Waa sheeko xanuun leh oo barnaamijka jimcaha inoo socon doona idam Alle.
QAYBTA-1
Sheekadan waxa ay kadhacday magalo ka mid ah magaalooyinka Soomaaiyeed. Dhacdadan oo ah dhab waxaa ka sheekaysay Gabadhii ay ku dhacday.
Waxay sheekadu ku bilaabanaysa sidan.
Waxay ahayd gabadh Alle u dhameeyey qurux, dheerar, dabeecad iyo soo jiidasho rabaaniya waxay ka dhalatay qoys danyar ah oo anan haysan hanti badan wuxuu qoyskoodu ka koobnaa 9 ilmood waxayna kala ahaayeen 5 gabdhood iyo 4 afar wiil, waxaa iyada ka waynaa labo wiil halka gabdhahana ay iyada ugu waynayd farxadda reerkoodu waxay ahayd mid dhamaystiran aad ayayna ugu faraxsanaayeen dhamaantoodaba nolasha ayku jiraan ee fiqiirnimada ah.
Aabbeheed wuxuu ahaa nin Harqaanle ah, halka hooyadeedna ay ahayd, dadka qudaarta gada nolal maalmeedka xafada marna mayn wayi jirin, hase ahatee, lama oran karo reerka oo intaas ah in quud kufilan nahay harqaan. Dhammaantooda waxay ahayeen dad howsha guriga taalla aanan isku dhowrin qofba wuxuu qaban karo ayuu qaban jiray.
Gabadhu maalmaha ay fasaxa ka tahay iskuulka hooyadeed ayay qudaarta miiska ka nasin jirtay, waxayna gadi jirtay malmahaas si ay hooyadeed iskaga nasato waayo waa noole waxayna ubahantahay nasiino badan.
Waxaa gabadha shukaansi ugu imaan jiray wiilal badan qaar ay magaalada isku barteen iyo qaar ay iskuulka isku barteenba, qaar xafadaha ay daris ku yihiin iyo qaar khadka interneedka ay iska barteen intaba, balse waxaas oo dhanba ayadu waxay ahayd qof aan u soo jeedin waayo nolasha ay ku jirto ayaa ahayd mid aanan guur iyo shukansiba u qurxinaynin, niyad saasa uma aysan haynin guur. inta badan wiilasha waxay ku odhan jireen “walaaley maskaxdaadu halkay u sii jeedda, maxad radinaysaa haddaadan guursanaynin, sida gabdhaha kula da’da ah”. balse ayadu waxay ahayd, gabadh ku fakiraysa siday hooyadeed iyo aabbeheed ku nasin lahayd.
Maalin maalmaha ka mid ah, ammin galab ah, ayaa waxaa gurigooda yimid rag odayaal ah oo toddoba ah, waxayna ku yimaadeen aabbeheed, oo markaas ka imaday shaqadisii, wayna isa salaameen, waxaana loo dhigay kuraas dariska looga keenay.
Waxayna raggii aabbaha waydiiyeen in uu siiyo gabadhiisa, nin ka yimid maraykan, hadal dheer kadib odaygii waa bixiyay gabadhii hadalkii odayaashana waa meel mariyay, inkastoo uusan gabadha kala tashan. Gabadha aabbeheed iyo hooyadeedba waxay wada qaateen in gabadha ay ku qanciyaan inay guursato ninkaas.
Gabadhii markay waalidka u soo jeediyeen arrinkaasi aad ayay uga niyad jabtay, wayna yara murugootay, inkastoo aysan iyadu ninkaas la sheegayo doorannin, waxay ku noqotay inay soo food saartay nalal qaabdarro ah.
Gabadhu waalidkeed markay murugo ka dareemeen, waxay ku waaniyeen, in aysan gabadhi ku wanaagsanayn in ay iska joogto, oo ay reer yeelato marba hadday qaan gaadho. Gabadhii way iska oyday, waxayna ku carartay xagga hooyadeed, oo ay isku dayday inay ka adhaadhiciso wax, oo ay u sheegto in aysan maanta guur diyaar u ahayn, ooy doonayso inay wax barato, laakiinse hooyadu umaysan garaabin codsiga gabadhasi, waxayna ku waanisay in sida aabbeheed u sheegay yeesho.
Gabadhii markii ay waalidku isku dhinac ka wada mareen, oo arrintu duco taagan yahay, ayay haddana xagga walaaleheed miciinsatay, oo ay ku oyday, inay wax ka dhahaan ninka aysan waligeed arag ee la siinayo, wiilashii iyada ka wawaynaa waxay ugu jawaabeen “Walaaley waan kugu taageersannahay inaad diiddo ninkan aadan waligaa arag, balse haddana waalidkeen waxay go’aamiyaan kama hor imaan karno.
Gabadhii waxay noqotay, mid laga soo wada horjeestay, hadday taqaanno meel ay aaddo way u baxsan lahayd, balse waligeed meel magaladan ka baxsan mayn arag, waxay ahayd mid ku taamta inay waalidkeed garabsiiso markastaa. Waxay markale, waalidkeed ka codsatay in guurkan laga daayo iyo ninkan aysan aqoon ee dibadaha ka yimid. Si kastaba waalidku way ka diideen in guurkaas la baajiyo. Kadib gabadhii waxay go’aan satay in ay is disho, maaddaama aysan awood ay guurka ku diiddo lahayn, haddana waxay xasuusatay, in ay aakhiri cadaab ku waarayso hadday is disho. Gabadhii waxay saa ahaataba, waxay oohin maciinsataba, waxaa la gaadhay xilligii qabanqaabada arooska. Waxaa la keenay qalabkii iyo weelashii hawsha ducadu ku qabsoomi lahayd, iyadii gabadha ahayd mooyaane dadka intiisii kale waxay ku mashquulsanaayeen, karinta cuntada ducada iyo fiiqidda qudaarta. lknse gabadha arooskeeda la qabanqaabinayo iyadu waxay ku jirtaa nolol murugo, qolkeedii dhexdiisay ku duduuban tahay, dhawr caana maal waxna mayn cunin waxna mayn cabbin. Goor makhribkii ah ayaa neef geel ah daaraddooda lagu soo xidhay si ducada loogu khatimo. Neefkii ayaa habeennimo la gawracay, waxaana la kariyay dhammaan hilbihii iyo raashinkii kale waxaana dillaacay waagii, kadib waxaa yimid dad badan oo ka kala socda labada dhinac ee qaraabada, iyo dad kale oo u yimid in ay cuntada wax ka cunaan, waxaa la galay shaqo aan hadal lagu soo koobi karin, waxaa kale oo imaday rag uu ku jiro ninkii gabadha la siiyay ee qurba-joogga ahaa. Ninkii waxaa la geeyay meel si gaar ah loogu hagaajiyay shaqsiyaal aan badnayn, kadib waxaa loo geeyay cunni iyo wixi loogu talo galay, waxaana halmar isla billawday mashxarad ilalaas iyo durbaan kaas oo caddayn u ah in meherkii dhacay, gabadhiina iyadoo meel duuduuban oo dibinta qaniinsan ayay ka war heshay waa la meheriyay, qofkastaa wuxuu ugu duceeyay in ay barakowdo, balse iyadu waxay hooska ka guri ilaahay ma barakeeyo hadduu rabo. Si kastaba ha ahaatee, waa inoo qaybo kale idam Alle.