Q-6aad Xishood dumar

 

Odaygu, hadalkiisa wuu sii watay, wuxuu yidhi “aabo adiga iyo gabadhaa maxay arrintiinu ku dambaysay, ilayn adiga ayuun baan kaa warsugayey oo aniga xagayga wax walbi waa iga diyaar”.

Subeer, hadalka uu aabihii su’aalay wuxuu ku noqday dhimbiil dab ah oo laabta xawda ka saaran, waxaana dambqaday nabar awelba kaarayey, dabadeedna markii uu cabaar aamusnaa ee uu waxoogaa fekerayey ayuu markii dambe Subeer go’aansaday inuu aabihii uga waramo halka uu xaalkiisu marayo iyo sida ay kaaf iyo kala dheeri u tahay rabitaankiisa lagama noqdaanka ah iyo sida ay u kala fogaanayaan mataantiisii uu calmaday, iyadoo aanu dareenka Subeer inuu Salma helo mooyaane wax kala ku qancayn.

Ka dibna Subeer sheekadii ayuu uga dhacay aabihii, ugana waramay xaaladiisa. Oday Dhamal, markii uu dhegaystay hadalkii wiilkiisa, wuxuu ugu jawaabay “aabo anigu markii horeba kulamaan doonayn gabadhaas, waayo waa gabadh hooyadeed keligeed dhashay, marka aad gabadh sidaas oo kale ah guursatana waa inaad hooyadeedna la soo guursataa, markaa aabo hadii ay gabadha xageedii ka suuroobi wayday dhibtaato ma laha oo gabadh kaleba waad iska guursan”.

Sida la ogyahay waxa dhaqankeenii hore ku jiri jirtay in marka uu wiilku guurdoonka yahay had iyo goor laga duuli jiray halku dhega ah “wiilkaaga abti u yeel”, taas oo macnaheedu yahay inuu wiilka guurdoonka ahi meel dheer u doolaalo tegi jiray, balse waayaadan dambe  waxa jirta in uu guurkii noqday sheeko xaafadaha isku dhaw ku wareegaalaysata, taas oo ay wiilka iyo abtigii isku xaafad noqdeen runtiina karaamadii dhinaca dhaqanka ee guurka iyo milgihii xididnimada iyo weliba is dhexgalkii bulshada dhaawac weyn bay u geysatay, iyadoo ay taasi dhaqan ahaan ku qurux badan tahay inuu wiilka guurdoonka ahi meel fog u doolaalo tago si loo soo celiyo xidhiidhkii dhaqan hido is dhexgalkii dadka.

Subeer, wuxuu habeenkii oo dhan baaxaadegoba subixii ayuu waxoogaa quraac ah yara taataabtay. Subeer wuxuu si xad dhaaf ah, isaga dabariday Salma, taas oo keentay inuu xataa habeenkii ku hadro. Ogow Subeer iyo Salma galabnimada ayey ballan leeyihiin, markaa mid waliba dhiniciisa ayuu ballantii uga diyaargaroobayaa.
Haseyeeshee oday Dhamal ayaa duhurnimadii la kulmaya wiilkiisii Subeer, wuxuuna kala hadlayaa arrinta gabadhaa oo uu u shegay inuu iska ilaawo gabadhaa iyo doonisteeda, Dhamal wuxuu wiilkiisa Subeer ku yidhi: “aabo gabadhaa ina Xaaji abtidoon iska ilaw oo soo doon doono gabadh alaale gabadha aad doonto, aniguna gabadhii kale ee aad soo xulato ayaan wax kaala qabanayaa”.

Dabadeed Subeer wuxuu aabihii ugu jawaabay: “aabo, anigu waqtigan uma taag hayo dhibaato kale, sidaa darteed mar haddii aan Salma waayey, waxaan go’aansaday inaan waqtigan xaadirka ah iska dhaafo dumar iyo dhibtooda”.

Odaygii Dhamal, wuxuu aad ula yaabay go’aanka degdegga ah ee uu Subeer gaadhay, wuxuuna yidhi: “wiilkaygiiyow guurkaaga ama jacaylkaagu ma aha inuu adiga oo keliya ku raaligelinayo balse waa wax aanu wax ku leenahay haddii aanu nahay reer Dhamal oo dhan, waayo waa baahi nahaysa oo aanu aad u danayno”.

Oday Dhamal hadalkiisa wuu sii watay wuxuuna yidhi: “Aabbo, in lagu danaynayo waxa daliil u ah bal eeg gabdhaha aad walaalaha tihiin oo dhami waxay heegan u yihiin inay ku dhisaan, aabo, toddoba cisho ka hor gurigeenu wuxuu ahaa meel farxad weyni ka muuqato, waayo waxa diyaar loo ahaa xafladii arooskaaga, iminkana waxaad moodaa in tacsi loo fadhiya oo dadkii oo dhan waxa ka muuqata murugo, markaa taasi waxay muujinaysaa inaad tahay waslad naga mid ah, oo aanu farxadda iyo murugadaba kula wadaagayno.
Ta kale aabo, anigu waalid ahaan ma doonayo inaan kugu khasbo waxaanad raali ka ahayn, waayo waxaad jeceshahay ayaanu kula jecelnahay balse, haddii ay sidan u dhacday oo aynaan heli karin ina Xaaji Abtidoon maxaynu yeelnaa aabo, ma sidaas ayeynu ahaanaa oo murugo iyo soo madow ayeynu ku sugnaanaa, mise calool adayg waa Ilaahay wehelkii ayaa la yidhiye, arrinta meel kale ayeynu ugu wareegnaa”.

Oday Dhamal, wuxuu hadalkiisa ku soo gebo gebeeyey “aabbo anigu waan kaa tegayaaye talo keen”. Ka dibna wuu ka baxay.
Subeer ra’yiga iyo talada aabihii iyo guud ahaanba jawiga kaga yimi xagga reerkooda waxay ku keentay culays kale oo u labeeyey culayskii ka haystay dhinaca Salma, ka dibna wuxuu aad uga fekerayaa sidii uu yeeli lahaa.

Haseyeeshee isaga oo weli labo boglaynaya oo aan wax go’aan ah, gaadhin ayaa la gaadhay waqtigii uu la ballamay Salma, dabadeed, intuu sii lebistay dhawrkii shay ee uu dharkiisa ugu jeclaa ayuu degdeg u baxay.

Subeer wuxuu goobtii balanta tegay, iyadoo ay Salma taagan tahay, Subeer waxa galabtaa ka muuqda qurux iyo shacni aan hore loo arag balse Salma sidaa way ka duwan tahay waxaana ka muuqda waxoogaa canbus ah, waayo may soo lebisan sida Subeer ee degdeg ayey u soo baxday, taas oo ay haleeli wayday maryihii ay doonaysay inay ku baxdo.

Subeer iyo Salma markii ay si naxariis leh, murugona ka muuqato isu bariidiyeen, waxay isu raaceen meel sawirle ah, waayo waxay hore ugu ballansanaayeen inay sawiro xusuus ah soo galaan.

Subeer, wuxuu galabtaa soo kaxaystay baabuurkii aabihii, isaga oo aabihii u sheegay inuu dano ku soo qabsanayo.
Dabadeed Subeer iyo Salma, iyaga oo baabuurkii wata ayey isa soo hortaageen sawirlihii, ka dibna Subeer baa intuu soo degay wiilkii sawirlaha ahaa ku yidhi: “walaal gabadh baa ila socota waxaanuna u baahanahay sawiro ee noo diyaari”.

Cabbaar ayey Subeer iyo Salma debedda ku sugnaayeen, intii loo hanaaninayay goobtii sawirka, dabadeedna sawirlihii ayaa u yeedhay, wayna soo galeen.

Balse markii ay gudaha galeen ayey Salma bilowday waxogaa diyaar garow ah, ilayn hore uma soo diyaar garoobine.
Subeer, isagu hore ayuu u soo diyaar garoobay oo meel halkan ah ayuu ku sugayaa Salma, inta ay diyaar garoobayso, wuxuuna hoosta ka hallacsanayaa heemaalka Salma oo hoos ugu xanshaashaaqaya “ilayn calaf aan laguu qorin lama cuno”.

Salma markii ay diyaar garowday ayuu wiilkii sawirlaha ahaa waydiiyey nooca sawirka ah ee ay rabaan, ka dibna Subeer iyo Salma ayaa midba midka kale eegay, taas oo uu midba midka kale doonayey inuu ka jawaabo, su’aasha wiilka sawirlaha ahi waydiiyey.
Hase-yeeshee markii ay cabbaar indho jacayl isku milicsadeen ayey markii dambe Salma jawaabtii bixisay waxayna tidhi: “walaal waxaanu doonaynaa sawiro xanbaarsan xusuus caashaq”.

Salma iyo Subeer markii loo diyaariyey agaasinkii sawir qaadista ayey gidaarka dhabarka saareen, waxaana gidaarka ka dambeeya ku xardhan sawiro far shaxan leh oo aad moodo inay sida geedaha u baxeen oo aanay cidiba sawirin.

Subeer iyo Salma markii ay galeen labo sawir oo ay dhinacyada isku hayaan ayey debedda uga soo baxeen sawirlihii waxayna shirka ugaleen baabuurkii ay wateen oo ku qoofallan sawawirlaha hortiisa, cabbaar ayey gaadhiga dhexdiisa ku soo sheekaysteen, ka dibna waxay yimaadeen hudheel cunto si ay uga casheeyeen.

Markii ay soo galeen gudihii hudhelka ayuu Subeer dib u jaleecay Salma oo daba socota wuxuuna ku yidhi: “walaal Salmaay inoo door goob aynu fadhiisanno, oo aynu ku cashayno”.
Salma inta ay yara dhoola caddaysay ayey ku jawaabtay “Subeerow malaha adigaa ina martigelinayee, inoo door, ta kale anigu waxaan inoo dooray sawirkii ee adiguna inoo door goobtii aynu fadhiisan lahayn”.

Subeer, intuu yara qoslay ayuu yidhi: “waayahaye ina keen waxaynu fadhiisanaynaa mundulkaase”.

Ka dibna inta la soo laafyooday ayaa la hoos fadhiistay mundul yar oo hudheelka ku dhex yaal kana mid ah goobaha lagu casheeyo,

dabadeedna waxa si degdeg ah ugu yimi wiilkii talalaatiga ahaa  oo ka qaaday dalabkii.

Intii uu talalaatigu ka maqnaa ayey Subeer iyo Salma sheeko bilaabeen, waxayna sheekadii dhexmartay u dhacday sidan:

Subeer: Salmaay, waxaynu joognaa adduunyo oo wax waliba waa nasiib, calafkuna waa wax qoran, oo qofna waxaan loo qorin ma calfado. Inaguna waxaynu nahay walaalo jacaylku mataaneeyey ku talo galkeenuna waxa uu ahaa inaynu noqono laba qof oo nolosha wadaaga, laakiin waa tan arrini inagu soo korodhay, oo dhawr maalmood ka dib waxa laga yaabaa inaynu ku kala noolaano laba meelood oo aad u kala durugsan, balse taasi waa amar Ilaahy, waxaanase is idhaahdaa tolow waa maxay nasiibka xun ee kugu dhacday ee kaa hor joogsaday tii aad dunida ka calmatay.
Hase-yeeshee Salmaay, taasi maaha wax lala yaabo waayo tan oo kale maaha sheeko ugub ah ee waa arrin ku dhacday kumanaan is jeclaa balse aan is calfan, iyadoo in badan oo ka mid ah lugta loogu xidhay ruux aanay naftiisu calman, laakiin Salmaay marka la eego duruufta dhinaca waalidka, gaar ahaan dhanka hooyo ruun kaa haysta, dhacdadaa meesha timi waxa lagu tilmaami karaa mid maangal ah, ta kale reerka hore waxba uguma aynu sheegin ilayn way ku xisaabtani lahaayeen.
Walaal Salmaay, tiro ma leh inta gabadh qoorta loo geliyey nin aanay weligood is arag, isna maqal, kuwaas oo in badan oo ka mid ahi, ay ku mustaqbal xumaysteen, waxaase dhacda inay qaarkood ku guulaystaan guurka noocaas ah oo uu reerkoodu noqdo mid dhisma.
Hadal iyo gunaanad, Salmaay waxa wanaagsan inaynu calool adayg wehashano sidaa darteed, aniga caawa taladaydu waxa weeye inaad adeecdo talada waalidkaa oo aadan ka hor iman, sababta aan sidaa u leeyahayna ma aha inay wax iska kay beddeleen mawqifkaygii jacayl, balse waxaan doonayaa inaad farxad iyo nolol wanaagsan ku noolaato oo aanay karaahiyada waalidku kugu dhicin, waayo haddii aad maanta aniga ii go’do koleyba waxaad marwalba dareemaysaa murugo, markaa aad murugo ama farxad dareentona aniguna waan kula dareemayaa hadba ka aad dareento, miyaanay gacalo sidaa ahayn?.

Salma: (oo si dhugmo leh u dhageysatay hadalada Subeer, ayaa iyaduna markeeda la wareegtay sheekadii,) waxayna tidhi:

Subeeroow horta waa runtaa oo adduunyadu way waayo badan tahay, waana tii hore loo yidhi, “weligeed adduunyada, waqtigaa qof saacida, qofna waayaha xidha.” Markaa anigu waan dareensanahay dulucda iyo nuxurka hadalkaaga, laakiin haddii aan ku dareensiiyo muxubada iyo kalgacalka aan kuu hayo, runtii waxaad qollad ka samaysatay qalbigayga, waxaad degtay badhtamaha wadnahayga, kama baxdid oo waxaan kuu tabeyaa sida u ilmaha yar ee abaydinka ahi u tabo hooyadii, midna waan kuu sheegayaa ee waxaad oggaataa inaad tahay qofkii i baray, iguna beeray geedka jaceylka, isla markaana waxaad idareensiisay inuu jaceylku yahay qayb nolosha ka mid ah, taas oo aan kugu tilmaami karo inaad tahay qofkii i baray wax badan oo noloshayda ka dhinnaa, kana dhigay naftayda mid ku miisaaman ama ku dheeli tiran heemaalka nolosha.

Waayo waqtiyada qaarkood waxaan ahaa qof seexata oo soo toosta, waxna cunta, laakiin aan ka fekerin waayaha nolosha iyo hiigsiga mustaqbalka, taas oo aan odhan karo waxaan ahaa qof aan wax badan ka ogeyn dareenka nolosha iyo wacyiga garaadka.
Sidaa darteed waayaha jaceylka ee ina dhexmaray, wuxu naftayda ku beeray xusuus aan duugoobayn iyo muxubo degel fadhi ah.

Salma markii ay intaa tidhi, waxay hadalkeeda dhex gashatay waxoogaa geeraar ah oo ay ku cabirayso muxubbada iyo kalgacalka qalbigeeda huriyey, waxayna tidhi:

Dhammays sow sideedba,
Dhidigiyo laboodkaba,
Waa laysku dhaafoo,
In ay isdhaqdaan baa.
Dhulka loogu beeroo
Dharaartii timaadaba
Dhawr baa aroostee
Anna dhudi haddaan ahay
Meel aan dhoweyn baad,
Dhigatay rarkaagee
Nafta dhaymaheedow
Waan kugu dhadhabayaa,
Dhuuxa iyo laabtiyo
Qalbigaad dhex jiiftaa,
Muxubadu dhab weeye
I dhansii jacaylkoo
Alla hayga dheeraan.”

Dhammaad.