaa ahaado oo mid waliba dhinaciisa u qaato wixii maskaxdiisa ku jiray ayaa waxa la gaadhay maalintii ballanta iyo goobtii la isugu imanayay, waxa isagu goorahanba taagnaa oo dhinacyada jeedaalinayay Subeer oo ka soo horreeyay muddo soddon daqiiqo ah, waxa in yar dabadeed sheeda uga muuqday muuqaal qurux badan oo run ahaantii ka dhex mudhay intii dumar markaasi ku sugnayd waddada ay ka soo baxday waa Salma oo kollay lama muuq aha lamana midab aha inta dumar agteeda ah, Subeerna si weyn buu u yaqaanaa socodkeeda maadaama oo uu in badan dusha kaga gaaf wareegayay isaga oo aan u sheeganin dhibaatadiisa. Waxba kuma seegana muuqaalka guud iyo haybada gaar ee Ilaahay ku manaysay gabadhan da’da yar.
Waxay soo laafyootaba in cabaara dabadeed waxay ag timid oo ay dhinaca kale ka soo istaagtay geedkii ay ku ballan sanaayeen iyada iyo subeer ka dibna bariido qurux badan inta ay is dhaafsadeen ayey goobtii ay isku salaameen uga wada dhaqaaqeen jihada bari oo ah halkii ay markii hore u socotay Salma, sidii aynu horeba u soo sheegnay Subeer waa wiil aftahan ah, balse cabaar dhan ayaan wax hadal ahi ka soo bixin, waayo dareenkiisa ayaa tashi ku maqnaa, isaga oo is waydiinayey, halkii uu arrintaa ka geli lahaa iyo wixii uu Salma ku odhan lahaa balse wuxuu ciftaba markii dambe ayuu si dareen leh oo ay gacaltooyo badani ka muuqato u yidhi: “walaal arrinkaan kuu doonayey anigoo kuu sheegi doona horta aan si fiican isugu kaa sheego ilayn dukaanka ayuun baad igu aragtaye, aqoon kaleba waxaa laga yaabaa inaadan ii lahayne”.
Salma oo in badan ka dhur sugaysay waxa ka soo yeedhi doona afka wiilka ay maanta iskugu horrayso ayaa ugu hal celisay: “waayahay walaal”, intaa ka dibna Subeer wuxuu faallo kooban ka bixiyey sooyaalkiisii taariikheed iyo qoyska uu ka soo jeedo. Subeer, markii uu dhameeyey iska warrankiisii ayuu hadalkiisa ku daray, “walaal adigana waan ku aqaan inaad ina Xaaji Abtidoon tahay, hooyana waan ogahay inay xanuunsanayso oo ay muddaba dhulyaal ahayd”. illeen waa nin in badan soo haybshay oo ka hor iyo daba wareegay halka ay ka soo jeedo gabadha uu hankiisa guudka ugala baxay Isagoo hadalkiisii sii wata, wuxu yidhi “Salmaay, maanta waxaan doonayaa inaan kuu sheego arrin aan ugub ahayn oo weligeedba lays odhan jiray, aniga oo rajaynaya inaad iga ajiibi doonto ama iga aqbali doonto”.
Subeer markii uu hadalka halkaa marrinayey ayuu waxoogaa yara aamusay, sidii wax hadalku ka soo bixi waayey, sidii ruux tash qabsaday oo kale, balse markii dambe ayuu si dareen leh u yidhi “walaal haddii aan hadalka soo koobo, horta hoo warqadan, waxaanan kuu sheegayaa inaan ku jecelahay, isla markaana waxaan kaa doonayaa inaad wax ila qabato.”
Warqadani waxay ahayd mid uu muddadii ay kala maqnaayeen uu qoray waxaanu ku qoray wixii uurkiisa ku jiray waayo waxa inta badan dhacda in aan wiilka dhalinyarada ah ama gabadha dhalinyarta ahiba ayna ku dhiiran in ay si toos ah ama foolka fool ah ugu sheegan qofka marka arrimahan oo kale ay dhacaan inkastoo aanu Subeer waxba ka qarrin oo kelmadii dulucda hadalka ahayd uu horteeda ka sheegay haddana faah faahinta iyo xog waranka xaaladiisa wuxu ku gudbiyay qoraalka quruxda badan ee uu siiyay Salma, waxay ku jirtaa warqadu gal aad u qurux badan oo badiyaa aan wakhtigaa oolin halka ay deggan yihiin.
Salma way ka qabatay warqadii, waxayna iyadoo warqadii gacanta ku haysa waydiisay Subeer, waxa warqadda ku qoran, ka dibna wuxuu u sheegay inay ka hadlayso ujeeddada uu u soo bandhigay oo faahfaahsan.
Intaa dabadeed,,,