Gabaygan wuxuu abwaanku tiriyey 1982, waxuuna wax ugu sheegayaa soomaalida geeska afrikaad. Gabaygan oo dheer ayaan ka soo qaatay dhawr tudac oo murti iyo miidhan ah.
Aduunyada qasaaraa ka dhaca, qab iyo maandhaafe
Qardoofahaba awgiisa waa lays, qardabadeyne
Quruucda iyo damaacigaa badnaa, laysku qoonsado’e
Qaatilu naf baa jirey illaa, sabankii Qaabiile
Shanta qaaradood waxa ka ridey, qayladiyo buuqa
Qumbulad iyo sawaariiqda iyo, qaraxa Naabaalka
Waxa qamarka guud iyo, hawada qalabka loo saarey
Waa quud mid haysta iyo mid raba, inuu ka qaataaye
Ama qaab Siyaasigu bartiyo, waa qoqoba riixe