Barbaarinta dhallaanka

 

ceeb iyo cawro, keebaa wayn?

Ceebtaada waa lawada baran karaa, lkn cawradaada lama wada baran karo, sidaa darteed, ceebtaa ka wayn cawrada. Maxaayeelay maradaada kaliyaa ku filan qarin karta caawradaada, laakiinse ceebahaada waxaa qarin kara oo kaliya adiga iyo ilmahaada oo iskaashaday.

Ilmahaada wuxuu ceebahaada qarin karaa, markaad isaga/iyada barto sida la isku asturo.
Dadki saalixiinta ahaa, ee wanaagsanaa, xitaa kaan ilmaba haysan wuxuu aad ugu ducayn jiray kuwa dadka kale in Ilaahay u wanajiyo, dantaana ugu jirta isaga inuu u deeyo, waayo waakii horay loo yidhi; “Waa laysku wada tiirsanyahay sida tis oodeed”

Waalidkii hore waxay lahaayeen fiidhoonida ay ku dheehntahay caqliga iyo murtida taas oo ay ubadka ku barbaarin jireen, iyagoo adeegsanaya luuqaddooda hoadankaa iyo murti isku ladhan.

Ilmaha korintiisa, waxaa la xidhiidha dhammaan waxyaabahan soo socda.

Daryeelkiisa…Wuxuu dhami iyo wuxuu dhigan, wuxuu xidhan iwm.
Tarbiyadiisa…halkan ka gud, halkan ku gud, sidan ha yeelin, sidan yeel iwm.
Tacliintiisa… Bar ama baro, wax ka dhexeeya maleh.
Mooraalkiisa…Waxaas iyo waxaas ayaad leedahay, xuddun xidhkaa, shaygaas adigaa iskaleh.
Madaddaaladiisa…Waylaha arooriyoo, waddadan mriyoo iwm.
Caqiidadiisa…Dhulow dhiidhii dhiig islaan qabe, haddaad ruux caydo waa lagu caayi IWM
Waddaniyaddiisa…Hebel geelle, Webi, caana-geel, Baarqab, ilmaha oo loo bixiyo magacyo ama naanays waddankiisa ka turjumaya IWM.
Is aqoonsanaanshihiisa…Taariikhda abtirka waalidkiisa xagga aabbe iyo hooyaba, oo ilmaha la baro ceebna maaha runtii ee waa is barashada ilmaha. IWM
Isku qanacsanaanshihiisa…Bakhaylka adaa ka fiican, tuugga adaa ka fiican, tahriibaha adaa ka fiican, caasiga adaa ka fiican, iwm, oo ilmaha sidaa loogu nasteexeeyo, si uu isag ailaaliyo dhaqammada xun xun.
Xirfad yeelashadiisaa… Sheekooyinka ilmaha waxaa lagu billaabaa isagoo socod barad ah, amaba af barad ah, sheekooyinkaas waxay isugu jiraan kuwo xirfadafa in la barto carruurta ku baraarujinaya, kuwo inaan dadka la dhibin ku baraarujinaya, kuwo nadaafadda ku baraarujinaya iwm.

Haddaan idin xasuusiyo sheekooyinka dhallaanka looga sheekayn jiray ee la xidhiidha dhanka xirfadaha;

Diin iyo dawacaa oratamay,
Diin diin caliyow dabbaal baro
Intii dhulka joogta dhurwaagu ha qaato
U dabeeyow daba xoodh xoodh iwm. waxaas oo odhan waa sheeko dhallaan loogu talogalay in ay carruurto ku baraarugto xirfadaha barashadooda iyagoo aad u yaryar.
Hadday khatari ku imaato ilamaha waxaa la bari jiray sidi uu uga badbaadilahaa, waxaana lagu dhiirri galin jiray inuu ilmuhu barto waxa uu ka qayrkiisa ah yaqaan.

Tusaale:

Oratanka iyo kala badinta, hadda carruurta iskuullada lagu baro. Waaliddiinteenni hore ayaa laga soo gaadhay. Waxaad xasuusataan sheekadii Diin iyo Bakayle.
Dabbaasha oo aan hadda carruurta iskuullada lagu barin. Dadkeeni hore iyagu way bari jireen inay ilmuhu dabbaashaan. Waayo waxaad xasuusataan, Sheekadii Diin iyo Dawoco.
In kor loo socdo oo meesha qayrkaa joogo aad ka sarrayso, carruurta waa lagu dhiirrigalin jiray. Ninkii dhulka joogo dhurwaagu ha qaato.

Waalidka hadda jooga waxay ugu jecelyihiin in ilmahoodu luuqado shisheeye u bartaan, dhallinyarada ayay u fiicantahay inay luuqadaha bartaan, lkn carruurta yaryari ee aan luuqaddoodiba aan aad u baranin uma fiicna inay bartaan luuqado shisheeye. maxaa yeelay, luuqad kasta waxay isku daydaa inay kugu arooriso golsho dhaqameedkeeda.

Tarbiyad la’aanta waxyaaba ay carruurta dhaxashiiso kuwanaa kugu caansan, kuwa kalee ku hoos duuganna qalin iyo waraaq loogumaba talagalin farabadni waxay ka qabaan.

1; Furashada dadka oo badheedh ah
2; Tuugaysiga
3; Diraarnimada
3; Tuugsiga
4; Dilka
5; Diradiraanimada IWM.

Waxaa horay loo yidhi,

“Caliyow xasuus kugu dullee walad xumaadaaye” .

Waxyaabaha carruurteennu wakhtigan la koraan waxaa kalid ah;

-Tvga= oo xagga dhaqanka, caafimaadka iyo diinta intaba saameeyn ku yeesha.
-Moobeelka
-Gabadha shaaqiyadda ah oon loo meel dayin inay dhaqan xuntahay iyo in kale ilmihii la dhexkeenayo.
-Goobaha waxbarasho oon loo meel dayin, oo ilmihii la geeyo
-Place station
-Tima jaraha, oo ilmihii loo diro iyagoon lala socon oo sidi la rabo loogu jarayo
-Koofeerkii oo gabdhaha loo diro, iyagoon lala socon
-Taksiga macaamiisha ah oo ilmaha waxbarashada geeya oo in uu dhaqan xun yahay in in kale aan loo kala aabayeelaynin.

Waxaas oo dhan oo is biirsanaya waxay baddalaan dhaqanka guud ee bulshada, maxaayeelay haddaad maanta dhayalsanayso barritay ku soo bixi ilmahaada dhaqan xumadaas. horraan baa loo yidhi;

“Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide”

Ugu dambayn waxaan waalidka xasuusinayaa in ilmaha xaaladdiisa lala socdo oo lala saaxiibo sida aad hadda ku tihiin si kasii fiican.

-Waa in ilaha looga sheekeeyo, sheekooyinkii hore ee carruurta
-Waa in ilmaha la baraa magacyada xayawaanka ee deegaankeenna ama dalkeenna
-Waa in ilmaha la baraa magacyada dhirta muuqaalkeedana la baraa
-Waa in ilmaha xoolaha wax laga baraa hadduu magaalo joogo.

Haddii sidaa la sameeyo waxaa hubaal ah in ay barbaarayaan ubad masuuliin noqon kara, wax qabad koodu meel mar noqon kara.

Q/r. Af-guun