Qayb 5aad Xishood dumar

 

Gabadhii Salma markii ay cabaar gurigii joogtay ayuu odaygii aabaheed oo la fadhiya inaabtigeed Mursal u yeedhay wuxuuna ku yidhi: “aabo halkan soo yara fadhiiso arrin yar baan kuu sheegayaaye”, dabadeedna waxay soo fadhiisatay meel odayga u dhow, ka dibna odaygii aabaheed ayaa hadalkii bilaabay, wuxuuna yidhi: “aabo waxaan ku siiyey inaabtigaa Mursal, wiig ka bacdina adiga iyo hooyadaaba waxaad u dhoofaysaan dalka Jarmalka oo waxa idin kaxaynaya Mursal, markaa aabo waan isugu kiin ducaynayaa adiga iyo ina’abtigaa, Illaahayna khayr ha idiin kala siiyo”.

Gabadhii Salma markii aabaheed ku wargeliyey inuu inaabtigeed Mursal siiyey, iyada iyo hooyadeedna Jarmalka loo kaxaynayo talo way ku ciirtay oo si ay yeesho way garan wayday, waayo markii hore waxay ahayd qof Illaahay akhlaaq wanaagsan iyo adeec waalidnimo ku manaystay, sidaa awgeed aabaheed diiday kuma odhan karto.
Ta labaad hooyadeed oo liidata oo dhulyaal ah, oo aan cid iyo ciirsi kala lahayn oo dal shisheeye loo qaadayo kama hadhi karto.
Dhinaca kalena waxa ku mudan falaadhii caashaq ee uu garka wadne kaga taagay Subeer iyo axdigii ma dhaafaanka ahaa ee ay la gashay Subeer.

Sidaa awgeed xaaladeedu waxay gashay labo dhagax dhexdood iyo meel cidhiidhiya, waxayna arrinteedu noqotay,

“Hadal waalid ma diidi karo
Habaar adag buu dhalaa,
Hayeeshee ma yeeli karo,
Jacaylkuna way hayaa,
Haddii arrin igu habsaday,
Xageen talo kaga hagaagaa?!
Gabadhii Salma, waxay feker la ceeryoontaba waxay aakhirkii talo kaga ururtay inay arrinta kala tashato hooyadeed.
Salma waxay soo dul fadhiisatay hooyadeed Ruun oo uu hadalkuba dirqi ku yahay.

Hooyo Ruun hore ayaa sheekada loola socodsiiyey oo way ogtahay, isla markaana odayga ayaa talo ka waydiiyey, wayna aqbashay. Salma, iyadoo ay indhanaha ilmo ka hibitiqaysa ayey dul kadaloobsatay hooyadeed, ka dibna intii aan Salma hadal ka soo bixin ayey islaantii  tidhi: “hooyo maxaa kugu dhacay ee aad la ooyaysaa”, ka dibna Salma deg deg hooyadeed uguma jawaabin ee cabaar ayey oohintii ku sii negaatay, balse wax yar ka dib ayey u bandhigtay sida wax u jiraan oo ay uga warantay xaaladeedii hore iyo arrinta cusub ee dhinaca aabaheed kaga soo korodhay.

Waxayna hadalkeeda ku soo gebo gebaysay: “hooyo arrintayda maxaad kaga talin lahayd.” Salma halkii ay ka eegaysay garowshiiyo iyo in ay ka arragti duwan tahay odayga Aabaheed ayaa hooyadeed waxay u soo qadintay “hooyo arrintaada waanu wada go’aaminay aniga iyo aabahaa, sidaa ayaanuna kuugu talinay, oo ay dantaada iyo dantayduba ku jirtaa”.

Salma diidmo daayoo maxaa tidhi, kuma soo celin karto hooyadeed oo dhulyaal ah oo ay weedhahaasi dirqi kaga soo baxeen.
Sidaa awgeed, ma jirto wax kale oo ay yeeshaa, waxaynse ciirsatay oohin iyo muraara dilaac, waxayna habeenkii ku dhamaysatay feker iyo oohin, balse waxay go’aansatay inay Subeer uga waranto arrinta soo korodhay iyo halka ay xaaladi marayso.

Habeenkaa inkasta oo ay Salma oohin iyo labo boglayn ku dhamaysatay, Subeer wuxuu ku dhamaystay farxad iyo rayrayn isagu, waayo xaaladiisu waxay ka dhigan tahay nin himiladiisii si kama damabays ah u gaadhay, reerkoodana wuu ugu bushaareeyey arrinta, dhinaca kalena gabdhihii ay Subeer walaalaha ahaayeen waxay isla habeenkaa go’aansadeen inay laga bilaabi berito ku dhaqaaqaan hawshii uu diyaargarowga aqal galka Subeer.

Sidaa darteed, waxay habeenkaa u ballameen in berito guriga laga bilaabo hawl qur-qurxin ah, oo la mariyo rinji iyo nuurad, ka dibna laga beddelo gogosha baaliga ah oo lagu xidho gogol cusub.

Reer Dhamal, oday, Islaan iyo gabdhoba waxay talo ku gaadheen in aanu wiilkooda madiga ah ee indhaha u ahi aanu ka fogaan, ee uu guriga ay degan yihiin wax ka dego oo qayb loo banneeyo.

Salma waxay habeenkii oo dhan labo bog laysaba hirtii waaberi oo ahayd abaaro lixdii subaxnimo ayey ka soo kalahday aqalkoodii si ay Subeer u gaadhsiiso arrinta ku soo korodhay ka dibna intay gurigii Subeer reerkooda is agtaagtay ayey u yeedhay gabadh yar oo ay Subeer walaalo yihiin, waxayna ku tidhi: “walaal Subeer iigu yeedh”, ka dibna gabadhii yarayd intay Subeer ku garaacday qolkii uu hurday ayey u sheegtay inay gabadh doonayso oo ay banaanka u taagan tahay.

Subeer waa maalintii ugu horaysay ee ay gurigooda hortimaado gabadh doonaysa tan iyo intii uu garaadsaday, ka dibna isaga oo hoosta iska waydiinaya “talow, waa ayo gabadha saaka ku doonaysaa ee weliba soo jarmaaday” ayuu debedda u soo baxay si uu eego gabadha doonaysaa.

Markii uu Subeer guriga debedda uga baxay ayaa gabadhii ugu waynayd hablaha Subeer walaalihii, waxay tii yarayd ee Subeer toosisay ku tidhi: “yaa u yeedhay Subeer, xagee buu qabtay” cunugta yar waxa la yidhaahdaa Hoodo, waa 10 jir, waana qof caqli badan, waxayna walaasheed u sheegtay inuu Subeer u baxay gabadh doonaysa, oo guriga dhiniciisa taagan.

Subeer markuu arkay inay gabadha doonaysa tahay Salma aad buu ula yaabay, waxaana intii yarayd ee uu ku sii socday maskaxdiisa ku soo dhacayey boqol wax iyo boqol arrimood, wuxuuna hoos isu waydiinayey “tolow, Salma ma reerkiibay islaayeen oo waxa lagu maagay xalay xagee baad qabatay, mise Islaantii hooyadeed ee buktay ayaa geeriyootay, cajeb!! Tolow, maxaa dhacay oo Salma soo kallihiyey”.

Subeer markii uu Salma isla soo taagay, wuxuu ka codsaday inay guriga u raacdo oo ay qolkiisa wax isku waydiiyaan balse way diiday inay guriga u raacdo oo ay qolkiisa wax isku waydiiyaan ka dibna waxay si deg deg ah ugu soo qadintay ujeedadii ay u socotay, iyadoo uga warantay arrintii ku soo korodhay iyo sidii ay wax u dhaceen iyo halka ay xaajo marayso, isla markaana waxay Salma hadalkeeda ku soo khatintay inay arrintu marayso meel aanay waxba ka qaban karrin, waayo kama hadhi karto hooyadeed oo dhulyaal ah oo aan cid iyo ciirsi kale lahayn, umana badheedhi karto inkaarta labadeeda waalid ee aan iyada mooyee ubad kale ifka u joogin.

Subeer waxay arrintu, ku noqotay war dhiilo leh, wuxuuna galay jawi murugo leh iyo xaalad walbahaar leh.
Salma markii ay sheekadii Subeer uga dhacday, iyada oo aan hadalkii weli ka bixin ayey Subeer u sheegtay inay deg deg u noqonayso, iyadoo ka cudur daaratay inaanay hadda diyaar u ahayn hadal waqti badan qaata, taas oo ay sheegtay inay ka baqayso in gurigii laga tabo, waxay markaa hadalkeeda ku soo afjartay “walaal intani war gelin ayuun bay iga ahayde, waa inoo galabta iyo halkii aynu isugu iman jirnay”.

Dabadeed Subeer ma gelin wax hadal ah wuxuuna si murugo leh u yidhi “waayahay walaal waa inoo shanta galabnimo iyo goobteenii”, ka dibna waa la kala dhaqaaqay ninkii Subeer isaga oo cago jiid ah ayuu gurigii dib ugu noqday, ka dibna intuu maqsinkiisii galay ayuu hosta ka xidhay, wuxuuna isku dul tuuray sariirtiisii dabadeedna wuxuu cabaar dhegaystay hees jacayl

“Cirku kugu dunyoo
Dhulku kula cerceer
wixi aad ciirsatana
Waa calool adayg”
Run ahaantii Subeer waxaa ku sii siyaaday walbahaarkii haystay, waxaana damqaday nabaro hor leh. Subeer, waxa la soo gudboonaatay sheeko dhiilo leh, waxayna xaaladiisu gaadhay meel aan laga sheekayn karayn, wuxuuna hoosta ka xidhay qolkii uu seexan jiray oo xataa uma soo kicin quraac.

Goor dambe oo ay saacadu ku dhowdahay abaaro 12-kii duhurnimo ayey gabdhihii Subeer walaalihii is waydiiyeen sababta uu Subeer saacadan la jiifo, oo way yaabeen, ka dibna gabadh ka mid ah habilihii walaalihii ayaa Subeer albaabka ku garaacday, ka dibna wuu ka furay, waxayna waydiisay “walaal maxaa kugu dhacay ee aad waqtigan la jiiftaa, miyaad xanuunsanaysaa”.

Subeer wuxuu walaashii ugu jawaabay “walaal waxoogaa xanuun ah ayaa i haya, markaa idaaya waan iska jiifayaaye”.

Waxaa u cunto ah oo uu ku habayaa halbawlayaasha wadnahiisa ee hibanaya waxaanay helayn heesaha ay qaadaan qaar ka mida fannaaniintu kuwaas oo aan odhan karno waxay ka mid yihiin dhaawac tirida ama dhaymaha nabarada amase dakharada uu jaceylku gaadhsiiyo qof, xilligana waxa u baxaysa heestan:-

Hadaan aawadaa hibooy,
Naftaydii hanqaarantoo,
Hawaawiga caashaq iyo,
hammiga igu sii kordhaan,
Armaad hodadaamadii
haween weligii lahaa
hadhowto la soo baxdaa,
Heshiishkaba daadisa,
Intaan hawshaasi dhicin,
Bal aan hadalkaba jaree,
Maxaa adi kula haboon.

Caabbi mire dacar.

Gabadhii ayaa haddana Subeer u celisay “walaal cunto ma ku siinaa”, wuxuuna ugu jawabay “walaal waxba ma cuni karayo ee fadlan i daaya oo mar dambe ha i kicinina”.

Subeer wuxuu galay xaalad adag, waxayna culimada jecaylku, taas oo kale ku tilmaantaa mid ka mid ah mar xaladaha ugu adag geedi socodka ama meertada waayaha jacaylka.

Marka la eego duruufta meesha taal ee dhinacyada badan, arrinta soo korodhay waxay u muuqataa arrin aanay Subeer iyo Salma ra’yi ka dhiiban karrin halka talada la marrinayo iyo halka ay sheekadu ku dhamaanayso.

Subeer, wuxuu jiifaaba waxa la gaadhay xilligii ay ballameen balse ballantu way ka duwan tahay balamihii hore, waayo balamihii hore waxa meesha yiilay niyad wanaag iyo fir-fircooni, balse hadda waxa dareenka labada qofba ka muuqda niyad xumo iyo cago jiid.
Weliba saacadihii ay kala maqnaayeen waxa soo korodhay sheeko hor leh, taasoo  ah in gabadhii Salma farta laga saaray waqtiga kama dambaysta ah ee ay dhoofayaan, waxaana loo sheegay inay baqoolayaan, lix cisho ka dib.

Markii ay xiligii ballanta gaadhay ayey Salma timi goobtii ballanta, balse Subeer ilaa rubuc saac ayuu xiligii ballanta dib uga dhacay oo goor dambe ayuu yimi, isaga oo cago jiid ah, marki horena isagaa uga soo horrayn jiray.

Subeer, waa madluun oo gabal baas baa u dhacay, sidoo kale Salma tiiraanyo iyo walbahaar ayeyba la il daran tahay, waxayna aad uga wer wersan tahay xaaladda uu ku dambayn doono wehelkeedii ay dunida caashaqa ku mataanoobeen.

Subeer iyo Salma markii ay isu yimaadeen waxay Salma ku dadaashay sidii ay Subeer u dejin lahayd dareenkiisa, uguna caqli celin lahayd, waxaana hadaladeeda ka mid ahaa “walaal waan ogahay inaan anigu ahay qofka aad u dhibaatoonayso ee ku badday tiiraanyada iyo murugada naftaada haysata, balse waxaan kuu ballan qaadayaa inaan oori u noqon doonin nin aan adiga ahayn ee sidaa naftaada u sheeg, ogowna qofka keliya ee aan adduunka ka eeganayaa inuu adiga yahay”.

Subeer markuu cabaar yara aamusnaa ayuu goor dambe ku tiraabay: “Salmaay gacalo adigu eedda ma lihid ee waxaa iska leh indhahayga ku soo arkooday iyo qalbigeyga ku ogolaaday, gacalo eedda waxaa leh, wadnahayga kuu ruxmaya, dareenka jidhkayga ee kuu dubaaxinaya iyo rabitaanka naftayda ee keligaa kuu noqday maxbuus”.

Subeer, wuxuu intaa ku daray “Salmaay gacalo, ilaa aan ku helo xaaladaydu sida aan imika ahay waxba iska beddeli mayso walbahaarka iyo tiiraanyaduna igama baxayaan”.

Subeer, markii ay erayadaasi afkiisa ka soo baxeen, Salma waxa indhaheeda ka soo qubtay dhibco biyo ah oo hoos u dareeray, laabteedana qooyey, waxaana xusuusteeda ku soo dhacay heesta ay erayadeeda ka mid yihiin.

Hadaan laysu dhimanayn,
Nafta laysu dhiibayn,
Sow maaha dhalanteed…

Subeer, wuxuu sii waday hadalkii wuxuuna yidhi “Salmaay, gacalo xaaladaha adduunyadu waa iska caynkaa, wax walibana way dhici karaan, mana aha wax lala yaabo inaynu kala fogaano”.

Weedhahani maaha kuwo uu Subeer si niyad ah u leeyahay ee waa ku afgaboodsanayaa, wuxuuna isleeyahay isku day inaad nafta qanciso, balse culayska dareenkiisa saarani ma ogola af gobaadsi iyo sasabo.

Salma, waqtigan xaadirka ah, dheeliga jacaylku xageeduu jiraa oo boholyowga iyo wer werkuba aad buu ugu weyn yahay dareenkeeda, waxaana saaran culays aan qiyaas lahayn, talana way ku caddahay xaaladeeduna waxay ka dhigan tahay “aabahaa iyo hooyadaa, iyamaa la cadaabaa”.

Hase yeeshee Salma, waxay inta badan ku mashquulsan tahay sidii ay Subeer u dejin lahayd walow uu iyadaba caabuqa jacaylku sida dhibco roob ugu qubanayo oo ay talo iyo taagba u baahan tahay.

Subeer iyo Salma halkii ay shantii galabnimo istaageen waxay ku gadheen 8:00 fiidnimo, iyaga oo aan is ogayn, ka dibna markii ay arkeen inay goor dambe tahay ayey cabaar isku dul ooyeen, wayna kala dhaqaaqeen, iyada oo ay dib u ballameen berito gelinka dambe.

Salma markii ay cabaar sii socotay ayuu Subeer ka dabo dhawaaqay, wuxuuna ka codsaday inay habeen dambe hal sawir wada galaan oo haddii ay kala ragaan xusuus u noqda.

Salmana waxay ugu jawaabtay: “waayahay walaal, mid iyo lababa waan ogolahay inaynu wada galno”.

Subeer, intii ay Salma la joogtay wuxuu dareemay waxoogaa xumad jebin ah.

dabadeedna isaga oo ay diiftii ka muuqato ayuu soo gelayaa gurigii oo uu aabihii Dhamal joogo, ka dibna odaygii aabihii ayaa yidhi: “wiilkaygiiyow maalmahan maxaa kugu dhacay diif baa kaa muuqata’e, ma hawadaad la qabsan wayday oo muddadii aynu debedda ku maqnayn ayaad ilowday hawadeenii, mise safkan xannuunka ah ee magaalada ku jira ayaa ku haleelay”.

Subeer oo culayska dareenkiisa saaran awgii aan hadliba karayn ayaa aabihii ugu jawaabay: “aabo magaranayo wax igu dhacay, balse culays baa I saaran, jidhka oo dhamina wuu idamqanayaa”.

Subeer aabihii waa nin beer jilicsan oo carruur jecel, Subeerna waa madiga keliya ee uu ragba dhalay, aadna u jecelyahay sidaa darteed, wuxu markiiba ku yidhi: “aabo mar haddii uu xaalkaagu sidaa yahay ina dhaqaaji aan dhakhtar ku geeyee” ka dibna way israaceen waxayna u tageen nin dhakhtar ah, wuxuna Dhamal ninkii dhakhtarka ahaa ku yidhi: “dhakhtar wiilkani anigaa dhalay oo wuu xanuunsanayaa ee bal xanuunkiisa noo baadh, dawona noogu qor”.

Dabadeed ninkii dhakhtarka ahaa ayaa Subeer waydiiyey sida loo hayo, wuxuna Subeer ku jawaabay “jidhka oo dhan baa I damqanaya, mana jirto meel gaar ah oo I xanuunaysaa”.

Dhakhtarkii ayaa haddana su’aalay: “habeenkii hurdada ma seexataa, cuntadase ma cuntaa?”, Subeer, wuxuu ku jawaabay “walaahi, hurdo hagaagsana ma seexan, cunto saasana ma cunin”.

Dhakhtarkii, wuxuu Subeer u diray baadhitaano dhiigga ah, wuxuuna u qoray dawooyin fiitamiino u badan, isla markaana wuxu kula ballamay inuu jawaabta badhitaanka dhakhso ugu keeno.

Oday Dhamal oo isu dhegaysanaya wiilkiisa Subeer iyo dhakhtarkii uu u geeyey ayaa dareemay in uu wiilkiisu ku jiro xaalad xun taas oo uu arkay diifta oogadiisa ka muuqata ka dibna oday Dhamal wuxuu isku qanciyey in uu wiilkiisu u bahaan yahay baan, waayo Subeer wuxuu u muuqday qof muddo dheer bukay.

Markii ay oday Dhamal iyo wiilkiisii Subeer dhakhtarkii ka soo noqdeen wuxuu odaygu u leexday dinicii meheradda, Subeerna dhinicii guriga ayuu qabtay.

Oday Dhamal markii uu meheradii ka yimi ayuu u soo galay Subeer oo qolkiisii jiifa, dabadeedna intuu soo dulfadhiistay ayuu waydiiyey dhawr su’aalood, waxaana su’aalahaa ka mid ahaa “aabo meeday inantii ina Xaaji Abtidoon ee aad hore iigu sheegtay inaad rabto inaad guursato”….