Gabay Dhaqameed

Hal-abuur Af-guun

Dhaqankeeni teellaa ninkii taabudaa garane,

Ruuxii ku toosaa nafluhu waa tix-galiyaane,

Adigoo tamadin baa hidaha lagu taxnaadaaye,

Tusma aqala reer teedsan oy timir u foofayso,

Adhyo tirale teeyada lo’diyo tima yarow geelu,

Kuray tabara taag ciidanliyo gabadh u taagnaata,

Oday timacad waayeel tashada guurti lagu taamo,

Tawxiidka sheekh dhiga hayiyo tawbaddiyo diinta,

Dumar tabaca taariikhda galay hooyo tabinaysa,

Guryihii tilmaannaa hiddihi lagu tanaadaayay,

Kabad togan dhig iyo haan tigtigan teerin iyo maydhax,

Gala tidacle caw lagu tarraxo tiixadiyo shaalka,

Tiif caw ah falag toox iyo kolayo taabaysan,

Agab tolan tarey dhagalihiyo toorri iyo soofe,

Magli tuman taraawiil murjina teeri warammaad ah,

Xagar tirifle asal tawlanoo miidda laga tuujo,

Tidaciyo dhagaatiga maqlaha xadhigga loo teedo,

Takh budaa tib iyo mooye qoran tumayo miihaahan,

Tusbax geeda kuul tiinihiyo qoonne talan-teela,

Qurqur taxan jariyo koor tubbacan teebbaddiyo maarta,

Tebbed subaga soor iyo tigaad caano lagu teelo

Tindhadh ubaxle toontoon midhaa tire iyo riidhe

Qodax tiina iyo toosha iyo teellamkiyo gaadda

Waxaas oo tab iyo maadha waa tacajabaysaaye

Tabacii awoowyaashay waa taabbagalayaaye

Erayada adag

  1. Teerin; waa xadhkaha xoolaha saantooda laga sooho
  2. Tiixo; tiixadiyo shaalka; Waa dunta bilicda leh ee gogosha lagu tarraxo (sharxo).
  3. Tiif caw ah; waa cawda feedhan ee gogosha iyo heeryada lagu sameeyo
  4. Falag tooxan; Waa gogol qabyo ah samays cusub ku socdo.
  5. Kolayo taabaysan; Waa alaabta wax lagu rito ee laga samaysto cawda garbida ah, sida; Dambiisha, abaaxadda, sallada iwm.
  6. Tarey dhaga leh; Waa masafta hadhuudhka lagu haadiyo.
  7. Soofe; Waa qalab biraha lagu afeeyo.
  8. Magli tuman; Waa billaawe ama toorri aad u halis ah oo lagu dagaallamo.
  9. Taraawil; Waa waran yar oo lagu toog barto.
  10. Teeri; Waa waran wayn oo halis ah.
  11. Tebbed, waa saan sida qumbaha loo sameeyay oo subagga lagu shuban jiray.
  12. Tindhadh; Waa geed saar aad u yar oo cawska ku marmarma oo xilliga doogaaddi ah caleentiisa dhanaan iyo badhidiisa la cuno, oo ay carruurtu aad u jeceshahay.
  13. Tiire; waa geed daaweed la isku qaras bixiyo, xoolahana lagu daweeyo, oo ka baxa meelaha carra jileeca ah iyo laagaha ciirigooda.
  14. Riidhe; waa geedka ugu udgoon dhirta, oo lagaba yaabo udgoonkiisa besa in aad la suuxdo markaad sanka saarto. waxaa la yidhaahdaa dhididkii nabigaa ku tifqay maalin. Haweenka reer miyigu waxay laamihiisa ku jiilaan subagga burcadka ah, si si ay ugu udgiyaan, waligiina subagaasi isma baddalayo.
  15. Qodax-tool; waxaa la dhaa geed yar oo ubax quruxsan leh, oo qodxo kulkulul leh, geeluna wuu jecel yahay. Ubaxeeda quruxda badan waxaa gudaha ugu jira wax malabka ka macaan oo aadna u udgoon, sidaa darteed, waa laga nuugaa waxaas macaan, sida geedka washaqaarka ah oo kale isana wuxuu leeyahay ubax udkoon oo qurux badan oo wax bacaan laga nuugo, waa laba geed oo cajiib ah.
  16. Teellinka; waa geed yar oo badhidiisa la cuno.
  17. Gaad; waa geed yar oo carruurtu badhidiisa ku caraarto oo dhiilal ka samaysato, carruurtaa aad u jecel geedkan ma cunaane way ku cayaaraan iyagoo weelal ka saysta, mararka qaarna ku toog barta inta qodxo u adeegsadaan.