Maanta oo arbaca ah waxaan qaybta koobaad ka soo qaadanaynaa taxanaha qaab dhaqameedka reer miyiga ee xilliyada barwaaqada.
Dambarsame waa bil ka mid ah seddexa bilood ee dayrta, waliba waa bisha ugu dambaysa ee ay xooluhu aadka u dhalaan, waa bil aad u caano badan oo sarsarka xumbada iyo ciirta lagu daadiyo.
Reerku wuxuu ku jiraa meel dalsan ah oo suubaan iyo dibir isku jira. Xooluhu bishan dambarsame oo sanad kastaa xilliga dayrta caado u ah inay dhalaan, ayay dhalmada billaabeen, geela ayaa hashii ugu horraysay foolatay, markaasaa xagga reerka loo soo fool-celiyay, waxaana ilmo bir-cas ah lagaga dhaliyay xidh aan reerka ka dheerayn oo aad u caleen badan, kadibna dhawr halaad oo iyagana la soo fool-celiyay ayaa xidhkii iyagana maqasha loo dhigay. Halahaasi reerka ayaa inta geela xeradiisa in qollod ah oo gaar ah looga gooyay ayaa casarkiiba nirgaha loo soo tirciyaa qaarna loo soo xambaaraa oo xera loo soo dhigaa, subaxdiina sidoo kale xidhkii ama xidh kale oo isna dhaw ayaa nirgaha loo geeyaa, duhurkiina waxaa laga keenaa dhiilal caano ah oo aad u milaalan.
Dhiilasha caanaha ah ee addoolka reerka ag daaqayo laga keenay, waxaa loo geeyaa rag culimo, caammo, dhallinyaro iyo marti socota ah isugu jira oo geed aad u wayn oo damal ah isaga sheekaysanaya, qaarna kitaabbo iska akhrisanaya, qaarna shax ciyaaraya, qaarna ulo iyo weelal isaga qorana, qaarkoodna iska hurta meel daadku maray. Midhihii Xasab ganey sida ay tilmaameen oo kale.
Dal-sankii widhiidhoo
Xilliguu ku di’i jirayee
Dambar-samuhu ku unkaday
Darantuna ugbaa tahay
Oo ramadku dayr dhalay
Dayr-cadkiisi loo dhigay
Nirgaha meel duleedkaa
Damallada hadhkoodana
Digriyaysa culimadu
Xoolihi waxaa raacay maanta barbaar iyo gashaantimo aad isugu heellan doogga iyo barwaaqada aad ugu soo baxaya.
Sidi inan badhooqdiyo
Baaxuurka sidatoo
Barbar socota doogoo,,,
Baranbeerka cawskiyo
Biilaha cagaarkale
Dhuluu baadku wadhanyahay
Barqinaysa adhigoo,,,
Suubaanka bilicdale Bisiqii xareeddiyo Balliyada qabowgaa Balxanaysa galaboo Sacabbada ku baydhoo Biyihii qudhqudhisoo Kolba laan barooraa Baarkeeda jabisoo Bulad cadaya sidatoo,,,
Waa gabadh adhigoodi la joogta oo gashaanti ah, waxay dhex mushaaxaysaa meel aad u udgoon oo ubuxu nooc nooc yahay, afmeerka ayay xidhadhka adhiga kaga dabbaalaysaa, kolba waxay ku soo baxaysaa meel geedo caleen badan uurkooda ah biyo ka dhalaalaya, markaasay inta ay sacabbada dardarsato wajigana ku dhaqato isaga tagaysaa. Markaasay laan wancarri ah ama qaarri ah ama qadhoon ah baarkeeda sare inta jabsato oy budlisato kolba ku cadayanaysaa, haddana waxay arkaysaa adhigii oo meel bannaan ah dharag darteed iskala barqa fadhiistay iyo qaar duduma qaroofinaya oo dudumada cagaarka miidhan ah ku dul ciciyaaraya, markaasay gabadhii geed sabdha ah laantiisa sidaa u yara ruxaysaa iyadoo odhanaysa; “Sabdho, sabdho, sabdho”, markaasuu adhigii riyo cadka ahaa xaggeedii u soo dareerayaa, waana dantay ka lahayd laanta ruxiddeeda.
Markaas iyadaa gabadhu waxay sinta ku wadataa oo ugu xidhan caws dhurba ah ama badhiwayn ah ama diixi ah oo ay xidhadhka ka soo guraray, iyadoo ula dan leh in ay ka samaysato gurigeeda mustaqbalka heeryadiisa oo qaar qabyo ka yahay.
Intaa ay doogga dhex socoto waxaa u sii siyaadaya quruxda iyo iftiinka indhaheeda iyo wajigeeda ka soo ifaya, kaas oo soo jiidanaysa barbaarta ay kula isaga soo hor baxayaan meelaha cagaarka ah ee ay isku salaamayaan, kadib inkasoo aysan wax wakhti ah maalintii isku helaynin, waxay ballan is afgarasho isku dhaafayaan in caawa dhaantada lagu kolmo.
Halkaas weeye halka caawoodhan sacabka iyo luuqda lagu saama laylayo, Sida uu sheegayo samatar:-
Habluhu dahab la moodyow
Doobkiyo barbaartuna
Illaa waagu daalaco
Sacabka aanu daynayn
Reerka oo sidaa u daggan ayuu cirku ku soo unkadayaa markaasuu daadku salabaynayaa wixi dhiriq iyo digo xoolaad ahayd, markaasuu doog horleh oo curdan ah guryaha dhexdooda ka bildhanayaa, oodda hoosteeda ayaa qarsoomaysa oo cagaarku durba muska ka dhex baxayaa, waxaa aad u dhali adhiga baraarka iyo waxaraha ayaa ardaayada guryaha ku ciciyaaraya, carruurta yar yar iyo maqasha ayaa maanta dhan isla qooqaya.
Awrti maalinta dhawayto lagu soo degay, ayaa wada qooqaysa, kuryo caleentu damtahay oo reerka ka yara hoosaysa ayaa lagu foofiyaa kaligood, geelana waxaa dareeriyaa meel kale oo awrta ka yara durugsan, haseyeeshee, kurayda geela raacdo maanta dhan inta niska horaa reerkay iska joogjoogaan oo odayaashay geedaha la hadhsadaan, duhurkiina meeshii uu saaka geelu u dareeray ayay aadaan, dhaqsana waxay ugu tagaan geelii oo aad u dhargsan oo caleenta bashdhabaya, markaasay inta ka caana maalaan haddanana xagga reerka u soo daqaqamaan, oy iska riinjiyeeyaan galabtina inta geela ka hor baxaan ayay fiidba xerada ku soo duwaan, marka uu doobku xerada ku hubsado oo geela tiriyo, markuu arko in uu idin yahay, ayuu gadaal isku majiiraa, wuxuuna la kulmaa dhawr doob oo iyaguna geelashoodi soo xareeyay, oo meel bannaan ah reerka duleedkiisa fafadhiya, markay isa salaamaan kadib ayay u soo qulqulaan xagga reer aan aad uga durugsanayn kooda, oo ay ku dhan yihiin gashaantimo Ilaahay boqraday oo markaas wada kacay oo ay maalmahan fooftaanka dhexdiisa isku barteen.
Kadib markay reerkii qalaadaa korkiisa imaadaan waxay iska waydiiyaan baadi xoolaad oo maraan marsiinyo ah, markii waxba maannaan arag loogu jawaabana, inta wiil dhallinyara ah sidi iyagoo tubaako waydiinaya bannaanka uga yeedhaan, ayay wiilki hoos ahaan u waydiiyaan: “Ninyahow caawa dhaantaa jirtee, gabdhihi reerkaanagana waa diyaare kuwiinna soo shabiya oo dhankaas u soo bixiya”, wiilkii baa ugu jawaaba, “War niman yahaw, gabdhahaanaga wax la kariba maahee, bal kaalaya idinku la hadla mid baan idiin soo bixine”, markaasuu midda ugu heerka sarraysa hoosta kala hadlayaa in bannaanka loo taagan yahayna u sheegayaa, markaasay iyadna inta yara mashmaashto mar dambee, soo baxaysaa intay iska dhigto wax oodda soo ridi.
Wiilashii oo cabbaar geed meeshan ah isku liilinayay ayaa si halhaleel ah u soo baxa markay gabadhu soo muuqato, kadib waa la yara kaftamaa iyagii iyo gabadhii, waxayna ka codsadaan in caawa dhaanto labada reerba laga soo bixinayo sidaa darteed, gabdhaha noo soo bixi adigaa ugu madaxsane, gabadhina waxay ugu jawaabtaa wixi i soo raacaba anigu diyaar baan ahaye horta shardigu waa inaan maqallo dhaantada kolka hore, waayahay inta ay wiilashii dhahaan ayay soo rogmanayaan, kadib waxay imanayaan reerkoodii, waxayna soo sasabanayaan dhawr gabdhood oo qaar iyaga walaalahood ah si ay ugu soo dabtaan gabdhaha qalanjooyinka ah ee reerkaas jooga.
Markaasay dhaantadii meel gogol cagaar badan ah ku qabtaan, gashaantimihii reerka kale ayaa markay sawdka maqlaan mid walbaa hawshay haysay kodol la wadi waydaa markaasay reerka midba dhan ka soo baxdaa oo ay sidaa isku soo raacaan, wiilashii gabdhahooda sida qamashiirkaa kula dhaantaynayay ayaa halmar bannaan meeshan ah wada jalleeca, oo arka madaatuul dad ah oo isku doo duuban si xushmad leh u soo jimiracaya, markaasay inta iyo dhawr wiil oo hareeraha ka socda, markaasay wixi gabdho ahna isku darmadaan wixi wiilal ahna isku darmadaan iyagoon is aqoon.
Kadib sidaasaa dhaanta lagu shidaa, inta ay dhaantadu socoto waxaa garabsocda sahanka iyo baaqa ka dhexeeya gabadha iyo wiilka habeenkaa raba inay sheeka yeeshaan, balse la isma ma fashilmayaan, oo labadoodaas isu baaqay mooyaane cid kale ma ogaanayso, waxayna isu adeegsanayaan xigmado luuqadeed oo ay labadooda uun isku fahmayaan.
Tusaale erayaduu adeegsanayo wiilka raggaa habeenkaas isagoo luuqaddiisa hodankaa ku ciil baxaya wuxu odhanayaa:-
“Taagni dheerey bal tali kaama tagi karee” gabadha taagni dheerarka isku tuhunto way fahmaysaa in uu wiilkaasi habeenka iyada diiradda ku hayo, markii dhaantada la kala dareerana wiilasha kale way diidaa inay u jawaabto wiilkii sarbeebta dareensiiyay mooyeen.
Halkaas ayuu ama calaf adeegaa ama lays cafiyaa sheeka dheer ka dib.
Si kastaba ha ahaatee, barwaaqadu waa nolasha geeddi socodkeeda gaar ahaanna qaab dhaqameedka reer miyigu waxay u leedahay muhiimad aan la qiyaasi karin.
Erayadii codki magool Alle haw raxmee.
Doolliyo afmeeroo
Roob aan dabayl iyo
Duufaan wax qaadiyo
Dibindaabyo lagu arag
Ilaah oogu deeqoo
Dhulka meesha didibtaa
Daadkii ku soo jabay
Dambaskeedi kala tagay
Iyo digadi xoolaha
Oo madheedhku dayr dhalay
Hoobaan da’aysiyo
Malab yari ka daatiyo
Dusha midab ku leeyiin
Dibisoo barwaaqoo
Dirir-cawle ku unkaday
Dhulka meesha daridale
Dooggiyo xareeddii
Labadu is dabbaasheen
Duunyaduna galabtii
Laxda sabada daaqdiyo
Nayluhuna duleedkii
Farduhu is dugsanayaan
Oy dumarku xoolihi
Soo dabbaala leeyiin
Awrna dabarka lagu xidhin
Meel dheerna laga dayin