LAB IYO DHADDIG
Aar # Gool
AARANKIISA
Goobaarre # Baranbarqo
dhashiisa
Caga-baruur
Maanta arbacada waa qaybta suugaanta ee Libaaxa iyo soomaalida. Libaaxa waxay soomaalida kuwooda reer miyiga ah tilmaan taariikheed ahaan ku suntaan suugaanta hodanka ah ee ummada.
Waxaa la sheegaa in libaaxu leeyahay dabayl dhaxan yar ku jirto oo markuu kugu soo dhaw yahay wadanahaada babinaysa, dabayshaasna waxaa loo yaqaannaa “Xanfarey”, dabayshan libaaxa ka soo horraysa, waxaa la yidhi, dadka argaggax bay ku riddaa, ruuxa uu wadkii galay ee uu caawa la tagi doonana wuuba la sii xanuunsadaa.
Bari baan Abtigay waydiiyay, su’aashan, ‘Abti waagii hore libaaxu dadka sidee u qaadi jiray?’, wuxuu abti iigu jawaabay, sidan; “Wuxuu qaadi jiray,
-Ruux ood goynaya
-Ruux tukanaya
-Ruux hurda oo khuurinaya
-Ruux aad u cabsanaya iwm.”
Gabayaa Daahir Cali Nuur la dhijiray Alle haw raxmee, ayaa libaaxa sawirra maanseed kaga qaaday xilli habeennima ah, waxaana ku jira gabaygaasi tuduc sheegaya dabaysha qabaw ee uu libaaxu wato, wuxuuna yidhi:-
Aarkoo qatimay oo qatimay quudna ka abaaday
Qaxar weeye gaashee haduu qaadan kari waayo
Qarriduu jiraayiyo hadduu qawgi ka imaado
Qadhqadh iyo qabaw dhaxanle iyo qadaw haduu keeno
Ma qummane’e waa maxay haddii nabar la qaysqayso
Qarjajaabo reereed hadduu qoobka soo galiyo
Qollod xoolo loo jaray hadduu qun uga soo boodo
Wuxuu qoobka saariyo wuxuu qoorta jabiyaaba
Isagoon is qarinayn hadduu hawlallada leefo
Qaaddirkeen umbaa qaban karee waa qalaad yahaye.
Inta badan waa laga baqdaa oo geeddi dheer baa laga guuraa khatarta uu libaaxu leeyahay awgeed. waxaana la yidhi gabaygan.
Luglukiyo labiiyoole iyo laagta gala dheere
Libaaxii qallaalkiyo fadhiyay laaski garanuugle
Wuxu laayo wixi uu laqiyo wuxu lahaabtaaba
Labasanliyo gaalays waxaa looga tagay aare.
Libaaxu wuxuu dhirta ka cunaa hal caws ah oo loo yaqaanno “Qundho”, markastaana cawskaas ma cunee wuxuu cunaa oo kaliya xilliga habeen kala badhka ah, ruux ruux malaggiis galay umbaana arka isagoo cawskaa daaqaya, maxaayeelay waa xilli la hurdo.
Waxaa laga fasiraa libaaxa codkiisa hiimraagga ah, kolkuu isku jiibinayo ee aarka iyo gooshu isku jawaabayaan inay leeyihiin, sidatan:-
Aarka; “Naa baydo”
Goosha; “Oday buraale”
Aarka; “Waa Jees yar”
Goosha; “Aan Jajabino”
Aarka; “Rag baa jooga”
Goosha; “Aan Jajabino”
Aarka; “Rag baa jooga”
Goosha; “Aan Jajabino”
Aarka; “Rag baa jooga”
Goosha; “Aan jajabinno”
Sidaas ayay iskugu jawaabayaan hiimraagga caawadoo dhan, ugu dambayna inta badan waxaa suurawda go’aanka goosha, oo ka dadag badan aarka, markaasna iyadaa weerarka billawda balse waxyeellada isagaa gaysta.
Qormadan gaaban inta aan tu lamid ah oo isla libaaxa ku saabsan soo helayno waa inoo markale asxaabtay.
Qr. Maxamed sheekh shaafici (Af-guun).