Caku iyo Cakuye, tudacyo gabay (Qamaan Bulxan)

Waa qayb ka mid ah gabaygii (Caku iyo cakuye) ee Qamaan bulxan, tuducyadan waxaan u soo qaatay, waa kuwo digaya oo markastaa dadka wax u sheegaya, tusaale ahaan; waa gabay aad u faahfaahinaya ood mooddo in uu khuseeya maahmaahdii waynayd ee la dhihi jiray; “Bakayle intuu bur ku jiruu bur kale daydaa”, si kastoo loo badhaadhaysan yahay waa gabay inagu baraarujinaya inaan la is kala daadsan ee la feejignaado markastaa.

Waa caamo nimankaan ogayn, Ceeg markaan tagaye
Iyagoo cayilay bay arkeen, Ciidan laasime
Casar galay cishiyo fiid dagaal, rag isku caatoobay
Ciriid kulul cagaag iyo rasaas, carar la baynuuno
Ciwal gibin ah oo loo xishiyo, caafimaad ma lehe
Cuudkoo yaraadiyo dhulkaa, soo cidhiidhyamiye
Wax cibaaradaa lagu arkaa, caawa saan nahaye

Cirkoon roob ka wayniyo abaar baa, camiri Faafe
Cawskiyo biyahanaa engagi, ceelka doogsamaye
Intaad caano iyo wiil tahaa, lala cabsoodaaye
Wax calaacal kuma yaal haddii, caydh lagaa dhigo’e
Cadaabkii ma iibsado nimaan, Caadilkii badine
Caku iyo cakuye sow ma nicin, caasi iyo eersi
Casha noolba saw cadho horliyo, cudurti ii maaha…