(Nolashu waa qori daad wada, haddayn qoys ku dhisnayn)
Hooyadu iyo aabbuhu isku si bay ka yihiin, carruurtuna waaba wax mooge, furriinkuna waa musiibada ugu wayn ee kala fogayn karta seddexdoodaba, kaas oo aan ku eedayn karno Shaydaanka iyo nafta khaladkooda.
Kani waa wiil carruurta kale ka hooyo iyo aabba jecel, oo ku nool miyiga. Waalidkii waa xoolo dhaqato, isagaana curad u ah, carruurtooda kale waa yar yar, isaga umbaana xoolaha raaca oo reerka tabar u ah. Wuxuu aad u raacaa adhiga oo uu maalmahaa waalidkii ka nasiyay, adhigu waa dhib miidhan, gaajo iyo oon ayuu wiilku habeen kastaa ku soo dheelmadaa, hase yeeshee, markuu adhiga reerka korkiisa ku soo bixiyo, waxaa galab kastaa ka hor iman jirtay hooyadii macaan, oo aad uga walwalsan isaga, “hooyo ma nabad baa” iyo madaxa oo ay u salaaxdo kadib, ayuu illaabi jiray harraadkii iyo gaajadii iyo daalkii ay lugihiisu la dubaaxinayeen. Kadib waxay u soo qaadi jirtay wiilka xagga aqalka, wayna u qabayn jirtay, cagahana way u tutuujin jirtay, waxayna siin jirtay cunto iyo caano ay maanta u sii dhigtay, iyadana adhiga ayay soo xarayn jirtay.
Wiilku isagood mooddo in uusan maanta adhiga raacin, ayuu fiidkii carruurta la qooqi jiray. Hooya jacayl wuxuu ka qabo, markuu seexdo wuxuu ku alaladi jiray isaga iyo hooyadii oo kala dheeraaday, wuxuu maalintii adhiga markuu raacayo qaadan jiray maro ay hooyadii leedahay, si uu u daadaawado. Hooyadii codkeeda qalbigiisaa ku doogsan jiray, aragtideedana indhihiisaa ku doogsan jiray, xusuusteedana niyadiisaa ku dagaysay.
Sidaas waxay ahaataba, maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhacay shil, dhaawac halis ah soo gaadhsiiyay wiilkii, kadib markuu ka dhacay gadaanka nolasha. Wuxuuna ka jabay laba meelood oo uu la curyaamay, labada meelood oo kala ah (Qalbi-jab iyo niyad-jab).
Bal isaga ha inooga sheekeeyo shilkaas iyo siduu u dhacay!.
“Waxaa muddo dhawr maalmood ah, khilaaf ka dhex jiray gurigayaga, khilaaf kaas oo u dhexeeyay hooyaday macaan iyo aabbahay Alle ha daayee. Intuu khilaafku jiray dadkii nala degganaa ee dariska waxay wadeen masaalaxo ay waalidkay ku kala xallinayeen, aniguna dadkaas waan taageersanaa si aan u arko waalidkay oo heshiis ah. Hooyaday iyo aabbahay hadalladay isku lahaayeen ee cadhadu ka keenaysay annaga carruurtay na turaanturraynayeen, siiba aniga aan ugu darraadee.
Intuu khilaafku socday, hooyaday sideedii hore iimayn ahayn, dhawrkaas galbood igamayn soo hor bixin, cunto diyaar ahna guriga ooguma imanin, madaxa iyo jidhka iimayn tutuujinayn, igamayn farxinaynin, maxaayeelay, way iga mashquushay oo iyadaba waxaa haystay dhib aan ugu garaabayay.
Woxoo khilaafkii wali socdo, ayaan maalin maalmaha ka mid ah, sidii caadada ii ahayd adhigii raacay, subaxdaas iyada ah natiijadu inayn hagaagsanayn baa ii muuqatay. Waxaan adhigii la joogaba waan soo xareeyay makhribkii. Waxaan si degdeg ah isha u mariyay xaaladda aqalkaannaga, waxaana iiga muuqatay baylah iyo in uu yahay aqal burburay oo cidla’ ah.
Carruurtaannadii yar yarayd waxay galabtaas ka hor muuqdeen, guri kale oo dadaw, waxaan u soo dhaqaaqay xaggooda, wayna igu soo ooyeen, waxayna i dheheen “Hooyo gurigeenna way ka tagtay!”. Carruurihii kale ee reerka sii joogay, intay igu soo yaaceen ayay igu celcelinayaan, “Hooyadaa waa la furay, hooyadaa waa la furay”, oo dhagahayba igaga wareeriyeen.
Markaas ayaa aqalkii ay hooyaday ku jirtay la i geeyay, oon hoosta ka galay, iyaduna maradeedii udgoonayd ee hooyanimadu ka soo carfaysay i huwisay, markii baan sidii ku gam’ay anigoo saabka ka ooyaya oo hiqda gabay, habeenkaas waxaan ka dhigtay in uu yahay adduunkii oo dhan oo kooban balse nasiib xumo durba waagii baa baryay, waana kala dhaqaaq subaxnimadaas.
Markuu waagu noo baryay, anigu waxaan ku galgalanayay dhabta hooyaday anigoo miraadaya, hooyadayna waxay igu sabaansabaysay, “Hooyo waad ii imane iga aamus”, marna kama maqlaynin iyadoo ileh, “Waan kuu iman”. labadaannadii ilmood ee kalana haweennaa xambaarsanaa iyagoo ooyaya. Abbahay qudhiisu dhibka waa nala qabaa oo waa caloolyawsan yahay, hooyadayna sida sharcigaa waa furantahay oo subaxdaa waa in xoolihii meherka ahaa la siiyo oo la sagootiyo. Ugu dambayntii hooyaday waa iga libidhay, anna waan sii eegayaa intay iga qarsoomaysay, waxaa i waaninayo haweenno carruurahoodii u ciyaarayaan, anna inaan cidloodaan jeclaa oo ay haweenku hadallada iga daayaan.
Kadib, adhigaannagii baan iska dhextagay oo meel reerka korkiisaa daaqaya, maalintaas oo dhan waan ooyayay, markuu gabbalku dhacay ayaan soo xereeyay adhigii, aabbahay iyo labaddaannadii ilmood baa habeenkii si Alle uun ogyahay meeshii ku barinay. Subixii dambe ayuu aabbahay labadaannadii ilmood sii qaaday oo reer kaannagaa oo meel kale dagganaa geeyay. Anigu waxaa markaa toos iigu billaabatay nolal riyo u badan oo igu cusub, xasuus iyo wixi ay hooyo nala soo martay, ayaan dib farxad uga raadsaday, laakiinse darbigii nolasha ee dumay dhaxantiisii ayaa intii ii iftiintaba iga daminaysay.
Hooyaday raadkeedii ayaan dhawr subxood adhiga ka duwanayay si uusan iiga tirtirin, waxaa kaloo jirtay, maro ay hooyo lahayd, oon dadka ka qarsan jiray, markaan cidla joogana la soo bixi jiray, si aan u ur ursado, hana ila yaabin walaal.
Xaaladda Aabbahay
Aabbahay Alle ha daayee, isna waan jeclahay, wuxuu isku dayay in uu dareenkaa xanuunka badan nala wadaago, intaas oo murugo ahna isna waa nala mid nagana sii daran, wuxuu qaaday waddo kastaa oo dadaal ku jiro, si uu caadi nooga dhigo oon farxad u dareenno, balse hooyo wuu noo noqon waayay, waxaase laba jibbaarantay qaybtii aabbenimo oo marna nama dayicin haba yaraatee. Dadku markay hooyaday wanaaggeedii iyo ammaanteedii sheegsheegayaan, anigu farxad iyo oohin baa i qaban jirtay, balse aabbahay murugoon jiray, markaasuu gabayo bulshada ku faafay tirin jiray.
Baylahdii i soo wajahday
Waayadii dambe ciyaaraha ay carruurtu dheelaan habeenkii ama maalintii waan ka go’ay, maxaayeelay, waxaa wali iga danqanayay dhaawacyadii iga soo gaadhay dhanka moraalka. Sanooyinka barwaaqada ah iyo xilliyada jiilka ah anigu isku si bay ii soo mari jireen, wax farxad ah inta badan dadka lama qaybsan jirin, inaan kali ahaado ayaan aad uga jeclaan jiray inaan dadka la bulsheeyo.
Bulshadii aan markaa la noolaa aamuskaygii badnaa iyo gooni joogaygii waxay ii malayn jireen in ay xishood kaliya uun iga tahay, waxayna is lahaayeen waa hore ayuu illaabay dhacdadii sanaddada ka soo wareegtay ee kala tagga waalidkiisi, balse xaqiiqadu qalbigayga ayay ka jirtay.
Waxaan haystay go’aan yididdiilo oo hoosta iiga guntanaa, kaas oon ka qishtay ama ka xaday waanooyinkii ay dadku iigu madax salaaxi jireen dhaarihii ayay hooyo iyo aabbe kala tageen, go’aankaas oo ahaa inaan maalin uun hooyo ka daba tago markaan yara koro, inkastoo dhulku kala fogaa. Haddana ugu dambayntii aniga iyo labadaannadii ilmoodba, dhawr jeer baan marna hooyo u wada aadnay oon aabbe cidlaynay dhawr jeerna aabbaan ku soo laabannay hooyaan haddana cidlaynay.
Waxaan caadaystay inaanan ka baqin waxyaabaha ay carruurta ila filka ah ka baqaan, sida waraabaha iyo libaxa, kuwaas oo anigu meeshaan ku arkaa aan ugu daawasho doonan jiray, sidii ruux wayn ahaan baanan tabahooda u kala bartay, sida, libaaxa loogu baqa guuro iyo sida dhurwaaga loogu cimil galo.
Waxaa kale oon korodhsaday, karti socodka aan daal iyo dareen gaajo midna hakinaynin, ee mararka qaar la i rumaysan waayo, markaan meel hebla iyo meel hebla u kala socdo qiyaas yar oo aan horay loo arag dib dambana ayn cidi u kala socon karin.
isku soo duuduub oo, nolashaas iyadaa waxay i bartay, in wada noolaanshaha qoysku uu yahay nimco in lagu shukriyo u baahan, balse ay leedahay cadaw duullaan ku ah, kala furfuridda qoyska, cadawgaas oo sidaan soo sheegay labo kala ah “Naf iyo shaydaan”. kow iyo tiraba lama dhihi karo, baylahda nolaleed ee la soo xidhiidhaysa carruur koolkoollin u baahan kala taggidda waalidkood ka dib.
Waxaase ka daran iskaa wax u qabsada kale, sida in wax la kariyo, in raashinka la tumo, in la haadiyo, in biyihii la soo dhaamiyo, in aqalkii la dhiso, in adhigii la liso, waxaas oo dhan ayaa carruurta iyo aabbahood qabsanaya, hadday magaalo joogaanna wax lamid ah ama ka sii daran.
Hooyo iyo aabbe kastaa oo carruur isku leh iyo kuwo aan isku lahaynba, waxaa xasuus ugu filan in furriinku carruurta dhaawacayo, si kastoo ay waalidku u kala danaystaanba.
Q/r. Maxamed Sheekh Shaafici (Af-guun)