Xishood dumar Q4aad

 

Salma may lahayn saaxiibo gabdho ah oo badan, balse gabadh Yurub la yidhaahdo oo ay jaar yihiin ayey mar mar kala tashataa arrimaheeda, welise uma ay sheegin sheekada cusub ee dhex martay iyada iyo Subeer.

Yurub waxay ahayd gabadh bul-shaawiyad ah, oo leh axsaab badan oo gabdho iyo wiilal-ba leh.

Salma inkasta oo ay ahayd gabadh af-gaaban oo aan wax badan dadka la sheekaysan, haddana maalintii dambe ayey cabaar meel ku sheekaysteen gabadhii Yurub ee ay deriska ahaayeen, sheeko wadaagtana ay ahaayeen, ka dibna waxay u sheegtay inay sheeko ka dhexayso wiilka la yidhaahdo Subeer.

Gabadha la yidhaahdo Yurub aad bay u taqaan Subeer, waayo reerahooda ayaa deris ah, ka dibna Yurub iyada oo la yaaban warka ay Salma u sheegtay ayey ku tidhi: “walaal Salmaay miyaad igu ciyaaraysaa, mise waa ka dhab”, intaanay Salma weli jawaabin ayey Yurub mar kale hadal soo tuurtay, waxayna tidhi: “sow, wixii oo qab weyni iyo is qalqaloocin ahayd waxay kaa ahayd hur iyo been, isla waynidaaduna waxay ahayd bilaa micne ma naagtaada jeclaatay yarkii aan weligay aqaanay ee aan macnaha lahayn ayaa dookh leh”.

Salma may jeclaysan dhaliisha degdegga ah iyo hadalada aan wacnayn ee ay Yurub kula dul kuftay Subeer, waxayna ugu jawaabtay “walaal Yurubeey, ninkaasi aniga ayuu dookhayga noqday ee ii daa oo yeynaan ilaa heerkaa isla gaadhin, hana ku deg degin waxyaalaha qaarkood”.

Yurub markii ay aragtay jawaabta ka soo yeedhay Salma iyo sida ay u diidan tahay in wax laga sheego Subeer, ayey doodii mawduucaa ku saabsanayd soo afjartay, waxayna sheekada kaga baxday “walaal Salmaay, waa adiga iyo nasiibkaa, anigu intaa waan kaala hanweynaaye”.

Subeer iyo aabihii Dhamal, waxay u safreen Sucuudiga iyadoo aanay Subeer iyo Salma dib isu arag, waxayna maqnaayeen muddo bil ah.
Subeer muddada uu maqnaa marna wax xidhiidha ah lama soo samayn Salma 15 maalmood markii uu Subeer sii maqnaa, ayaa waxa dalka Jarmalka ka yimi nin ay Salma ilma-abti yihiin oo uu abtigeed dhalay ninkaa oo magaciisa la yidhaahdo Mursal, ujeedada uu Jarmalka uga soo dhoofay ee dalka uu u yimid, waxa weeye laba arrimood oo kala ah,  inuu Eddadii Ruun dhakhtar debedda ah u qaado iyo inuu gabadh ka soo guursado dalkiisa, waxaana sidaa ku soo diray aabihii oo ah Ruun walaalkeed.

Mursal wuxuu ku soo degay gurigii Eddadii ee reer Xaaji Abtidoon, ka dibna waxa loo goglay qol guriga ka mid ah.
Mursal inaabtidii Salma wuxuu dalka ka tegay iyadoo 7 jir ah, maantana wuxuu u yimi iyadoo 17 ah, isla markaana si fiican u kortay oo ah gashaanti isku tumatay oo boqol lagala baxo.

Mursal waa Injineer wuxuuna shaqo wanaagsan ka hayaa dalka uu degan yahay ee Jarmalka. Mursal da’ahaan Salma wuxuu ka weyn yahay 25 sanno.
Sidaa darteed waa 42 jir, wuxuuna hore u guursaday gabadh saddex caruur ah u dhashay, balse ay is fureen labo sanno ka hore isla markaana waa maal qabeen.

Subeer iyo aabihii waxay magaalada Jidda ee dalka Sucuudiga ka soo ambabaxeen 7 cisho markii uu Mursal joogay, waxayna soo raaceen markab ay alaabi u saran tahay.

Mursal waxa uu sitaa Baasaaboor ay ugu qoran yihiin gabadhiisa iyo hooyadii, kuwaas oo uu wakhtigan u qoondeeyay in ay noqdaan Eddadii Ruun iyo  inaabtadii Salma oo uu niyada ku hayey kana helay.

Mursal marku in badan fiiriyay, eegay, ka bogtay in badan oo ka mid ah hablaha deganaa Magaalada waxa uu hore u waayay gabadh qancisa waxase mar dambe niyadiisa ama qalbigiisa ku soo dhacday mar haddiiba aad gabadh guursanayso maxaa kuu diiday in aad inaabtidaadan Illaahay dhammaystiray cidina kuu diidayn aad guursato.

Mursal waxa ku adkaatay sidii uu ugu sheegi lahaa gabadha ay walaalaha yihiin ee uu imika damacu ka galay wuxu sidii ahaadaba, oo uu gooni u faqaba waxa uu markii dambe go’aansaday inuu la tashado odaygii Abtidoon ee Eddadii qabay, ka dibna wuxuu u sheegay inuu doonayo inuu guursado gabadha Salma, wuxuuna intaa u raaciyey inuu waqtigu ku yar yahay oo uu doonayo inuu dhakhso u laabto.

Xaaji abtidoon, laftigiisu hoosta ayuu kala rabay laakiin afkiisa may ahayn gabadhayda guurso, Mursalna intii uu joogay dhowr goor ayuu Salma geeyey meelo dalxiis ah, wuxuuna u muujiyey dareen kool koolin ah, taas oo uu ku doonayey inuu dareenkeeda kasbado, laakiin Salma waxaas oo dhan may dareemin, waxayna u arkaysay inaabtigeed oo si gacalnimo ah u danaynaya.

Hase yeeshee iyadoo uu Mursal weli joogo isla markaana ay sheekadiisii guurku weli bilow tahay, ayuu ninkii Subeerna maalintii dambe soo dhacay, wuxuuna soo galay goor galab ah.
Subeer markiiba inta uu maydhay oo uu iska beddelay maryihii uu safarka ku soo galay ayuu degdeg uga soo baxay gurigii wuxuuna u dhaqaaqay dhinicii gurigii Salma, oo aan aad uga fogayn.

Subeer, inta uu yimi meel aan aad uga fogayn guriga Salma ayuu wiil yar oo deriska ah ku yidhi “walaal iigu yeedh Salma Xaaji Abtidoon”.

Salma markii uu wiilkii yaraa fariintii gaadhsiiyey ayay debadda u soo baxday waxayna isha ku dhufatay wiilkii Subeer oo meel guriga u dhow foodda ku soo haya, ka dib way u tagtay.
Hase-yeeshee hadal badan kama ay gaadhsiin karayn, sidaa awgeed, salaan kooban ka dib, waxay si degdeg ah, isugu qadimeen ballan, waxayna balameen fiidnimadii caawa, iyadoo ay goortaasi ahayd abaara 5:30-kii galabnimo.

Subeer, wuxuu Salma u sidaa hadiyad muhiima oo ka kooban alaabooyin kala nooc nooc ah waxaana Subeer dareekiisa ka muuqda boholyow badan, iyadoo muddadii bisha ahayd ee uu maqnaa ay kaga badnayd sannad.

Sidoo kale Salma lafteeda waxa dareenkeeda ka muuqda muxubo iyo xiisa badan, waxaana shucuurteeda laga akhriyeyaa inuu u yimi qof ay maqnaashihiisa tebaysay, taas oo la odhan karo, iyadana dareenka caashaqu wuu ku fogaaday.

Arrintu sida ay doonto ah ahaatee, Salma iyo Subeer goor fiid horaad ah ayey isugu yimaadeen goobtii ay ku balameen oo ah, meeshii ay weligood isugu iman jireen.

Dhinaca kale, isla galabtaa waxa kulan u socdaa ninkii Mursal ee Salma inaabtigeed ahaa iyo odaygii Salma aabadeed ee Xaaji Abtidoon.

Mursal wuxuu hadalkiisa ku bilaabay: “Adeer, sidii aan horeba idiinku sheegay viisaha aan sido waxa ku qoran labo qof, labadaa qof mid waa eeddo Ruun, ka kalena waxaan ugu talo galay inaan ku kaxeeyo hadba gabadhii aanu calaf guur isku yeelano iyadoo markii aan xagaa ka soo kicitimayey ku talo galkaygu ahaa in aan dalkii ka soo guursado. Haddaba, adeer, markii aan wax indho indheeyey,nasiib wanaag waxay dookhayga iyo talodayduba ka badin waayeen inaan guursado inaabtiday Salma, waxaanan odhan karaa waa Illaaay mahadii haddii ay Eddaday Ruun iyo walaashay Salma noqdaan labada qof ee I raacaya. Markaa adeer, adiga oo aniga iyo inantaba waalid noo ah arrintaasi sideebay kula tahay, ma kula tahay inaad igu darto Salma.”

Xaaji Abtidoon diidmo meesha ugama furna waayo meesha inanta lagu waydiistay waa gurigiisa, ninka inanta waydiistay waa ninkii uu Eddadii qabay, isla markaana waa ninkii Jarmal-ka uga soo dhoofay inuu Islaanta Ruun ee gabadha hooyadeed ah daaweyn ugu qaado Jarmalka.

Qolka xiligaa la fadhiyaana waa qolkii ay Ruun jiiftay, sidaa awgeed waxa keliye ee Xaaji Abtidoon u banaani waxa weeye inuu yidhaahdo waayahay gabadhii waan ku siiyey.

Ka dibna Xaaji Abtidoon intuu cabaar aamusay ayuu ku tiraabay: “horta Mursalow inankaygii baad tahay, waadna ogtahay aniga iyo Eddadaa Ruun inaanu wax ubad ah dhalay Salma oo qudha. Soomaalidaa waxay tidhaahdaa Geyaan ahaan ilmaabtigaa isugu xaq badan ama waxaaba inoo dhaqan ahaan jirtay inay ilma abtigu is guursadaan. Markaa waxba yaan hadalku ila dheeraane gabadhii inaabtidaa waan ku siiyey, waanan kuu meherinayaa”.

Dabadeed Mursal intuu soo kacay ayuu odaygii Xaaji Abtidoon gacan qaaday, kuna yidhi: “adeer waad mahadsan tahay ee gudoon wacan.”

Xiligaasi waa goor fiid horaad ah, Subeer iyo Salmana waxa u socota sheeko, waxayna fadhiyaan geed ku yaal hudheel ay ka cashaynayaan hoostiisa.

Subeer iyo Salma waxa hadheeyey dareen muxubo oo uu midba midka kale aad u xiisaynayo, isla markaana waqtigan xaadirka ah dareenka caashaqu keli kuma aha dhinaca Subeer ee waxa labadoodaba sida caleemaha geeka u ruxaysa saxansaxo cishqi iyo quluubtooda biyo dhigtay. Waxayna xiligaa si xiiso leh u gorfaynayaan sidii ay uga midho dhalin lahaayeen hiyigooda jacayl iyo sidii ay ugu gogol xaadhi lahaayeen aayahooda mustaqbal.

Subeer iyo Salma waxay sheekada sii macaan sadaanba waxay saacaddu gaadhay 8:00 habeenimo, ka dibna Salma oo ka welwelsan gurigoodii iyo islaantii hooyadeed ee xanuunsanaysay ayaa codsatay inay sheekadu caawa halkaa ku joogsato, dabadeedna Subeer intuu Salma albaabka gurigooda keenay ayay is macasalaameeyeen.
Gabadhii Salma waxay markiiba degdeg u gashay gurigii, iyadoo ay aabaheed Xaaji Abtidoon iyo inabtigeed Mursal xaajo meel isla dhigeen oo ay iyada sugayaan, taas oo ay doonayaan inay arrinta ku wargeliyaan.

Salma waxay guriga soo gashay, iyadoo aad u faraxsan oo ay Subeer sheeko fiican isla soo qaateen.

Sidoo kale Subeer wuxuu gurigoodii dib ugu noqday isagoo aad u niyad wanaagsan, wuxuuna la kulmay aabihii, oo uu sheegay inuu soo helay gabadhii uu guursan lahaa oo ay tahay Salma Xaaji Abtidoon, ka dibna odaygu inkasta oo aanay arrinta aad uga wada hadlin, haddana wiilkiisa ma tusin dareen diidmo wuxuuna ku yidhi: “aabo ma xuma’e aynu ka tashanno”, Subeerna wuxuu aabihii ugu jawaabay: “waayahay aabo”…