Allaha u raxmee wuxuu dardaaran uga tagay ummadda soomaaliyeed gaar ahaan dumarka. Gabaygan culus ee maanta oo Arbaca ah ka baxaya bogga dhugasho aad u dhugo walaal.
In gar xidhata, ama guudka dabi, gebiga soomaali,
Waa taan gayaan dumar ku nacay, lama gu’baantiiye,
Adna geela waxan kaaga madhay, gaaridaad tahaye,
Ha yeeshee wixii kula gudboon, garangartaad joogto,
Nirig guriga daaqdiyo ritiga, geela laga reebo,
Waa in aad martida tii golmoon, gogosha siisaaye,
Waa in aad gasiin ugu dartaa, xeedho geedo lehe,
Waa in aad wax lama goofiyo’e, gaarna dhigataaye,
Haddii marada geyngeyn ku dhaco, waa gunimo weyne,
Waa in aan gambadu kaa xumaan, golahad joogtaaye,
Kol hadaan gacmaha loo xinayn, kuma guduutaane,
Waa in aad gadaal dhaashataa, garashadaydiiye,
Gudguduhu haduu soo unkodo, gaydhu waa halise,
Gufaacada horuu kaga ridaa, guunta buulka lehe,
Hadaan laba gufays laysku darin, gale dabayluuye,
Gig ka siiso gibil xeeran bay, guudka mariyaane,
Erayada sharraxan
-Gar -ka; Garsiga dumarka guntiinada markay garsanayaan meesha ay isaga guntaan ee qarqarka ku aaddan (Garraar).
-Garargartaad joogto; meesha aad joogto
-Golmoon; aad u gaajaysan, baahan, harraad iyo baahi aad u hayo.
-Gasiin-ka; Cunto
-Wax lama goofiyo; Wax lama dhammeeyo
-Gaar u dhigataaye; Kayd u dhigataaye
-Gayngayn-ka; Wasaqda
-Gunnimo -da; Sharaf darro
-Gambo -da; Marada yar ee madaw ee haweenka la qabo madaxa ku xidhaan.
-Gudgude -ha; Waa roob wayn oo habeennimo da’a (Mir) oo kale.
-Gaydh -dha; Dhaxanta qabaw ee roobka.
-Gufaaco -da; Daysha roobka (Huufo).
-Guun -ta; Haweeney wayn oo aan gaari ahayn.
-Gufays -ka; Waa harar aad u wayn oo culus.
-Gale -ha; Waa gogol laga sameeyo geedka baarka ah garbidiisa.
-Gig ka siiso; ku dado aqalka.
-Gibil -ka; Saanta xoolaha ee aqalka soomaaliga lagu dhisto (Jarco).
-Guudka mariyaane; Korka mariyaane.