Dhaqan waa wax ay ummadi ku dhaqanto iskuna raacsantahay khilaaf la’aan. Sida;
-Xeersanka (Biri ma gaydada ah), in la is badbaadiyo, in la is marti galiyo, in gaadiid la isa siiyo, in ceel biyihii la wada cabbo, in meel daaqsin ah la wada daaqo, waxaas oo dhan waxay hoos iman dhaqanka wanaagsan ee xeer-sanka loo yaqaan.
-Kaalada, la siiyo ruux guursaday, xoola-gooyada la siiyo ruux caydhoobay, Caanaha xirsiga ah ee la siiyo reerka danyarta ah iwm, waxaas oo dhan oo iyana ay bulshadu dhaqan ahaan isugu kaalmauysato waa ka simantahay, wax khilaaf ahna kama jiro.
-Mulkiga, la sadaqaysto.
-Maashiga, ruuxa la siiyo in uu caanaha ka soo maalo neefka inta uu ka gudhayo
-Magta, laga bixiyo ruux kas ama kamma loo dilay
-Mawlaxada, lagu dhaqaaleeyo ruux jug ama jareexo soo gaadhay, mawlaxadaasi oo ka koobnaan karta buullayn iyo booga dhayba.
-Guurka, ka dhexeeya labada gayaan ee qabiil iyo qola kasta, iyo wixii la mid ah.
Dhaqanka ummadda inta ay ku faani karto ee dhaqanka loo yaqaan horta waa waxyaabahaas, aan soo xusnay oo dhan, waana inta saxda ah een muran ka taagnayn.
Hase ahaatee, waxaa jira;
waxyaabo bulshada dhexdeeda ceeb ka ah,
Waxyaabo kaaraho ka ah iyo
Waxyaabo mamnuuc ka ah, oon bulshada isku dhaqanka ah u bannaanayn.
Waxyaabahaas lama odhan karo waa dhaqan, balse waxaa la odhan karaa waa dhaqan xumo.
Tusaale ahaanba, waxaa bulshada dhexdeeda ceeb ka ah, kuwan;-
-Bakhaylnimada
-Tuuganimada
-Doqonnimada
-Diraarnimada
-Caasinimada
-Fulaynimada
-Hunguri waynanka
-Karti xumada iwm.
Kuwan aan soo taxnay waa dhaqan aan fiicnayn oo ama si dabiici ah u liita ama si caado ah u liita, sidaa darteed, lama tirsado. Waa la isku caayaa, waxaanad meeshaa ka ogaan kartaa in ay bulshada dhexeeda ceeb ka yihiin. Intaas aan soo sheegnay waxaa ka soo horjeeda lidadkooda oo la isku ammaano sida;
-Deeqsinimada
-Aaminnimada
-Caaqilnimada
-Dhawrsanaanta
-Baarrinimada
-Geesinimada
-Qanaacada
-Hawl-karnimada iwm.
Karti-xumada, waad aragteen, waana wax iska dabiici ah oo ruuxa dabeecad ahaan ugu ladhan, Karti-xumada magacyada dumarka ka raaca waxaa ka mid ah;
_Basari, oo aan gurigeeda ka adkayn, balse sida kale iskaga fiican
_Areebo, oo aan gurigeeda iskaba dhaafe iyada nafteeda is hagaajinayn
_Arraajo, oo aan dhaqashada reerkeeda iyo xoolaheedaba ku liidata
_Baali, oo iyana labbis xumi iyo nadaafad xumi iyo wixi lamid ah lagu bartay iwm.
Karti-xumada magacyada ragga ka raacda waxaa ka mid ah;
_Xila-bilaal, nin haweeneydii uu guursadaba furaya markuu dhaqan garanwaayo
_Xila-irmaanays, nin aan haweeneyda ka dhaliddeeda mooyeen aan waxtar kale lahayn
_Daallacuur, nin aan wax tar iyo raganimo saasa lahayn
_Canjool, nin aan u adkaysan karin rafaadka kulayl iyo qabaw midna iwm.
Qorqode, oola isku caayaa waa hunguriwaynan iyo wax la mid ah
Isla wareege ama isla wareegto oo la isku caayo waa dhaqan xumo iyo diraarnimo iwm, bulshada waa ku ceeb iyo caariyo
Dhakhuul iyo gacan adayg iyo waxyaabahaas oo la isku caayana waa bakhaylnimo.
Waxyaabaha bulshada dhaxdeeda kaarahada ka ah;
-In la qadhaabsado
-In la ugaadhsado
-In la shaxaatamo
-In reer reer kale soo dul dago iwm.
Waxyaabahaas oo dhan bulshada dhexdeeda waa ku kaaraho. Inkastoo ruuxii wax ugaadhsadaa ama midhaha iyo xabkaha iyo qadhaab la mid ah gurtaa, lagu faquuqo, haddanana waa wax loogu garaabo in ay dan u gayn karto.
Waxyaabaha bulshada dhexdeeda dhaqan ahaan mamnuuca ka ah marka diin ahaan laga yimaado, waxaa ka mid ah;
-In hilib caydhiin la cuno
-In dhiigga xoolaha la cabbo
-In maandooriyaasha la cuno
-In ugaadha laga ganacsado
Waxaa jira haddaba waxyaabo muran ka jiro oo dhaqanku qaarna diiddan yahay qaarna raacsan yahay, waxaana ka mid ah;
Ciyaaro dhaqameedka qaarkood inta la taageersan yahay waxaa ka mid ah
-Buraanburka oo dumarka u gaar ah
-dheesha oo ragga u gaar ah
-Qori-tuurka oo carruurta u gaar ah
-Golayga oo carruurta u gaar ah
-shanoodka oo carruurta u gaar ah,
-Baarcaddaha oo dumarka ah IWM.
Kuwani iyagu wax ceeb ah iyo wax cambaar ah laguma sheego, caammo iyo culimo awdiin dhammaan dadwaynaha wax dhibsanaya ma arkaysid.
Balse waxaa jira ciyaaro dhaqameed muran xooggan iyo khilaafyo ka taagan yihiin, waxaana ka mid ah;
-Dhaantada oo ragga iyo dumarku wada cayaaraan waliba xilliga habeenkaa, waxaad ku arkaysaa maahmaayo lagu dhalliilayo, sida; “Dhaanto hadduun wax ku jirin maxaa habeenki loo tumaa, iyo maahmaahyo la mid ah”.
-Jaarriilaha, oo ah cayaaro dhaqameedka beeraleyda wabiyada daga, taas oo niikis rag iyo dumar ah lagu dheelo, oo iyaduna ay bulshadu cambaarayso.
Saarka, oo rag iyo dumar ah oo aadna loogu mirqaamo.
Gaafka, oo toddobaad ah oo rag iyo dumarba ka heesaan xilliga aroosyada, iyo cayaaro la mid ah.
Waxaan qormadan ula danleeyahay, wixi khilaaf ka jiro ee aysan bulshadu isku waafaqsanayn, ma aha dhaqan, ee waxaa dhaqan ah waxa ay bulshadu raalliga ka wada tahay.
Sababta qormadan igu dhalisay waxaa ka mid ah, waxaad arkaysaa, dad odhanaya, “Dhaqankeenna waxaa ka mid ahaa guurkii dhabar-garaaca, guurkii heerinka iyo waxyaabo noocaas ah”.
Runtii guurkaas dhabar-garaaca ah wuxuu ahaa guur xatooya ah oo nimanka gabadha soo xambaaranaya hub ayay soo qaadan jireen, si ay isaga dhiciyaan marka laga soo daba birmado, sidaa darteed, kolkolbaaba la isku madhan jiray, marka ma waxaan dhihi karnaa waa dhaqan, maya lama dhihi karo maxaayeelay raalliba lagama ahayn oo tuugaysi buu ahaa.
Guurkan kelee heerinka la odhan jiray, isaguna wax lagu dhaqmi jiray ma ahayn se, bulshadii xilligaas joogtay waxay u arkaysay wax liita oo gabdho dantu ku qasabtay ku dhaqaaqeen, isana laguma dhaqmi jirine ceeba yuuba ahaaye yaan la odhan dhaqan baa u lahayn, waa codsi.
Akhriste siday kula tahay adiga???
Q/r. Af-guun