Hibadu waa haybad qarsoon oo shaqsiga ku abuuran, run ahaantii waa siraha qarsoon ee in la muujiyo u baahan. Sidee lagu muujin karaa hibada? Waxaa si degdeg ah u soo muujiya barashada cilmiga iyo caqligaada oo iskaashaday. Waxaa kale oo soo muujin kara adigoo isla kaashada caqligaada iyo xishoodka. Aqliga iyo xishoodkaada ood adeegsataa, waxaa ku hagaagaya in aad muujiso edab iyo degganaan dabeecadeed, taasi oo mararka qaar aad kula tartami karto qof wax bartay.
Tusaale yar
Maalin maalmaha ka mid ah, ayaa waxaa dhacday arrin la yaableh oo inoo muujinaysa haybadda ama hibada waxa ay tahay. Waa gabadh yar oo quruxsan, rag ay wax isla baranayeen ayay salaan kula soo leexatay iyadoo ag maraysa, farxad iyo qosol isku jira iyo waliba raggii oy gacan qaadayso ayay isku dartay. Nin walba markay gabadhu salaanto cabbaar ayuu gacanteeda ku dhagayay, hadallo kaftan iyo kal-gaceello ahna wuu ku tuurayay, markay dhawr jeer inay gacanta la baxdo isku daydo ayuu mid walba ka ruqayay, kii ku xigay oo isna gacantu daashay oo sugi la’ ayaa haddana ku dhagayay. Markii dambe, gabadhii waxay aragtay laba wiil oo ayn ka filanayn inay meesha joogaan oo raggii ayn wali salaamin ku dhex jira. Markaas baa waxaa halmar is baddelay dareenkii gabadha, xishood baa daboolay, socodkii degdegga ahaa iyo qosolkii bay yaraysay, halkii loogu talo-galay ee dumarnimo ayay ku noqotay, maradeedii bay dacalka gacanta midig ka hoos marisay, gacantii kalena afkay saartay, labadii wiil iyo raggii kale sidaas ayay ku salaantay. Haddaba labada wiil geeska ay salaanta ka soo billawday, hadday fadhin lahaayeen amaba midkood uu fadhin lahaa sidaa xishoodka ah umbay ragga ku wada salaami lahayd, amaba cod bay ku salaami lahayd oo kumayba soo leexateen, ama mayba salaanteene xishood dartiis bay orod kala leexan lahayd. Haddaba labadaa wiil, raggii gacanta lala soo dhacayay, maxay kaga duwanaayeen? Maxaa yeelay, haybaddoodaa ifaysay, oo gabadha indhaha ka cawiray, kuna celiyay xishoodkeedii dumarnimo.
Hibadaasi, ruux kasta way ku duugantahay, rag iyo dumarba, waana midda hadday ruuxa ka soo muuqato uu bulshada kaga mutaysto tix-galin joogta ah. Waana waxyaabaha uu ruuxu dib u waayi karo hadduu ku kaco waxyaabo aan habboonayn. In dib loo waayi karo hibadaas, waxaa inoo caddaynaya hal ku dhegyada bulshada;
-Hibo Eebbe ku saaray habeen lays kama qaado,
-Ha is karaama tirin,
-Sharafta ha iskaga ciyaarin iwn), Waxaa weedhahan loo adeegsadaa shaqsigu kalkuu, Faanayo ama kibir laga dareemo ama uu waxyaabo xishood darro ah la yimaado, waana waxyaabaha hibadaasi dib u xayuubin kara.
Waxyaaha qofka intuu nool yahay, uu ugu jecel yahay, weeye (Haybaddu), balse dadku way ka quustaan. Bulshada dhexdeeda, dadka ay kamato haybaddooda iyo heerkooda sharafeed, waxaa ugu sarreeya Culimada, waxaana soo raaca xerta iyo inta dadka cibaadada badan. Sida uu Sayid Maxamed Cabdille Xasan laftigiisu qirayo.
• Hub wanaagsan heensiyo fardiyo, haybad iyo luuli
• Hadya deeqa hoo iyo waxsiin, hor Alla geystaa leh,
• Hannaan quruxsan haashaar gobeed, hodan dariiqaa leh.
Waxaa kale oo iyana haybaddeeda iyo sharafteeda, dadka laga soo dhex saaraa ama laga dhex sheegaa, gabadha gashaantida ah, ee xishoodka iyo akhlaaqda isku darsatay.
Sidiisaba xishoodku gabdhaha kaliya meehee aadamaha dhan, wuxuu ka muujiyaa qurux iyo sifaad aad u wanaagsan. Akhlaaqduna ruuxa waxay ka bishaa oo ay ka wanaajisaa dhanka gobannimada iyo isirka, oo waa la hubaa in ruuxa akhlaada wanaagsan hooyadiis iyo aabbihiisaba ay ammaan ku mutaysanayaan. Waata la yidhaahdo, ruuxa akhlaaqda wanaagsan; “Guri wanaagsan baa lagu soo barbaariyay, hooyo iyo aabbe wanaagsan baa soo barbaariyay iwm.
Qof walbaa heer umbuu ka taagan yahay nolasha cabbirkeeda, haybaddaada adigaa noolayn kara, oo dhawrsooni iyo waxbarashaad ku soo saari kartaa, amaba adigaa sii tirtiri kara oo jahli iyo xishood la’aan baad iskaga madoobayn kartaa sharaftii iyo haybaddii laguugu talo-galay.
Dammane iyo damiin
Maxay ku kala duwan yihiin?
Dammane caqli wuu leeyahay, laakiin fikirkiisa iyo maskaxdiisa khiddadeed baa culus oon dhakhso ugu shaqaynaynin, wuxuuna ku baraarugaa mar ay wax dhaafeen, oo dib ayuu ka gartaa waxa khaldamay, wuxuuna dhaamaa midka xitaa khaladka dhacay aan waxba ka ogayn ee loo yaqaanno (Maddadar). Dammane waa ruux illawsha badan oo wixi hadda loo sheego dhakhso u hilmaama, ama alaabta uu wato kolba cidla kaga dhaqaaqa, waxaa ka soo horjeeda “Fiidhoone”.
Damiin isna caqli wuu leeyahay, laakiin wax fahansiintiisaa adag, jeer uu dadaalay umbuu wax fahmaa. Dadku waxay yidhaahdaan; “Hebel sagaashankuu wax ku fahmaa”. Damiinka noocan ah wuxuu dhaamaa mid la yidhaahdo (Damiin malaasan) oo kan xitaa hadduu dadaalo wax ma fahmayo waana dhagax aan waxba galaynin, waxaa ka soo horjeeda “Faahin”.
Faahin iyo Fiidhoone
Maxay ku kala duwan yihiin labadan?
Fiidhoone, waa ruuxa fiidhoon ee garashadiisa maskaxeed ay afka hore tahay, waa ruuxa markii hadal degdeg ah lagu tuuro isagoon ka sii fikirinba jawaabtii ku habboonayd celiya. Dadka noocan ah ee fiidhoon, waa dadka hadday hal-abuurnimo suugaaneed ku darsadaan hal-xidhaaleyaasha laga yaabo si kadis ah u fura.
Faahinku, waa ruuxa qalbigiisu fiidhoon yahay oo aalaaba soo jeedo, waxaa aad u sahlan xusuustiisa dheer iyo tan dhawba, badanaa waa ruux hurda fudud, waa ruuxa tilmaanta halmar wixi loo tilmaamaa aan gafin, sidoo kale waa ruux wixi lagu halleeyaa aad u ititibiya.
Sirta nolasha astaameheeda muuqda, waxaa ka badan astaameheeda aan muuqan ee Alle (SW) hoosta kaaga beero.
Summadahan u fiirso
-Samir iyo dul-qaad
-Cafi iyo saamax
-Afeef iyo adkaysi
-Edabta iyo deganaanshaha, iwm.
Waa summadaha kaliya ee sirta nolasha laga yaqaanno.
Dadka waxaa wax fahansiin kara, caaqilka naftiisa u xoog sheegtay oo kaliya. Waa ninka iska jaray waxa ay naftiisu dooran lahayd, kaddibna isagaa nafta wax u soo dooraya, isagaa u soo adeegaya, isagaa ka horreeya nafta. Wax ay naftu jeceshahay oo ay dad kale samayn hayaan bay arki, markaasay soo hamaansan, taqal xoog badan oo (Dul-qaad) la yidhaahdo buu iskaga qabtaa, haddana markay boodbooddo ee ay tumato, dadka uma qaylyadee hoggaan “Samir” la yidhaahdo oo iyada naftaa ka soo laalaada umbuu xoog u qabsadaa kaddibna iyadaa daasha oo deegta. Ninkaa sahankiisu waa “Afeef”, tashiguu badiyaa, waxa uu rabo inuu sameeyo kuma degdego, suurtagalnimadiisuu ilaahay u bandhigaa, hadduu ka maarmi waayo ducaduu badsadaa, markuu ku dhaqaaqayo si geesinimo leh buu ku billaabaa. Ninka ragga ah wuxuu ku labbistaa gaashaan la yidhaahdo “Adkaysi’’, wuxuuna kaga gudbaa, waxyaabaha ay dadka kale dib uga gurtaan. Ruuxa noocan ah waxyaabaha loo gaysto ee ama kas loogu gaysto ama kamma loogu gaysto way u fududdahay in uu ka deeqtoomo isagoo adeegsada xigmadan ah (Cafiska iyo saamaxa).
Ruuxa caaqilka ah kuma mashquulsana waxyaabaha agagaarkiisa ka dhacaya, ee dadka kale la qumman, isagu wuxuu diiradda ku hayaa wax aan markaas la dareensanayn. Hawshii soo foodsaarta gacmahana wuu ku maamulaa indhahana wuu ka shalaaliyaa si uu u bidhaamiyo xalka kaga fillaan kara baaxadda ay hawshan leedahay.
Ruuxa caqliga fikiraya leh, marwalbaa waa mashquul, wakhtigiisana wuu saluugsan yahay, maxaa yeelay, waa ruux sahan abadan ah ku jira. Sahanka uu ruuxu nolasha ugu jiro waa mid kala duduwan.
Sahan waxaa jira loo yaqaanno indha indhayn, oo adoo iska taagan aad hadba meeshay ishaadu ku daasho eegayso dabadeedna wixi tuhun iyo tabasho ah aad halkaadaa ku bogato.
Sahan waxaa jira loo yaqaano lug-maris, oo kobtay ishaadu gaadhi waydo, hadday rabto habeenno ha kugu qaadatee in aad u socotooto, si wixi tuhun ah aad naftaada uga soo haqab tirto. Adigoo tixgalinaya xigmaddii ahayd (Intay laabi buki lahayd lugi ha bugto).
Sahan waxaa jira ishaada iyo lugtaadaba aysan gaadhi karin, maskaxdaada iyo qalbigaada oo iskaashada umbaa gaadhi kara, go’aanna ka soo saari kara. Sahankan waa midka ugu muhiimsan geeddi socodka nolashaada, waxaana ka meelkeeni kara qofkii naftiisa ka adkaada ee isagu majaraha u haya.
Dul-qaadka.
Ka warran haddaad soo daba istaagto dad albaabka dukaankaada cidhiidhi ku ah oo inay xoog ku jabsadaan raba!!! Xigmadda ugu horraysa ee markaas oo kale lagaaga baahan yahay waa “Dul-qaad”, dulqaadkuna waa adoo naftaada u xoog sheegta. Laakiin haddaad ul la daba istaagto, intay kugu soo jeedsadaan ayay adna ku dili karaan, furahana kaa qaadan karaan. Maxaa lagaaga baahanyahay marka, ciidan Alliyo iyo mid aadame wax laguu bixiyaba waa inaad Ilaahay baryadiisa xasuusatid, waa inaad kaalmo Alle tiraahdid, sidaana aad adna ku dadaashid oo haddaad is af-garanaysaan aad hadallo wanaagsan iyo dabeecad wanaagsan dadkaas u muujisid, lagaba yaabo inaad sidaa kaga guulaysatid.
Degganaansho
Waa xigmad dabiici ah, oo lagu dhasho. Badanaa ruuxa dabeecaddan leh waxaa lagu yaqaannaa in uu yahay ruux dabeecadsan. Waa xigmad dabeecadeed, oo ruuxa ka muujisa astaamahan soo socda.
*Is dejin
*Dhaqan wanaag
*Hubsiimo
*Hadal miisaaman
*Ficil miisaaman
*Go’aan miisaaman iwm.
Is dejinta
Xigmaddan waxaa inta badan ku dadaala oo xal ka raadsada, ruux dembi sameeyay, dabadeedna raba in la iska cafiyo amaba uu ku badbaado. Xagga afka soomaaliga (Is baraanbar) ayaa lagu dhahaa. Waxaa la yidhaahdaa ficilkan waxaa inta badan sameeya carruurta, oo intay falaadxumo ku sameeyaan is baraanbaraan markii lagu qabto, marna way ku badbaadaan oo is dejintoodaas ayaa lagu cafiyaa, marna lagama dhagaystee, iyagoo is baraanbar dartiis dhulka is dhigaya ayaa la jafaa. Hayeeshee, is baraanbariddu ama is dejintu waa xigmad uu ka il helay shaqsi dambi galay ha yaraado shaqsigu ama ha waynaadee, isagoo xal ka raadinaya.
Carraweelaba waa tii la dhihi jiray, gabadheedii waxay ku waanin jirtay; “Hooyoy gardarradana lahow oohinna ku gadaangad” (Is baraanbar). Meeshaa waxaa kaaga cad, adigoo gardaran xitaa haddaad is baraanbarto in aad ku badbaadi karto, maxaad u malayn haddaad is dejiso adiga oon dambi lahayn.
Haddaba in la is dejiyo haddaad garatay markaad khaldantay ka dib, waligaaba waa inaad xasuusnaataa in degganaanshuhu xal ku jiro, maaddaama dambi kastaba aad lahaatide kolkolka qaar lagu badbaado.
Dhaqan wanaaggu, (Akhlaaqdu, asluubtu, anshaxu) waa xigmad la siman hadba garaadka uu qofku leeyahay. Waayo, maalin anigoo yar baan hooyaday oo i xambaarsan dusheeda ku kaajay, waana dhaqan xumo, balse garaadkayga ayaa ahaa, maanta hooyaday dusheeda kuma kaaji karo waana dhaqan wanaag, maxaa yeelay garaadkaygaa ah. Haddaad aragto ruux wayn oo akhlaaq xun garaadkiisaa intaas ah, (Ninba kaskii buu kor tagaa), waa kii la yidhi. Garaad yaridu xagga dadka markii laga hadlayo doqonkaa caan ku ah, xagga duunyada markii loo kacana dameerkaa lagu xantaa, xagga dugaagga markii la dhgahana dhurwaagaa loo tiriyaa.
-Doqonku wax ay dadka kale ka xishoodeen ayuu sameeyaa.
-Dameerku xaarka ay duunyada kale kaleexatay ayuu isagu cunaa
-Dhurwaaguna dabinka isaga loo dhigay iskaba dhaafe dabinka shimbiraha loo dhigay buuba ku dhacaa. Si kastaba ha ahaatee, waxa wax wanaajiya ee wax qurxiya ee wax haga waa garaadka. Intaasi haddaan isla garanno, ka gudub.
Tilmaamaha liita ee wax khasaariya.
Wahsiga – Waxkhtiga
Faanka – Sharafta
Walacsiga – Hantida
Summadahan dhammaantood waa summado garaad yarida la xidhiidha. Dabeecadna shuqul kuma laha. Maxaa yeelay waa naftaada rabitaankeeda.
—Wahsigu wakhtiguu wax u dhimaa, waana naftaada rabitaankeeda, haddaad naftaada u gurmato iyadoo wax ka wahsanaysa, waad dhiirrigalin kartaa isla markaana waad ku guulaysan kartaa wixi aad ka wahsanaysay.
—Faanku sharaftuu wax u dhimaa, waana naftaada rabitaankeeda, waanad iska goyn kartaa, haddaad naftaada u gurmato.
—Walacsigu hantidaaduu wax u dhimaa, waana naftaada rabitaankeeda, ee dabiici maaha
Sidaa darteed, dhaqan-wanaaggu wuxuu la xidhiidhaa xagga garaadka ee lama xidhiidho xagga dabeecadda. Dhaqan-wanaaggu hadduu dabeecadda la xidhiidho sidaadi aad u dhalataba dabadaad qarsan lahayd.
By: Af-guun