Intaa dabadeed Salma ayaa waxay tidhi: “warqadda waan soo akhriyayaa, ka dibna berito hadaa ayaan jawaabta kuu soo celinayaa, waanan ka soo fekeri doonaa bal sida aan ka yeelayo arrinta aad ii soo bandhigtay”.
Subeer hoosta ayuu uga riyaaqay weedhaha Salma, wuxuuna si farxadi ka muuqato ku yidhi:, “waayahay wallaal” isagoo ku ladhay “waad mahadsan tahay”.
Ma jirto meel fadhiisi iyo dood dheer midna, hadalkana taagni ayaa la isku dhaafsaday, waayo duruufta ayaan u saamaxayn, Salmana waxay ka werwersan tahay hooyadeed oo aanay waqti badan ka maqnaan karayn ka dibna degdeg ayaa loo kala dhaqaaqay markii intaa la si dhaafday.
Salma markii ay Subeer ka dhaqaaqday gurigii bay si dhakhso ah ugu noqotay oo meelo kale kuma leex leexan, ka dibna islaantii hooyadeed ayey cabaar ku foorarsatay, oo ay u qabatay waxoogaa hawlo ah, intaa dabadeed ileen waxa ay sidataa warqad aanay ogayn waxa ku qoran oo ay rabto in ay ogaato iyada oo aan marnaba ilawsanayn daryeelka waalidnimo iyo xannaanaynta aadka ah ee ay u waday hooyadeed way u dhammaystirtay wixii hawl ah ee ay u qaban jirtay wakhtigan oo kale hooyo Ruun.
Markii ay ka soo jeedsatay hooyadeed ayay intay meel gooniya yara fadhiisatay warqadii furtay, una faadhumaysatay akhriskeeda. Tolow maxaa kaaga soo bixi doona, maxayse ku bilaabmayaan sadarada qoraalka warqadda u horeeyaa?
Balse inaga oo aan warqadda akhriyin hadii aynu is nidhaahno sii sheega ereyada uu qoraaka warqaddu ku bilaabmayo, taasi waxay ila tahay waa arrin dadka badidiisu aanu sii malayn karayn, mooyi qolyaha jaceylku soo maray ama hayaa inay inaga yaqaanaan weedhaha lagu aftaxo qoraalka waraaq dareen jaceyl xanbaarsan oo la isu dirayo!, basle intaynu doodda su’aasha u yara kaadsano bal aynu eegno weedhaha uu Subeer ku bilaabay warqaddii uu Salma gacanta ka saaray, wuxuuna ku bilaabay qoraalka warqaddaa sidan:
Ku Salma: Ka Subeer:
“Inkastooy sideedaba,
safar tahay adduunyadu,
lagu sugayo geerida,
saaka waan ka noolahay,
adna saatirkaan sidoo kale
samo inaad ku waartoo,
ku samaato baro wacan,
heedhe kuu su’aalee
seyidaay salaan wacan,
sidriga iyo laabtaan
sooryo kaaga soo diray,
ee sow ma fiicnid adiguna
“Intaa ka dib Salmaay, waxaan filayaa inaad ogtahay, haddii aad ogtahayna aanad dafiri karrin jiritaanka shayga ama waxaa loo yaqaan cishqiga balse haddii aan is idhaahdo tafsiir kooban ka bixi jaceylku waxa uu yahay waxaan shakhsiyan ku micnayn karaa inuu yahay rabitaan qoto fog oo ku beerma qalbiga iyo nudaha dareenka ee qofka aadamaha ah, ka dibna qofka wax jeceli waxaa uu ku sugnaadaa had iyo goor boholyow iyo baahi nafsaaniya oo uu u qabo qofka uu jecelyahay.”
Markaa sidaa darteed, gacaliso waxaan shaki igaga jirin inuu naftayda haleelay dareen caashaq oo aan sahlanayn, waxaanse kuu sheegayaa qofka aan jecelahay inuu adiga yahay, xanuunka cishqigu inuu i asiibayna waxaan ku xaqiiqsaday, arimahan.
Sida aan ku sheeko qaatay ama warka ku hayo xanuunka ama dareenka jaceylku wuxuu leeyahay ama maraa toddoba wadiiqo.
Toddobadaa wadiiqo midkastaa waa toddoba taako oo ay taako kastaa dherersan tahay toddoba talaabo waana sidan:
-Eegmo aan la hilmaamin ama kugu reebta xusuus soo noq noqota oo xiiso leh.
-Qosol ilko caddays ah iyo weji furan, oo marba marka ka dambaysa ku sii dhowaada dunida farxadda iyo rabitaanka qofka, kuguna khasba inaadan qofka aad jeceshahay ka ag fogaan.
-Bariido niyadsami xanbaarsan iyo dareen soo dhowayntu ku badan tahay oo aad qofka ku qaabisho had iyo goor.
-Afti murtiyeysan iyo hadal meel mar ah oo qofka had iyo jeer weedhihiisa loo qushuuco, qofkana soo jiita marka aad rabitaankaaga u bandhigayso.
Oofinta ballanka qofku ma ilaawo, haddii uu ruuxa kale noqdo qof marwalba oofiya ballanta waxaa qofka ballanta ilaaliya lagu tilmaamaa inuu yahay qof xataa lagu aamini karo nafta aadamaha.
Gacaliso, labada wadiiqo ee hadhay waxaan kaga soo sheegi doonaa waraaqaha dambe, balse gacaliso, waxaas oo tusaale ah, ujeedada aan uga socdaa waxay tahay in aan kuu sheego wax aan anigu dareemi karo ama uu ogaan karo qof wax jecel, haddaan kuu cadeeyana, Gacaliso waan ku jecelahay Waxanan rabaa in aad noqoto midii ila wadaagi lahayd nolosha. Gacalo, ha ila yaabin hana u qaadan waayin hana u arkin hadaladayda qaar ah mala awaal ama wax si dhib yar aan u idhi balse run ahaantii muddo badan ayaad ku jirtay qalbigayga oo aad ugu milantay sida barafku ugu milmo cadceeda waxad tahay qofka keliya ama mida keliya ee aan odhan karo ama aan idhi waa midii oori kuu noqon layd.
Salma waan ogahay oo kollay in badan ayaad ku dul fekeri doontaa qoraalkagya waxanse si naxariis leh kaaga codsanayaa in aad ku eegto il gacaltooyo qoraalka warqada taasoo aan filayo in aad iigu soo jawaabi doonto sida ugu quruxda badan.”
Waxay warqadani wax weyn ka beddeshay dareenka iyo mawqifka nafsaaniga ah ee Salma. Illaa labo saddex goor ayey Salma ku noq noqotay akhriska waraaqdii Subeer, waxaana dareenkeeda ku soo kordhay culays weyn, waxayna hal cabbaar ah noqotay qof dheygagsan oo meel gooni ah yuururta, balse markii dambe ayey intay warqadii iska laabtay hawshii guriga ku dhaqaaqday.
Subeer ilaa markii ay Salma kala tageen oo uu warqada gacanta ka saaray, waxa ku taagan kodol, wuxuuna isweydiinayey tolow, maxay yeeli doontaa?,
“Armay gaashaanka kugu dhufataa oo ay meesha wadhi kaa raacdaa” ayuu Subeer hoostaa ka lahaa.
Subeer muddadii uu sugayey jawaabta waxa u dhammaaday werwer iyo feker adduunyo, wuxu galay xaalad aamusnaan ah, waxaana naftiisa la soo dersay cidhiidhi iyo culays badan, taas oo keentay inuu cuntadii cuni waayo oo uu galo xaalad cunto ka soomid ah.
Subeer, inkasta oo uu iswaydiinayey, tolow go’aanka Salma muxuu noqon doonaa, haddana waxa meesha taal go’aanka ay qaadatay gabadhii Salma ka dib markii ay warqada akhriday iyo siday u aragtay dhambaalkii jaceylka ee uu soo diray Subeer.
Iyadooy sidaa tahay oo uu weli ka wareersan yahay Subeer waxa uu noqon doono go’aanku, ayaa waxa u yeedhaya odaygii u aabaha ahaa kuna war galinaya in ay isku raaci doonaan dalka Sacuudi Arabiya laba maalmood kadib halkaas oo ay ka soo iibin doonaan allaabooyin ganacsi oo la xidhiidha ama kamida kuwa uu ka ganacsado aabihii.
Sidaa awgeed, Subeer, wuxu aabbihii u sheegay inuu maanta soo diyaar garoobo oo soo hagaajisto baasaboor iyo wixii kale ee ka dhiman, isla gelinka dambena ay u fadhiisan doonaan xisaabta dukaanka, si ay cid kale ugu wareejiyaan.
Waqtiga uu Subeer aabbihii la ballamay waa waqtigii uu sugayey Salma, ka dibna talo adduun ayaa ku cadaatay, waayo aabbihiina ma diidi karo, Salmana uma goyn karo, taasina waxay ku noqotay labo daran mid dooro.
Subeer, aabbihii aad buu u ixtiraami jiray weligiina hadal kumuu soo celin, sidoo kale odayguna aad buu u jeclaa wiilkiisa, Subeerna ma oggolaan jirin inuu mar qudha agtiisa ka waayo maadaama uu yahay madigii keliya ee uu wax rag ah dhalay.
Waxa soo dhowaaday waqtigii ballanta, xaaladii Subeerna waxay noqotay Allaw sahal.
Salma waxay u soo baxday dhinaca Iskuulka oo ay ka maqneyd muddo laba saacaddood ah, qorshaheeduna waxa weeye in ay soo marto marka ay iskuulka ka soo gadoonto.
Salma mar hore ayey gaadhay go’aanka ay Subeer siin lahayd, balse iyadu sidii Subeer warqad kumay soo qorin ee laabta iyo maskaxda ayey ku sidataa, waxayna doonaysaa inay ugu dhiijiso, iyaga oo is hor jooga oo ay afkeeda isticmaasho, balse Subeer wax war ah ma haysto, mana oga waxa ay Salma la soo guuxayso.
Waxay socotaba saacadu waxay soo gaadhay 5:15 daqiiqo ee galabnimo, taas oo ay waqtigii ballanta ka hadhay 15 daqiiqo oo qudhi, balse Subeer iyo aabbihii waxay dhax fadhiyaan dukaanka, waxayna badhtanka kaga jiraan xisaabtii.
Subeer oo xaaladu ka qasnayd oo tiroba laba goor khalday xisaabtii, ileyn waa nin ay maskaxdiisa meel kale ku maqan tahaye, odaygii dhamal ee Subeer aabbihiina waa yaaban yahay oo wuxu leeyahay tolow wiilkii maxaa galabta helay, sidan muu ahaan jirine.
Waxay arrini socotaba, markii dambe ayuu Subeer intuu mar qudha istaagay ayuu yidhi: “Aabbo meel dhow baan ilaa 20 daqiiqo kaga soo noqonayaaye isii yara sug, furaha gaadhigana ii yara dhiib”
Odaygii, goorahanba wuu yaabana, wuuna arkaa inay wiilkii wax si ka yihiin, balse furihii gaadhiga ayuu u dhiibay, wuxuuna ku yidhi, “Aabbo galabta shakibaad leedahaye gaadhigana ilaali, soona dhakhso,”
balse Subeer ma haleelin inuu odayga u jawaabo, ka dibna intuu furihii gaadhiga degdeg odayga uga qaaday ayuu gaadhigii degdeg furaha ugu rogay, wuxuna afka saaray goobtii ballanta, cabbaar markii uu taagnaa ayay Salma u timid, kadibna waxa la is dhaafsaday salaan xiiso iyo kalgacaltooyo ka muuqato, hase yeeshee markii ay isa salaameen waxa dhacday in ay qadar hal miridh gaadhaya kala aamusnaadaan sidii wax midba gooni shoog u qabsaday dabadeed Subeer ayaa ku tiraabay: “Salmaay waxay ila tahay adiga ayuu ahaa qofka ay arrintu xaggiisa jirtaa ee jawaabta laga sugayaa sidaa awgeed gacaliso soo daa wixii aad inoogu talisay.”
Subeer maskaxdiisu aad ayay u shaqaynaysaa wuxuuna is leeyahay tolow maxaa kaaga iman doona waxaana haysta walwal badan.
Salma iyadu hore ayay go’aan meel u soo dhigatay oo waa ay haysataa jawaabtii laakiin markiiba afka may kala qaadin ee cabaar ayay hoos u yara foorarstay muddadaasi waxay ahayd qadar ka yar miridh badhkii balse Subeer waxay ku sii siyaadisay culays badan wuxu hoosta ka leeyahay (malaha dayro ayey kuu sidaa waa tan hoos u foorarsatee) dareenkiisa waxa ka muuqata firka nax iyo walbaahar saa’id ah.
Salma intay qoorta kor ula soo yara kacday oo ay dhoola caddaysay ayay si degan u tidhi: “waa runtaa oo arrintu aniga ayay ila jirtay oo jawaab ayaa la iga sugayay warqadiina waan akhristay si fiicana waan u fahmay ujeedadii ay xambaarsanayd sidaa awgeed arrintii aad jawaabteeda iga sugaysay markaan dhinac walba ka eegay waan kula qaatay, laakiin waxan ka war sugayaa sida ay arrintaasi kaaga dhab tahay iyo sida aad uga soo baxdo axdigaa.”
Subeer waxa ka go’day falaadh kaga taagnayd garka wadnaha waxaana ka soo booday bahal neef ah kadibna wuxu ku tiraabay “wallaal aad baad u mahadsan tahay aniguna waan ka soo baxayaa waajibkayga” intaa kadib Subeer waxa uu yidhi: “gacaliso, ina wadi aan ku yara sii dhaweeyee dabadeedna way dhaqaaqeen, wadada ay sii marayaan waxa taagan odaygii Dhamal ee Subeer aabihii oo raagsaday wiilkiisa Subeer oo leh “Waar tolow xagee buu wiilkii ku raagay”, haseyeeshee Subeer waxba ma arko oo wuxu ku mashquulsan yahay gabadhii Salma oo uu waxoogaa ballan ah ka sii yara gaadhsiinayo wuxuna leeyahay: “wallaal Salmaay beri oo qudha ayaan magaalada joogaa waxaanana maqnaan doonaa ilaa labaatan cisho waayo odayga aabahay ah ayaan isku raacaynaa Sacuudiga oo aanu alaabo ka soo iibinaynaa kadibna waanu soo noqonaynaa markaa gacaliso nooli kulantee.”
Salma inkasta oo aanay warkaa ku farxin haddana jawaab diidmo ah kama ay bixin waxayna tidhi: “waayahay waan kaa war sugayaa Ilaahayna ha ku soo nabad celiyo.”
Subeer oo ka wer wersan odayga aabihii ee sugaya ayaa yidhi: “Wallaal odaygii aabahay ah ayaa I sugayee maca salaama” kadiba way kala dhaqaaqeen. Subeer isma laha odaygu wuu ku arkayay balse odaygu si fiican ayuu ula socday dhaqdhaqaaqa Subeer iyo inay gabadh isku maran yihiin.
Subeer intuu gaadhiga baakinka dhigay ayuu dukaanka degdeg u soo galay kadibna odaygii ayaa ku yidhi: “Aabo maxaa kugu dhacay laba saacadood ayaad Iga maqnayd labaatan daqiiqo inaad iga maqnaatana waanu isku ogayn.”
Subeerna wuxu ku jawaabay “Aabo waxan tagay gurigeenii oo aan waraaqo ka soo qaatay.”
Odaygii dhamal ayaa isna ku jawaabay: “Aabo waraaquhu ma waxay ahaayeen gabadhii shirka gaadhiga kuu saarnayd.”
Subeer intuu naxay ayuu xaggaa u sii jeedsaday oo hoos u foorarsaday balse intaanu wax hadal ahi ka soo bixin ayuu odaygii ku celiyay “aabo miyaanan mar hore kugu odhan waxba ha iga qarrin, ta kale miyaynaan isku ogeyn in aad guursato oo aanad igu odhan iga war suga, maxaa dhacay ma wixii aanu isku ogeyn wax ka duwan ayaad wadaa.”
Oday Dhamal sheekadii wuu sii waday, wuxuuna yidhi: “aabe Subeerow, wiil yar baad tahaye, geel labo jir soo wada mar, markaa ma aha inaad iga qariso waxaan kula fahmayo, hadhawna aan iga qarsoomayn.
Dhamal hadalkii ayuu ku sii dheeraaday, wuxuuna ku celceliyay Subeer in aanu waxba ka qarsan ee uu u sheego wax kasta oo la soo dersa, Subeerna intuu xishood iyo ixtiraam dartii gorodda hoos u laalaadiyey ayuu hayedaa guray.
Dhamal, wuxuu marba wiilkiisa Subeer ku tuuraa hadal yar oo sidii kaftan ah, laakiin duurxul ah waxaana ka mid ah, hadaladii uu hoosta uga dhiibayey, “Aabo gabadhu tuma ayey ahayd, waa ina ayo, xagee bay degan tahay IWM.”
Subeer oo uu xishood badani ka muuqdo balse waxoogaa sidii hore soo yara dhaamaya maadaama aanu aabihii waxba la diidanayn ayaa isaga oo hoos u foorara wuxuu yidhi; ”Aabe gabadha Salma ayaa la yidhaahdaa, waana xaafadan jaarkeena, waxaana dhalay odayga Abtidoon.”
Dhamal, hadal dambe oo badan uma noqon. Wuxuuna intuu madaxa yara ruxay ku tiraabay “Waan gartay” Dhamal, wuu ka gaws qabsaday arrinta, kumana qancin gabadha aabaheed iyo qoyska uu wiilkiisu gabadha ka soo xushay, laakiin, wiilkiisa madiga ah ee uu jecel yahay ma tusayo dareen diidmo ah iyo wax niyad jab ku rida toona, hadalkiina halkaa ayey ku hakiyeen, dabadeedna Subeer iyo aabihii waxay ku kala foofeen wixii hawlo ah, ee ka dhimanaa, maadaama ay beri wixii ka dambeeya safar gelayaan, wayna kala dhaqaaqeen.
Subeer habeenkii oo dhan hurdo fiican ma ledin, wuxuuna ka fekerayey xaalada jacayl ee ka aloosantay dareenkiisa iyo mustaqbalkiisa nololeed, isla markaana wuxu ka gam’I waayey xusuusta soo noqnoqonaysa ee Salma.
Dhinaca kale Salma lafteedu waxay wehel ka dhigatay warqadii farriinta dahabka ah xambaarsanayd ee Subeer ugu dhigay waayihiisa jaceyl…